Nystartsjobb
Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay adigaaga muddo dheer shaqo la’aanta ahaa ama jirro awgeed ka maqnaa suuqa shaqada, ku siineysaa fursad aad dib ugu billawdid.
Waa maxay shaqada nystartsjobb?
Shaqo nystartsjobb waxaad adigaaga muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada ku heleysaa fursad aad mar kale dib ugu soo laabatid. Cidda ku shaqaaleysiineysa waxay isla mar ahaantaas heleysaa kaalmo loogu tala galay mushaarkaaga. Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay noqon kartaa shaqo joogto ah ama mid ku meel gaar ah oo waqti buuxa- ama waqtiga qaarkiis ah.
Yaa heli kara shaqada nystartsjobb?
Shaqada Nystartjobb waxaa loogu tala galay adigaaga waqti dheer ka maqnaa suuqa shaqada ama aan weli sal dhigan suuqa shaqada.
Is tijaabi inaad buuxisay shuruudaha shaqada nystartsjobb-ka
Iyadoo laga duulayo jawaabahaaga tijaabada, ayaad heleysaa tilmaan ku aaddan inaad buuxisay shuruudaha shaqada nystartsjobb-ka iyo in kale. Fiiro gaar ah u lahaw in ay tahay tilmaan oo kaliya oo aanay ahayn ballanqaad, qiimaynta u dambaysa ee ku aaddan inaad taageero xaq u leedahay iyo in kale, waxaa sameynaya qof xafiiska shaqada u shaqeeya.
Tijaabadu waa af-Iswiidhish waxayna qaadanaysaa qiyaastii hal daqiiqo. Tirada su'aaluhu waxay ku xiranyihiin sida aad u jawaabto, laakiin ugu badnaan waa siddeed su’aal. Tijaabadu gabi ahaanba waa qarsoodi, Xafiiska Shaqaduna ma kaydiyo wax xog ah oo kugu saabsan marka aad isticmaalayso.
Är du över 25 år?
Anledning, villkor som uppfylls
Nystartsjobb är ett ekonomiskt stöd till arbetsgivaren
Ersättningen motsvarar minst två arbetsgivaravgifter för den del av månadslönen som är upp till 20 000 kronor vid heltidsarbete. Ersättningen erhålls via en kreditering av företagets skattekonto.
Anledning, villkor som inte uppfylls
Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan
Haddii aad buuxisay wax ka mid ah shuruudaha, aadna dooneysid in laguugu shaqaaleysiiyo shaqo markaas la billaabay waxaad sameyneysaa sidan:
1. Xiriirradaada ama adigoo annaga na soo maraya.
2. Shaqabixiyaha ka codso in uu codsi noo soo diryo.
Ku saabsan nystartsjobb-ta loogu tala galay shaqa bixiyaha
3. Marka aan helno codsiga shaqa bixiyaha, waxaad naga heli doontaa e-mail ama SMS ku dhahaysa gal Mina sidor oo ka jawaab su’aalo ku aaddan intii aad suuqa ka maqneyd. Jawaabahaaga ayaa aasaas u noqonaya go’aanka ku aaddan inaad buuxineysid shuruudaha nystartsjobb-ta iyo in kale.
4. Waxaan go'aamineynaa inuu shaqa bixiyuhu helo nystartsjobb iyo in kale.
Mushaharka
Waxaad xaq ku leedahay nooca mushaharka ku xusan heshiiska wadareed ee loo shaqeeyeyaasha. Haddii loo shaqeeyaha usan hoosta ka saxiixin heshiiska wadareed, waxaad xaq ku leedahay mushahar u dhigma kan ku xusan heshiiska noocaas ah.
Shaqo-sugidda
Shaqo ku qorida oo ah nooca [nystartsjobb] waxaa daboola Sharciga sugidda shaqo ku qorida [anställningsskydd, LAS]. Haddii loo shaqeeyaha u hoosta ka saxiixay heshiiska wadareed, waxaa xaaladaas dhici karto in qaar kamid ah qodobada ku xusan Sharciga sugidda shaqo ku qorida ay meesha ka maqan yihiin.