Taageero khuseysa adiga oo ka qeyb qaata barnaamijka la qabsiga/dejinta dalka

Barnaamijkan la qabsiga dalka waa mid aad ka qeyb qaadan karto oo waana waxqabadyo waxtar leh sida barashada af-ka iswiidhishka oo ka baran karto, ama aad ku heli karto shaqo si aad isugu filnaato.

Arbetsintegrerande övningsplatser

Taageero loogu tala galay adigaaga muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada, oo aan hubin kartidaada shaqo iyo shaqada kugu habboon.

Arbetspraktik/praktik

Ma u baahantahay in aad heshid khibrad shaqo, korna u qaaddid fursadaha aad shaqo ku heleysid? Markaas tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara. In tababar shaqo aad goob shaqo ku qaadatid, adigaaga doonaya in aad shirkad furatid, waxay sidoo kale kuu noqon kartaa isdiyaar-gareyn.

Etableringsjobb

Haddii aad bilaa shaqo ahayd muddo dheer ama aad ka tirsan tahay qayb gaar ahaaneed oo ka mid ah soogalootiga cusub, waxaad heli kartaa shaqada deegaamaynta (etableringsjobb) si aad si fudud ugula qabsato suuqa shaqada.

Etableringsprogrammet

Barnaamij leh dhaqdhaqaaqyo iyo tababarro loogu talagalay, qaar kamid ah soo-gaaleetiga dhowaan dalka yimi, taasoo ulajeedadeeda tahay in sida ugu dhaqsida badan aad af-iswiidish ku barato, shaqo ku hesho iyo isku filnaasho dhaqaaleed.

Förmedlingsinsatser

Dadaallada shaqa la raadintu waa barnaamij loogu talagalay adigaaga taageero uga baahan xagga shaqo raadinta ama waxbarasho bilaabista. Taageero ahaan, waxaad gacanhaye, ka heleysaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna.

Intensivår

Adigaaga ku cusub Iswiidhan ee ka qaybqaata barnaamijka saldhigashada waxaad xawaare sare wax ku baran kartaa ama tababar ku samayn kartaa goob shaqo. Adigu waxaad tan samaynaysaa wakhti buuxa iyo in xilli firaaqaha si aad dhakhso u hesho shaqo.

Introduktionsjobb

Marka aad u baahantihid caawimaad si aad suuqa shaqada u soo gashid. Waxaad isku darsaneysaa shaqo hordhac ah iyo waxbarasho, oo labaduba xoojinaya kartidaada aqoon-iyo shaqo, daboolayana baahida shaqabixiyaha.

Nystartsjobb

Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay adigaaga muddo dheer shaqo la’aanta ahaa ama jirro awgeed ka maqnaa suuqa shaqada, ku siineysaa fursad aad dib ugu billawdid.

Projekt med arbetsmarknadspolitisk inriktning

Aaggaaga waxaa ka jiri kara mashruuc la xiriira siyaasadda suuqa shaqada oo aan la wadno laacibiin kale. Haddii uu aaggaaga ka jiro mashruuc habboon waxaa laguu soo jeedin karaa in aad ka qeyb qaadatid.

Rusta och matcha

Abaabulid iyo is-qabadsiin [Rusta och matcha], waxaa loogu talagalay qofka adigoo kale ah, oo u baahan taageero dheeraad markii aad shaqo raadsnaayso. Adiga ayaa dooranaya shirkadda ku caawini doonto, waxaana lagu yeeli doonaa qof hage ah, kaasoo ka caawin doono helida shaqo ama waxbarasho.

Svenska för invandrare, sfi

Waxbarashada swiidhishka loogu talagalay ajaanibta waxaad adigaaga Swiidhan ku cusubi ku baraneysaa aqoonta aasaasiga ah ee afka swiidhishka. Waa degmada aad ku diiwaangashantahay cidda waxbarashada bixineysa.

Utbildningsplikt

Waajibka waxbarasho wuxuu khuseeyaa adigaaga ka qayb-qaadanaya barnaamijka sal-dhigashada ee haysta waxbarasho kooban. Tani micnaheedu waa inay khasab tahay inaad wax barato si aad u kordhiso fursadahaaga inaad hesho shaqo.

Utbildning på grundskole- och gymnasienivå

Shaqooyinka badankoodu waxay u baahanyihiin waxbarasho aasaasi ah, haddii aad waxbarasho dugsi sare leedihidna waxay taasi kordhineysaa fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid. Taageerooyinkeenna kala duduwan waxaad fursad ugu haysataa in aad dhistid kartidaada aqoon-iyo khibradeed.

Utbildning på universitet, högskola och eftergymnasial nivå

Si aad kor ugu qaaddid fursadahaaga ku aaddan in aad shaqo heshid waxaad kartidaada aqoon-iyo xirfadeed ku dhisi kartaa waxbarasho jaamacadeed ama mid ka sarreysa heerka dugsiga sare. Haddii aad Swiidhan ku cusubtihid, aadna leedihid xirfad ay jirto baahi aad u weyn oo shaqaale loo qabo waxaa sii jira fursado aad fara badan.

Validering

Ansaxin waxay ka dhigantahay in kartidaada aqoon-iyo khibradeed laguu qiimeynayo. Waxay taasi khuseysaa aqoonta aad waxbarasho ku kasbatay, tan aad suuqa shaqada ka kasbatay iyo tan nolol maalmeedka.