Karriärvägledning

Adeegga hagitaanka xagga horumarka qofka, waxaad hage waxbarasho- iyo xirfadeed ka heleysaa taageero ku aaddan waddadii aad shaqo ama waxbarasho u mari lahayd. Waxaad heleysaa hagitaan qof ahaaneed oo ku saabsan wixii waxbarasho iyo fursado ah ee jira. Si wada jir ah ayeynu danahaaga iyo aqoontaada xirfadeed isula darseynaa, waxaanaynu samayneynaa qorshe mustaqbal oo aad hore ugu soconeyso.

Muxuu yahay hagitaanka horumarka jidka noloshu?

filin
/

2 daqiiqado 39 ilbiriqsiyo

Filinka waxaan uga sheekeyneynaa, waxa uu ka dhiganyahay, hagitaanka horumarka jidka noloshu iyo sida aad uga qeyb qaadan kartid.

Waa maxay

Hagitaanka xagga horumarka qofka waxaad ku heleysaa fursad aad kaga fikirto xirfadaha aad dooran karto. Mid ka mid ah hagayaasha waxbarashada iyo xirfadaha ee qandaraaslayaasheenna ayaad ka heleysaa taageero loogu tala galay inaad ku hesho waddadaadii aad shaqo ama waxbarasho ku heli lahayd. Waxaan si wadajir ah isula diraaseyneynaa aqoonta xirfadeed ee aad leedahay iyo waxyaabaha aad ku fiicantahay, khibradaha hore ee aad leedahay iyo meelaha xirfadeed ee ay kaa anfici karaan. Inta waqtigaas lugu jiro waxaan soo saareynaa qorshe loogu tala galay mustaqbalkaaga.

Yaa loogu tala galay

Hagitaanka xagga horumarka qofka waxaa loogu tala galay adigaaga u baahan in la diraaseeyo xirfadaha kugu habboon iyo tallaabaha ay tahay in aad qaaddo si aad halkaas u gaartid. Waxay tusaale ahaan ku saabsanaan karaan baraagtiik ama waxbarasho. Hagitaanka xagga horumarka qofka waxaan waafajineynaa baahiyahaaga. Haddii aanad ku hadlin af Iswiidhish, waxaad taageero ku heli doontaa afkaaga hooyo.

Sidan ayey wax u dhacayaan

  • Waa Xafiiska shaqada cidda qiimaynayneysa in hagitaanka xagga horumarka qofku uu yahay adeeg kugu habboon.
  • Waxaad ka qaybqaadaneysaa hagitaanka xagga horumarka qofka in u dhaxaysa boqolkiiba 50 iyo 100. Sidoo kale hagitaanka xagga horumarka qofka waxaad tusaale ahaan la wadan kartaa, shaqo, sfi ama hawlo kale oo uu Xafiiska Shaqadu kuu diray.
  • Waxaad la xiriiri kartaa lataliye waxbarasho iyo xirfadeed oo tirsan mid ka mid ah qandaraaslayaashayada.
  • Waxaad booqasho waxbarasho ku tegi kartaa goobo shaqo iyo goobo waxbarasho. Waxaad sidoo kale la kulmi kartaa dad ka sheekeynaya sida ay tahay in xirfad lagu shaqeeyo iyo habka loo marayo.
  • Hadafka hagitaanka xagga horumarka qofku, waa qorshe loogu tala galay inuu kuu noqdo waddo aad ku gaarto shaqo ama waxbarasho.
  • Waxaad adeegga ka qaybqaadanaysaa laba bilood.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.