Dal sinaan iyo cadaalad leh

Gudaha Iswiidhan waa in haweenka iyo ragu lahaadaan xuquuq, waajibaad iyo fursado isku mid ah. Waa in xitaa bulshadu ay xor ka ahaataa takoorida.

Haa! ku aadan sinaan

Iswiidhan waxay isku taxalujisaa sinaanta dhinaca dhamaan dhinacyada nolosha. Si loo gaaro sinaan wuxuu hadafku yahay in qiime isku mid ah la geliyo waxa haweenka iyo ragu samaynayaan.

Baarlamaanku wuxuu go'aamiyay in bulshada Iswiidhan ay ahaato mid si dheeraad ah u siman. Tani waxay tahay in

  • haweenka iyo ragu qaab isku mid ah ay raad ku yeelan karaan go'aamada siyaasadeed
  • haweenka iyo ragu ay wax baran karaan una shaqaysan karaan lacag qaab isku mid ah taas oo siisa isku filnaansho dhaqaale noloshooda oo dhan.
  • haweenka iyo ragu waa inay lahaadaan fursado isku mid ah inay daryeelaan caruur iyo inay qaybsadaan mas'uuliyada shaqada bilaa lacagta ah ee loo baahanyahay in laga sameeyo guriga.
  • dagaalka ragga ee ka dhanka ah haweenka uu istaago
  • haweenka iyo raga, gabdhaha iyo wiilasha waa inay xuquuq isku mid ah u yeeshaan inay iyagu u taliyaan jirkooda gaar ahaan.

Hey'ada dawladeed ee Sinaanta - ku saabsan Iswiidhan shaqadeeda sinaanta (jamstalldhetsmyndigheten.se)

Maya! ku aadan takoorada

Gudaha Iswiidhan waxaa ka jirta ilaalin laga helo takoorida. Takoorid micnaheedu waa in qof loola dhaqmo si ka liidata kuwa kale.

Waa mamnuuc haddii tani ay sabab u tahay:

  1. jinsi
  2. aqoonsi iyo tacbiir jinsi ahaaneed
  3. ka tirsanaasho qolanimo
  4. diin ama wax kale oo la aaminsanyahay
  5. hoos u dhac awooda laxaadka ah
  6. dabci xagga galmada la xiriira
  7. da'.

Dhamaan goobaha shaqada iyo iskoolada waa inay lahaadaan qorshe ka soo horjeeda takoorida. Adigu qofka ku takooray waxaad ka ashkatayn kartaa wakiilka xagga takoorka (DO).

DO - wakiilka xagga takoorka (do.se)

Xuquuqda iyo waajibaadka

Adigu waxaad leedahay xuquuq iyo waajibaad markaad joogto goobtaada shaqada iyo dhanka shaqo-bixiyahaaga. Su'aalaha ku saabsan waxa ku khuseeya adiga shaqaale ahaan iyo shaqo-bixiyahaaga waxaa lagu magacaabaa sharciga shaqo.

Xuquuqda iyo waajibaadka