Nystartsjobb - sidan ayey wax u dhacayaan
Nystartsjobb waa lacag la siinayo shaqabixiyaha raba in uu ku shaqaaleysiiyo adigaaga muddo dheer suuqa shaqada ka maqnaa.
Shaqabixiye ayaa raba in uu nystartsjobb kugu shaqaaleysiiyo
Haddii aad buuxineysid wax uun ka mid ah shuruudahan waad ku fikiri kartaa in nystartsjobb uu wax kuu yahay. Xiriirradaada ama adigoo annaga na soo maraya, ku hel shaqabixiye doonaya in uu kugu shaqaaleysiiyo shaqo-billaabid cusub. Shaqabixiyaha ka codso in uu codsi noo soo diryo. Maskaxda ku hay in nystartsjobb-ku uu yahay lacag shaqabixiyaha loo shubayo si uu kuu shaqaaleysiiyo.
Buuxi foomka ku jira Mina sidor
Marka uu codsigu naga soo gaaryo shaqabixiyaha foom ayaa kaaga soo baxaya qulqulka dhacdooyinkaaga ee Mina sidor. Halkaas ayaad ku buuxineysaa macluumaadka ku aaddan ka maqnaashadaada suuqa shaqada. Si aad u heshid nystartsjobb waa in maqnaashadaadu ay noqotaa mid la oggolyahay (tusaale ahaan fasax waalidnimo ama jirro) iyo ilaa heer mid ishaysata.
Go’aan ayaannu gaareynaa
Xafiiska Shaqada ayaa go’aan ka gaaraya nystartsjobb-ka. Jawaabahaaga, caddeymaha laga yaabo in aad keentid iyo codsiga shaqabixiyaha ayaa si wada jir ah go’aanka loogu saleynayaa haddii uu shaqabixiyuhu buuxiyo shuruudaha qaar.
Waxaad billaabeysaa in aad shaqeysid
Marka aan go’aanka gaarno ayaad billaabi kartaa shaqadaada nystartsjobb-ka. Waxay taasi ka dhigantahay in shaqabixiyahaagu lacag ku helayo shaqaaleysiintaada iyo in aad nolol cusub billaabeysid.
Kala qorta heshiis shaqaaleysiin
Adiga iyo shaqabixiyahaaga waxaad kala qoraneysaan heshiis shaqaaleysiin. Shaqabixiyuhu koobi ayuu Xafiiska Shaqada u soo dirayaa ugu dambeyn 30 maalmood ka dib marka ay shaqaaleysiintu billaabatay.
Sidan ayaan go’aan ku gaareynaa
Marka codsiga shaqabixiyaha iyo jawaabahaaga foomka ee Mina sidor (ama iyagoo ku qoran foom waraaqo ah) ay na soo gaaraan ayaan baaritaan iyo qiimeyn ku sameyneynaa in aad buuxineysid shuruudaha nystartsjobb-ka iyo in kale. Waxaan markaas isku xisaabineynaa waqtiyadaada la oggolyahay ee ka maqnaashada suuqa shaqada. Tusaale waxaa maqnaansho la oggolyahay u ah in aad waddanka ku cusubtahay, in aad Qasnadda Caymiska ka qaadan jirtay lacag bukaan ama aad degmada ka qaadan jirtay kaalmo dhaqaale. Mar walba oo ay sii dheeraato ka maqnaashadaada suuqa shaqaduba waxaa sii badanaysa lacagta uu shaqabixiyuhu kugu helayo.
Yaa loogu tala galay – oo buuxinaya shuruudaha?
Shaqabixiyuhu sidoo kale waa in uu buuxiyaa shuruudo go’an, tusaale ahaan in aan lagu lahayn deyn canshuur ah oo loo gudbiyay Kronofogden ama aysan saarneyn calaamad lacag bixin darro oo micno weyn leh.
Sidan ayuu nystartsjobb-ku kuu saameynayaa
- Nystartsjobb waa "lacag" xukuumadeed oo akoonka canshuurta ee shaqabixiyaha ee Laanta Canshuuraha loogu qorayo shaqaaleysiintaada awgeed.
- Nystartsjobb ma saameynayo mushaarkaaga, waqtigaaga shaqada ama ilaa inta aad shaqeyneysid.
- Waxaad xaq u leedahay mushaarka ku qoran heshiiska wadajirka ah ee shaqabixiyaha. Xitaa haddii shaqabixiyuhu uusan lahayn heshiis wada jir ah waa in aad si u dhiganta heshiiska wada jirka ah mushaar u heshaa.
- Ku shaqaaleysnaanta nystartsjobb-ku waxay soo geleysaa xeerka ilaalinta shaqaaleysnaanta ee LAS. Haddii shaqabixiyuhu uu leeyahay heshiis wadajir waxaa dhici karta in qeybo LAS-ka ka mid ah heshiiska laga saaray.
- Lacagta shaqabixiyaha la siinayo waqtigeedu waa uu xaddidanyahay laakin shaqaaleysnaantaadu uma baahna in ay sidaas noqoto.