Damaanada shaqo ee dhalinyarada
Damaanada shaqo dhalinyarada waa barnaamij loogu talogalay adigaaga ka yar 25 sano. Waxaad tusaale ahaan heli kartaa taageero in la raadiyo shaqo, tababar goob shaqo ama talo-bixinta waxbarashada iyo xirfada. Hadafku waa inaad hesho shaqo ama bilowdo waxbarasho sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.
Waa maxay damaanada shaqo ee dhalinyarada?
Waa barnaamij ka kooban hawlo loo habeeyay shakhsiga iyo taageero, laguna daray inaad adigu si fir-fircoon u raadiso shaqo. Hadafku waa inaad hesho shaqo ama bilowdo waxbarasho sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.
Qofkee ka qayb-qaadan kara barnaamijkan?
Waxaad ka qayb-qaadan kartaa damaanada shaqo ee dhalinyarada haddii aad tahay 16-24 sano oo aad bilaa shaqo tahay kana diiwaan-gashantahay dhankayaga. Waxaad xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:
- Adigu aad bilaa shaqo ahayd wakhti buuxa wakhti ah ugu yaraan 90 maalmood afartii bilood ee ugu dambeeyay.
- Adigu aad wakhti ugu yaraan saddex bilood soo shaqaysay wax ka yar intii aad awoodi lahayd, tusaale ahaan haysatay shaqo saacadle ah, oo aad xaq u leedahay magdhawga laga helo qasnada shaqo la'aanta.
- Adigiu aad ka soo qayb-qaadatay qorshaha dagnaanshaha xilli wakhtiga ugu badan ah, laakiin weli aad tahay bilaa shaqo.
- Adigu lagugu xukumay xarig oo laguu ogolaaday joogista banaanka xabsiga ama si shuruud ah laguu sii daayay laakiin aanad dhamaysan hal sano oo ka mid ah wakhtiga tijaabada.
Tani ayaad samayn kartaa dhanka barnaamijkan
Adiga iyo shaqaale Xafiiska Shaqada ah ayaa qorshaynaya nooca hawlaha adiga sida ugu fiican kugu haboon si aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u hesho shaqo ama u bilowdo waxbarasho. Waa kuwan dhowr tusaale oo hawlahan ah:
- talo-bixinta waxbarashada iyo xirfada
- hawlaha raadinta shaqo oo leh tababare
- tababarka goob shaqo
- waxbarasho ah ilaa ugu badnaan lix bilood
- taageero iyo talo-bixix haddii aad ka fikirayso inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah
- baxnaaniska ku jiheysan nolosha shaqada
- ku tababarashada shaqo oo ka dhacda goob shaqo
Waxaanu wakhtigan oo dhan la soconaynaa sida wax kuugu socdaan oo ku siinaynaa taageerada aad u baahantahay.
Barnaamijkan wuxuu ka koobanyahay
Barnaamijkan caadi ahaan waa wakhti buuxa. Haddii aad fasax waalidnimo ku jirto wakhti kala bar ah, ama aanad shaqayn karin wakhti buuxa sababtoo ah xanuun ama hoos u dhac awooda laxaadka ah, waxaa jirta fursada ah in laga qayb-qaato barnaamijkan wakhti kala bar ah.
In laga qayb-qaato barnaamijkan dabcan maaha khasab, laakiin haddii aad ku jirto waa khasab inaad fir-fircoonaato oo raacdo qorshaha aynu ku heshiinay.
Adigu xaq uma lihid fasax marka aad ka qayb-qaadanayso damaanada shaqo ee dhalinyarada, laakiin waxaanu xaaladaha gaarka ah ku siin karnaa fasax ah ugu badnaan saddex maalmood.
Magdhabka marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamijkan
Marka aad ka qayb-qaadanayso damaanada shaqo ee dhalinyarada waxaad magdhabka ka heli kartaa Qasnada Caymiska. Marka aanu kaa diiwaan-gelino barnaamijkan waxaad magdhabka ka codsanaysaa Qasnada Caymiska. Si loo helo magdhabka waa muhiim inaad raacdo qorshaha aad nala samaysay anaga. Tani waxay tahay in lagaaga baahanyahay inaad ka qayb-qaadato hawlaha aynu ku heshiinay.
Magdhabida marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamij
Codso magdhabid laga helo Qasnada Caymiska
Haddii aad xanuusato ama aad daryeelayso ilmo xanuusanaya
Haddii aad xanuusanayso wakhti dheer waxaanu isku daynaa inaanu nuxurka barnaamijkan kugu haboonaysiino si aad u awoodo inaad uga qayb-qaadato. Haddii aad xanuusato ama u baahantahay inaad guriga joogto si aad u daryeesho ilmo xanuusanaya waxaa lagaaga baahanyahay noo soo sheegto.
Samee wargelinta maqnaanshahaaga marka aad xanuusanayso
Samee wargelinta maqnaanshahaaga ee daryeelka ilmo xanuusanaya
Samee wargelinta hawlaha
Bil kastaba waa inaad dhiibtaa warbixinta hawlaha Waa muhiim si aad u hesho taageero sax ah jidkii aad ku aadi lahayd shaqo ama waxbarasho iyo si aad lacagtaada uga hesho qasnada shaqo la'anta ama Qasnada Caymiska.