Taageero iyo barnaamij A-Ö

Haddii aad u diiwaangashan tahay shaqaraadis ama aad qabto baahiyo gaar ah, waxaad Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) ka heli kartaa taagero dheeraad ah. Halkan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan taageeroyinka iyo barnaamijyadayada kala duwan.

Goorma ayaan helayaa taagero ama aan ka qaybgelayaa barnaamij?

Waxaannu kuu soo bandhigaynaa qaabab kala duwan oo taageero iyo barnaamijyo ah haddii aad tahay shaqaraadi, kana diiwaangashan tahay Xafiiska Shaqada. Qiimayn shakhsi ah ka dib, waxaannu go’aan ka gaaraynaa in aad xaq u leedahay taageero ama aad ka qaybqaadan karto barnaamij, ku salaysan baahiyahaaga.

Jidad gaaban oo lagu geli karo qaar ka mid ah taageerada iyo barnaamijyada caadiga ah

Taageero iyo barnaamij A-Ö

A

Akademikertjänst korta vägen

Waa waxbarasho shakhsi ah oo haddaad tahay jaamici kuu diyaarinaysa in aad hesho shaqo waafaqsan waxbarashadaada ama in aad sii waddo waxbarashada.

Arbetsintegrerande övningsplatser

Taageero loogu tala galay adigaaga muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada, oo aan hubin kartidaada shaqo iyo shaqada kugu habboon.

Arbetspraktik

Ma u baahantahay in aad heshid khibrad shaqo, korna u qaaddid fursadaha aad shaqo ku heleysid? Markaas tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara. In tababar shaqo aad goob shaqo ku qaadatid, adigaaga doonaya in aad shirkad furatid, waxay sidoo kale kuu noqon kartaa isdiyaar-gareyn.

Arbetsträning

Ma u baahantahay in aad tijaabisid in aad shaqo billawdid ama dib ugu laabatid shaqo? Haddii ay sidaas tahay, tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara adiga. Inta uu socdo tababarka shaqadu waxaad joogi kartaa goob shaqo oo waxaad ka qeyb qaadan kartaa hawsha iyadoo lagu gacan qabanayo.

B

Bidrag för personligt biträde

Qof jooga goobtaada shaqada ayaad taageero ka heli kartaa haddii ay liidato kartidaada shaqo iyadoo ay naafanimo sabab u tahay. Shaqabixiyahaaga ayaa markaas kaalmo helaya si uu shaqaale kuugu qoondeeyo.

Bidrag till hjälpmedel på arbetsplatsen

Waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya si aad shaqadaada u gudan kartid. Shaqabixiyahaagu sidoo kale wuu heli karaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya ama in baahidaada la waafajiyo goobtaada shaqada.

E

Etableringsjobb

Haddii aad bilaa shaqo ahayd muddo dheer ama aad ka tirsan tahay qayb gaar ahaaneed oo ka mid ah soogalootiga cusub, waxaad heli kartaa shaqada deegaamaynta (etableringsjobb) si aad si fudud ugula qabsato suuqa shaqada.

Etableringsprogrammet

Barnaamij leh dhaqdhaqaaqyo iyo tababarro loogu talagalay, qaar kamid ah soo-gaaleetiga dhowaan dalka yimi, taasoo ulajeedadeeda tahay in sida ugu dhaqsida badan aad af-iswiidish ku barato, shaqo ku hesho iyo isku filnaasho dhaqaaleed.

F

Förmedlingsinsatser

Dadaallada shaqa la raadintu waa barnaamij loogu talagalay adigaaga taageero uga baahan xagga shaqo raadinta ama waxbarasho bilaabista. Taageero ahaan, waxaad gacanhaye, ka heleysaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna.

Förstärkt arbetsträning

Miyaad u baahantahay in aad tijaabiso inaad shaqayso si aad u hesho caddaynta awoodahaaga dhanka shaqo? Iyadoo wadata tababarka shaqada oo la xoojiyay waxa aad joogi kartaa goob shaqo oo ka qaybqaadan kartaa hawshan adigoo leh qof ku haga.

I

Individuellt pedagogiskt stöd vid utbildning

Marka aad ka qeyb qaadaneysid qaar ka mid ah dadaalladeenna waxbarashada, waxaad heli kartaa taageero la xiriirta waxbaridda, oo lagu dhameystiray qalab wax caawiya.

Introduktionsjobb

Marka aad u baahantihid caawimaad si aad suuqa shaqada u soo gashid. Waxaad isku darsaneysaa shaqo hordhac ah iyo waxbarasho, oo labaduba xoojinaya kartidaada aqoon-iyo shaqo, daboolayana baahida shaqabixiyaha.

K

Karriärvägledning

Dhanka hagida jidka shaqo waxaad caawimaad ka helaysaa hagaha waxbarashada iyo xirfada dhanka jidka ku aadan suuqa shaqada. Adeegan waxaa sameeya adeeg bixiyayaashayada.

L

Lönebidrag

Haddii uu naafanimo awgeed karaankaaga shaqadu uu hooseeyo waxaad heli kartaa shaqo duruufahaaga la waafajiyay. Isla mar ahaantaas wuxuu shaqabixiyahaagu mushaarkaaga u heli karyaa kaalmo lacageed.

N

Nystartsjobb

Shaqo markaas qofka loo billaabay waxay adigaaga muddo dheer shaqo la’aanta ahaa ama jirro awgeed ka maqnaa suuqa shaqada, ku siineysaa fursad aad dib ugu billawdid.

P

Projekt med arbetsmarknadspolitisk inriktning

Aaggaaga waxaa ka jiri kara mashruuc la xiriira siyaasadda suuqa shaqada oo aan la wadno laacibiin kale. Haddii uu aaggaaga ka jiro mashruuc habboon waxaa laguu soo jeedin karaa in aad ka qeyb qaadatid.

R

Rusta och matcha

Abaabulid iyo is-qabadsiin [Rusta och matcha], waxaa loogu talagalay qofka adigoo kale ah, oo u baahan taageero dheeraad markii aad shaqo raadsnaayso. Adiga ayaa dooranaya shirkadda ku caawini doonto, waxaana lagu yeeli doonaa qof hage ah, kaasoo ka caawin doono helida shaqo ama waxbarasho.

S

Samhall

In aad u shaqeysid Samhall waxay fursad kuu siineysaa in aad horuumarisid karaankaaga shaqada iyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed. Inta aad u shaqeyneysid waxaad heleysaa taageero iyo gacan qabasho.

Särskild stödperson för introduktions- och uppföljningsstöd – SIUS

Haddii aad naafo tihid waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad marka aad shaqo raadineysid ama marka aad goob shaqo ku cusubtihid. Qof taageero kuu ah ayaa kaa caawinaya hawlaha shaqada iyo wixii kale ee loo baahanyahay si aad shaqo u heshid.

Skyddat arbete hos offentlig arbetsgivare

Shaqo lagu waafajiyay adigaaga naafada ah.

Starta eget, stöd till start av näringsverksamhet

Adigaaga shaqadoonka ah, lehna fursado fiic-fiican oo ku aaddan in shirkad sameysatid waxaad mararka qaarkood heli kartaa taageero iyo caawimaad marka aad shirkad sameysaneysid. Billawga hore ee hawlaha shirkadda waxaad heleysaa kaalmo dhaqaale oo qaabkoodu yahay taageero wax qabasho.

Steg till arbete

Waxaa loogu tala galay, adigaaga u baahan in lagaa caawiyo is diyaarinta, horuumaridda iyo awoodidda shaqada ama waxbarashada iyo in aad shaqo u hesho.

Studiemotiverande kurs på folkhögskola

Tijaabin in aad wax dhigatid, wax ka ogaw awoodahaaga ku wada, helna waddo waxbarasho oo horay kuu geyneysa waxbarasho ama shaqo. Hawlaha wax qabashada ee ku aaddan in niyad u yeelidda, tababarashada farsamada wax dhigashada iyo in nuxurka diiradda la saaro waxaad ku noqoneysaa qof si fiican ugu diyaarsan in uu waxbarasho sii wato. Waxay taasi kordhineysaa fursadahaaga xagga shaqada.

U

Uppdragsutbildningar för akademiker

Adigaaga haysta shahaaddo Jaamacadeed waxaad ku kabi kartaa koorasyo ku jira waxbarashooyinka noola xilsaarnay si aad si fudud ugu hesho shaqo ku aaddan xirfaddaada ama aad u kordhiso fursad aad uga gudubto imtixaanka aqoonta ee xirfadaha aqoonsiga leh.

V

Validering

Ansaxin waxay ka dhigantahay in kartidaada aqoon- iyo khibradeed laguu qiimeynayo. Waxay taasi khuseysaa aqoonta aad waxbarasho ku kasbatay, tan aad suuqa shaqada ka kasbatay iyo tan nolol maalmeedka.

Y

Yrkesintroduktion för personer med synnedsättning

Haddii laxaadkaaga araggu uu dhantaalanyahay ama uu hooseeyo, waxaad suuqa shaqada ku geli kartaa waxqabad la waafajiyey baahiyahaaga iyo duruufahaaga gaarka ah.

Yrkesintroduktion för teckenspråkiga

Loogu talagalay adigaaga ku hadla luqadda dhagoolayaasha ee u baahan taageero si aad u hesho shaqo, u sameysato shirkad ama u billawdo waxbarasho.

Yrkessvenska

Haddii aad u baahantahay inaad sare u qaaddo aqoontaada Iswiidhishka oo aad haysato takhasus xirfadeed oo cad, waxaad heli kartaa waxbarasho luqadda Iswiidhishka ah oo xirfadda ku habboon.