Xuquuqda iyo waajibaadka

Adigu waxaad leedahay xuquuq iyo waajibaad markaad joogto goobtaada shaqada iyo dhanka shaqo-bixiyahaaga. Arrimaha ku saabsan waxa ku khuseeya adiga shaqaale ahaan iyo shaqo-bixiyahaaga waxaa lagu magacaaba sharciga shaqo.

Xuquuqdaada

Heshiiska shaqada

Waxaad xaq u leedahay heshiis shaqo oo qoraal ah. Heshiiskan waa inay ku qorantahay

  • magaca shaqo-bixiyaha iyo lambarka ururkooda
  • magacaaga iyo lambarkaaga shakhsiga ah
  • dhererka shaqalaysiintan oo wadata taariikhda bilowga iyo taariikhda dhamaadka
  • haddii shaqadaadu tahay wakhti buuxa, wakhti nus ah ama keliya marka laguu baahdo
  • waxa aad helayso mushahaaro ahaan
  • nooca hawlaha shaqo ee aad qaban doonto
  • waxa uu yahay mansabkaaga xirfadeed.

Akhri nidaamyada shaqo ee kala duwan

Wakhtiyada shaqada

Waa shaqo-bixiyaha waxa go'aaminaya nooca wakhtiyada shaqo ee ansaxa ah. Goobaha shaqo qaarkood waad diiwaan-gelinaysaa wakhtigaaga shaqo. Xafiisyo badan waxaa caadi ka ah waxa lagu magacaabo wakhtiga shaqo ee dabacsan. Wakhtiga shaqo ee dabacsan waxaa xukuma heshiiska goobta shaqada ama in shaqo-bixiyuhu si rasmi ah kuugu sheegay arintan.

Waxaa kale oo xitaa jira sharciga wakhtiga shaqada lehna qawaaniinta ku saabsan inta aad shaqaynayso calaa maalin, calaa toddobaad iyo calaa sanad.

Sharciga wakhtiga shaqo (av.se)

Jadwalka shaqada

Jadwalka shaqo waa heshiiska nooca maalmaha iyo wakhtiyada aad shaqayn doonto. Haddii qof madax ah aanu doonayn inaad shaqayso maalin iyo wakhti ku qoran jadwalkaaga waa in shaqo-bixiyuhu si kastaba ha ahaatee bixiyaa mushahaaradaada wakhtigii aad ku heshiiseen.

Deegaanka shaqo

Waa shaqo-bixiyahaaga kuwa leh mas'uuliyada weyn ee dhanka deegaanka shaqo si aad u samayn karto shaqadaada iyadoo aan khatar u layan caafimaadka ama dhacdo shil. Sharciga deegaanka shaqada waxaa ku jira qawaaniinta ay tahay inay raacaan shaqo-bixiyaha iyo mas'uuliyiinta kale ee ilaalinta si looga hortago dhaawacyada loona abuuro deegaan shaqo oo fiican.

Sharciga deegaanka shaqada (av.se)

Haddii aad dhaawacanto

Haddii uu kugu shil ama ku dhaawacanto shaqada waxaad xaq u yeelan kartaa magdhabid. Ka bilow inaad u sheegto shaqo-bixiyahaaga kaas oo ay waajib ku tahay inay wargeliyaan Qasnada Caymiska iyo Hey'ada dawladeed ee deegaanka. Caawimaad ka hel wakiilka ilaalinta haddii aad u baahantahay caawimaad.

Samee wargelinta dhaawaca shaqada (anmalarbetsskada.se)

Haddii aad xanuusato

Haddii aad xanuusato waxaad xaq u leedahay inaad guriga joogto kana maqnaato shaqada. Waa muhiim inaad samayso wargelinta xanuunka oo shaqo-bixiyaha ayaa go'aaminaya sida ay u dhacayso. Waxay ahaan kartaa iyadoo loo maro telafoon, e-mayl ama nidaam kombiyuutar.

Qasnada Caymiska - xanuun (forsakringskassan.se)

Haddii ilmahaagu xanuusado

Haddii ilmahaagu xanuusado waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka ahaato shaqada oo qaadato gunada waalidka ee ku meel gaarka ah ilaa iyo inta ilmahani buuxinayo 12 sano. Maalin shaqo markay tahay waxaanu tani ku magacawnaa vab, daryeelka ilmo. Hooyooyinka iyo aabayaasha labaduba xaq ayay u leeyihiin inay fasax ku ahaadaan daryeelka ilmo.

Qasnada Caymiska - daryeelka ilmo xanuusanaya (VAB) (forsakringskassan.se)

Fasax

Gudaha Iswiidhan dhamaan shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin 25 maalmood oo fasax ah muddo sanad gudaheed ah iyadoo aan loo eegayn da'da iyo nidaamka shaqo. Waxaad heli kartaa ayaamo fasax oo dheeraad ah taas oo ku xiran heshiiska guud iyo heshiiska shaqada. Fasaxa waxaa loogu talogalay inaad ku nasato kuna soo kabato.

Shaqaale - ku saabsan fasaxa (verksamt.se)

Baarlamaanka - ku saabsan sharciga fasaxa (riksdagen.se)

Fasaxa waalidnimo

Waalid cusub ahaan waxaad xaq u leedahay inaad guriga joogto ilaa ilmuhu noqonayo hal sano iyo bar. Magdhabkaaga xilliga fasaxa waalidnimo waxaa lagu magacaabaa gunnada waalidka oo waxaa bixisa Qasnada Caymiska. Magdhabkani wuxuu ku salaysanyahay mushahaaradaada iyo faa'iidooyinka kale ee laga helo shaqo-bixiyaha. Caymiska waalidka wuxuu khuseeyaa hooyooyinka iyo aabayaasha labadaba. Saddex bilood ayaa kayd u ah mid kasta oo waalidka ka mid ah.

Qasnada Caymiska - Waalidka

Ka fikir

Lacagtaada hawl-gabka ee mustaqbalka waxaa raad ku yeesha inta ay leegtahay fasaxa waalidnimo ee aad qaadato maadaama tani ku salaysantahay inta lacag aad shaqaysay noloshaada shaqo.

Hey'ada lacagaha hawl-gabka - Maxaa raad ku yeesha lacagtaada hawl-gabka? (pensionsmyndigheten.se)

Waajibaadkaaga

  • u hogaansanto oo raacdo wakhtiyada shaqada
  • samayso hawlahaaga shaqo
  • raacdo tilmaamaha iyo qawaaniinta nidaamka
  • raacdo qawaaniinta amaanka
  • isticmaasho qalabka ilaalinta haddii tani loo baahdo
  • weydiisato shaqo-bixiyaha haddii aad doonaysid inaad ku hawlanaatid shaqo kale oo tan bar-bar socota
  • aanad banaanka shaqada ku samayn wax dhaawici kara shaqo-bixiyahaaga
  • raacdo waajibka xog-qarinta haddii aad saxeexday heshiiska qarsoodiga
  • ka fikir in xaqaaga inaad dhaliisho shaqo-bixiyaha waxaa la socda shuruudo
  • aanad socodsiin hawl tartan kula jirta shaqo-bixiyahan.

Sinaanta iyo takoorida

Gudaha Iswiidhan waa in haweenka iyo ragu lahaadaan xuquuq, waajibaad iyo fursado isku mid ah. Waa in xitaa bulshadu ay xor ka ahaataa takoorida.

Sinaanta iyo takoorida

Ka shaqaynta Iswiidhan

Akhri dheeraad ku saabsan waxa aad u baahantahay inaad ka fikirto iyo waxaad u baahantahay inaad samayso si aad uga shaqayso ama shirkad uga socodsiiso gudaha Iswiidhan.

Ka shaqaynta Iswiidhan (sweden.se)