Qaababka shaqaaleynta

Iswiidhan waxaa ka jira laba qaab oo dadka loo shaqaalaysiiyo, shaqaalayn rasmi ah iyo shaqaalayn wakhtigeedu xaddidan yahay. Balse waxaa jira ereybixin tiro badan oo kala duwan oo aad la kulmi karto.

Shaqaaleyn joogto ah

Shaqaaleyn joogto ah, oo xitaa loogu yeero shaqaaleyn rasmi ah (fast anställning), waxay ka dhigantahay in shaqadu ay kuu soconeyso ilaa aad adigu iska joojisid, lagaa eryo ama aad hawlgab ka noqotid. Ma jirto taariikh u go’an goorta ay shaqaaleyntu dhammaaneyso.

Shaqaaleyn tijaabo ah

Marka aad heshid shaqo cusub, waxay ku billaaban kartaa shaqaaleyn tijaabo ah. Waxay taasi ka dhigantahay in adiga iyo shaqabixiyaha labaduba aad heysataan ugu badnaan lix bilood si aad u eegtaan in aad shaqada ku habboontahay. Haddii uu shaqa bixiyuhu raalli yahay, adiguna aad rabtid in aad sii wadatid waxay shaqaaleynta tijaabada ahi si toos ah isugu beddeleysaa shaqaaleyn joogto ah.

Shaqaalaysiin wakhtigeedu xaddidan yahay

Shaqaalaysiintu waxay ahaan kartaa shaqaalaysiin guud oo caadi ah oo uu wakhtigeedu xaddidan yahay (tidsbegränsad anställning), shaqo ku simid ah ama shaqaxilliyeed. Haddii aad haysatay shaqo ku simid ah ama shaqaalayn wakhtigeedu xaddidan yahay oo socotay wax ka badan laba sano, muddo shan sano ah gudahood, waxaad xaq u yeelanaysaa shaqaalayn rasmi ah.

Noocyada kala duwan ee shaqaalaynta wakhtigeedu xaddidan yahay:

Gaarsiis ah (kusimid)

Kusimiddu (Gaarsiisku) waa qaab shaqaaleyn oo waqti go’an ah, waxayna ka dhigantahay in aad ku shaqeyneysid boos qof kale oo tusaale ahaan xanuunsan, fasax shaqo ku jira, si ku meel gaar ah hawl ugu maqan ama fasax waalidnimo ku jira. Laamo fara badan oo shaqo, waxaa loo sii maraa helidda shaqo joogto ah gaarsiiska (kusimidda).

Shaqo xilli ku xiran

Shaqada xagaaga ama shaqo xilliyeedka inta tusaale ahaan lagu jiro fasaxa kirismiska waxaa badanaa loogu yeeraa shaqo fasax. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa shaqo xilliyeed laga shaqeynayo meelaha xagaaga teendhooyinka laga dhiso ama jiilaalka barafka lagu raaco.

Noocyo kala oo aad la kulmi kartid

Mashruuc ku shaqaaleysiin

Waxaad mashruuc ku shaqaaleysiisantahay haddii laguu shaqaaleeyay si aad u fulisid mashruuc go’an. Marka uu mashruucu dhammaado shaqaduna sidoo kale waa ay dhammaatay.

Shaqo komishin leh
Shaqo komishin leh waxay ka dhigantahay in aad mushaarka u qaadaneysid hadba sida aad wax u qabatid. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa taleefan wax ku iibin ama in aad macaamiil u soo jiiddid kannaallo xagga TV-ga ah. Mararka qaar waxaa la isku daraa mushaar wax qabadka qofka ku xiran iyo nooc mushaar oo aasaasi ah.

Xirfad barasho

Shaqaaleysiin xirfad barasho waa qaab shaqaaleysiin oo gaar ah oo ka dhigan in aad sii wadaneysid wax barashada aag xirfadeedkaaga, laakin maaha iskool gudihiis ee waa goob shaqo oo leh mushaar xirfad barasho.

Is shaqaaleyn

Marka aad adigu is shaqaalayso, waxaad heshiis kula jirtaa shirkad shaqaaleyn oo aad adigu leedahay. Shirkadda shaqaaleynta ee aad iska leedahay ayaa maareyneysa faatuurooyinka iyo dhammaan arrimaha maamulka ee idiin dhexeeya adiga iyo shaqabixiyahaaga. Shirkadda shaqaaleynta ee aad iska leedahay ayaa sidoo kale leh mas’uuliyadda shaqa bixiyaha, soo bandhigeysa khidmada shaqabixiyaha, canshuurta kaa jareysa, mushaarna kuu soo shubeysa.

La kireyste ahaan

Haddii aad u shaqeysid shirkad shaqaale shirkad kale ka kireysa waxaad tahay shaqaale la kireeyo. Waxaad shirkadda ka qaadaneysaa mushaar, laakin waxaad hawlahaaga shaqo ka gudaneysaa macaamiilka agtiisa.

Qof iskiis u shaqeysta

Qof iskiis u shaqeysta maaha qof shaqaaleysan ee waa qof shirkad leh oo iibiya badeecooyinkiisa iyo adeegyadiisa. Xirfado ay caadi tahay in uu qofku iskiis u shaqeysto waa suxufiyiinta iyo sawir qaadayaasha.

Waqti buuxa mise waqtiga qeyb ahaan

Shaqaaleyn caadi ah oo waqti buuxa ah waa 40 saacadood toddobaadkii, Iswiidhan gudeheeda. Waqtiga buuxaa wuxuu la mid yahay 100 boqol. Haddii aad waqtiga qeyb ka mid ah shaqeysid waxaad heleysaa mushaar lagu saleeyay inta aad boqolkiiba ka shaqeysay waqti shaqo oo buuxa. Waxaad sidoo kale noqon kartaa shaqaale shaacadle ah.

Ka fikir

Qaar ka mid ah shaqo-bixiyayaasha waxay isku dayaan inay ugu horeyn dhalinyarada ku qaataan ''shaqo tijaabo ah'' oo bilaash ah xilli ah hal ama dhowr toddobaad oo waxaa lagu magacaabaan shaqo tijaabo oo qalad ah. Qaanuun aasaasi ah waa inaanad weligaa ku shaqayn bilaash. Waa inaad mushahaaro heshaa xitaa haddii aad ku shaqaynayso tijaabo.

Mushahaaro iyo faa'iidooyin

Goobaha shaqo badankooda waxaad fursad u haysataa inaad wada-xaajoodka mushahaarada samayso hal mar sanadkiiba. Hel talooyinka ku saabsan mushahaaradaada iyo faa'iidooyinka kale.

Mushahaaro iyo faa'iidooyin