Mushahaaro iyo faa'iidooyin

Goobaha shaqo badankooda waxaad fursad u haysataa inaad wada-xaajoodka mushahaarada samayso hal mar sanadkiiba. Halkan waxaad ka helaysaa talooyin dhanka mushahaaradaada iyo faa'iidooyinka kale.

Eeg laanta ganacsiga - maxaad u codsan kartaa dhanka mushahaarada?

Hubso inaad ogtahay waxa macquulka ah in la codsado mushahaaro ahaan. Talo fiican waa in la galo bogga intarnatka ee Xafiiska dhexe ee tirakoobka. Halkaas waxaad ka raadin kartaa xirfadaada kana heli kartaa dhamaan macluumaadka aad u baahantahay si aad u dhiibato sheegasho mushahaaro oo haboon. Xilliga wareysiga shaqaalaysiinta, u oggolow shaqo-bixiyuhu inuu la yimaado soo bandhiga ugu horeeya. Markaasi ayay si sahlanaanaysaa in la dhigto heer macquul ah.

Qaado in yar oo dheeraad ah – laakiin ha is dhigin meel aad u hooseysa

Isa sii nafis yar haddii shaqo-bixiyuhu bilaabo inuu baayactamo. Sidaas darteed waxaa caqli fiican ah in la codsado hal ama laba kun oo karoon oo ka sareysa xadkaaga hoose. Laakiin xariif ahow: haddii aad akhriday oo aad heshay macluumaad ah in dad kale helaan 25 000 karoon markaasi ma codsan kartid 35 000 karoon mushahaaro ahaan. Markaasi waxaad ka cabsiinaysaa shaqo bixiyaha. Ka fikir xitaa inaanad is dhigin meel aad u hooseysa. Xilliga wada-xaajoodka mushahaarada ee dambe laga yaabee inaad taagantahay 2 000 karoon inaad ka hooseyso dadka aad wada shaqaysaan ee leh khibrad kula mid ah. Markaasi wakhti dheer ayay qaadan kartaa ka hor intaanad soo gaarin.

Weydii ururka shaqaalaha oo eeg heshiiska u dhexeeya ururka shaqaalaha iyo shaqo-bixiyaha

Eeg haddii uu jiro qof qaabilsan xiriirka ururka shaqaalaha oo jooga goobtan shaqada. Qofkaas ayaad weydiin kartaa waxa macquul ah in la codsado. Qaab kale oo fiican waa in la akhriyo heshiiska ururada shaqaalaha ee dhanka laantaada shaqo. Markaasi waxaad arkaysaa xaalada mushahaaro iyo nooca qawaaniinta khuseeya tusaale ahaan dhanka shaqada wakhtiga dheeraadka ah.

Tababaro adigoo is huba

Wel-wel ayaa laga dareemi karaa in la sameeyo wada-xaajoodka mushahaarada, sidaas darteed waxaa caqli badan inaad tababarato ka hor intaanad la kulmin shaqo-bixiyaha. Laf ariiso saaxiib fiican ama qof aad dabacsanaan dareento markaad la joogto oo ku dood arrintaada. Ku tababaro inaad bixiso tusaalooyin cad-cad dhanka hawlaha shaqo ee aad xalisay iyo waxa ay dhaliyeen. Marka tababarkaagu sii bato waad sii xoogaysanaysaa markay noqoto xilligeedi.

Faa'iidooyinka – maxaa yaala iyo maxaad dalban kartaa?

Marka laga reebo mushahaaro waxay shaqo-bixiyayaal badan leeyihiin faa'iidooyin shaqaale oo ay siiyaan shaqaalahooda. Kaalmada daryeelka fir-fircoonida oo ah qaabka masaajada, kaarka goobta tababarka jirka ama tababar kale waa waxyaabo caadi ah. Laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo la weydiisan karo.

Haddii shaqo-bixiye aanu oggolayn mushahaaro sareysa, weydii inaad heli karto ayaamo fasax oo dheeraad ah, tani waxay qiimo badan yeelan kartaa tusaale ahaan ayaamaha shaqo ee u dhaxeeya laba fasax.

Su'aal shaqo-bixiyaha haddii ay bixiyaan koorsooyin ama waxbarashooyin. Markaasi waxaad horumarin kartaa aqoontaada, taas oo qiimo badan kuu yeelan karta mustaqbalka.

Haddii masaafo dheer aad ku timaado goobta shaqada waxaad shaqo-bixiyaha weydiin kartaa sida ay u arkaan inaad shaqayso adigoo meel fog jooga.

Waxaa jira shirkado bixiya waxa lagu magacaabo buuxina mushahaarada taas oo dhamaystir u ah caymiska waalidka. Tani waxay tahay inaad lacag dheeraad ah ka helayso shaqo-bixiyaha marka aad ku jirto fasax waalidnimo.

Miyaa la bixiyaa khudrad bilaash ah amase shaqo-bixiyuhu ma bixin karaa juwanada qiimo jebinta? Shaqo-bixiyayaasha qaarkood waxay leeyihiin adeegyada guriga ka ag dhow dhanka duuduubka faa'iidooyinka.

Tani iska ilaali

  • Shuruud kama dambeys ah ha ku xirin mushahaaradaada. Tani waxay adkayn kartaa wada-xaajoodka.
  • Ha ballan qaadin wax aad u badan laakiin adigu is aamin.
  • Ha aqbalin soo bandhigida ugu horeysa. Xitaa haddii aad ku qanacsantahay soo bandhigida aad heshay waxaad tijaabin kartaa inaad dhiibto soo bandhigid ka soo horjeeda taas. Badanaaba shaqo-bixiyuhu meel hoose ayuu dhigaa soo bandhigidooda ugu horeysa si ay ka dib u awoodaan wada-xaajood.

Heshiiska guud ee ururada shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaasha

Heshiiska guud ee ururada shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaasha waa heshiis u dhaxeeya ururada shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaasha. Wuxuu nidaamiyaa laanta shaqo ee aad ka shaqayso oo khuseeyaa dhamaan dadka jooga goobtan shaqada. Heshiiska guud wuxuu go'aamiyaa mushahaarada, magdhabka wakhtiga dheeraadka ah ee la shaqeeyo, mushahaarada waalidnimada, shuruudaha dhanka xanuunka, fasaxyada, wakhtiga shaqo ka tegida, lacagaha hawl-gabka iyo caymisyada.

Ururka shaqaalaha - waa maxay heshiiska guud? (fackforbund.com)

Nidaamyada shaqo

Waxaa jira nidaamyo shaqo oo badan oo kala duwan ,laakiin aasaasku waa isku mid – in aad qabato hawl oo aad ku hesho mushahaaro. Waa kuwan dhowr tusaale.

Nidaamyada shaqo