Warbixinta wax qabadka
Bil kastaba waa inaad noo soo gudbisaa wargelinta hawlaha . Wargelinta hawlaha waxaad ku muujinaysaa sida aad ugu fir-fircoonayd inaad soo bandhigto nooca shaqooyinka aad raadisay iyo wixi kale ee aad samaysay si aad ugu dhawaato shaqo. Waa muhiim inaad fir-fircoonaato oo aad wargelintaada ku soo gudbiso wakhtigeeda si aad u hesho gunnada lacagta ee laga helo qasnadda shaqo la’aanta ama Qasnadda Caymiska. Waxaa kale oo ay muhiim u tahay inaanu ku siin karno taageerada saxda ah ee jidka loo marayo shaqo ama waxbarasho. Wargelinta hawlahaaga waa inay na soo gaartaa ugu horeyn 1-da iyo ugu dambeyn 14-ka bil kastaba.
Sidan ayey warbixin soo gudbintu u dhaceysaa
Yaa warbixinta soo gudbinaya?
Adigaaga shaqo la’aanta ah ee nagu ag qoran waa in aad warbixin ka soo gudbisaa waxyaabihi aad qabatay iyo shaqooyinki aad codsatay. Ogawne in haddii aad tusaale ahaan ku jirtid tababar shaqo ama baraaktiig ay sidoo kale khasab tahay in aad soo gudbisaa warbixintaas.
Wargelinada laga rabo waa kuwaan
Waa inaad wargelin shaqooyinka oo aad arjay u qoratay iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee shaqo helista darteed aad sameeysay. Hab taxadarsan ku soo qor dhammaan shaqooyinka ee aad arjiga u qoratay iyo dhaqdhaqaaqyada ku xusan qorshaha adiga ku gaarka ah, laakin xitaa dhaqdhaqaaqyada kale ee aad sameeysay. Naga guddoon dhawr tusaale wararka Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapporten] ku soo gudbin karto:
- shaqo oo aad arjay u qoratay, waxay noqon karaan kuwa la xayeeysiiyay ama kuwa Xafiiska Shaqada kugu gubabiyay inaad arjay u qorato (anvisat), ama ku siiyay naseexada booska shaqo ee bannaan
- gudbinta danaynta/codsiyada aan horay loo sii qorsheyn ama CV ee loo gudbiyo shaqabixiyayaasha.
- waraysyadii shaqada lagula yeeshay iyo kulamada shaqaalaynta ee aad ka qayb gashay
- goobaha shaqo ee lagu tababarto ee aad raadisay
- booqasho inaad wax ka soo barato aad ku soo samaysay goobo shaqo
- wada-hadal aad la yeelatay la taliye waxbarasho iyo xirfad
- waxbarashooyinka aad raadisay
- haddii aad baratay Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi)
- inaad cusboonaysiisay cv-gaaga.
Haddii aad xanuunsaneyd kuma qoreysid taas warbixinta aad wax qabadkaaga ka soo gudbineysid.
Sidan ayaad warbixinta u soo gudbineysaa
Way fududahay inaad samayso wargelinta hawlahaaga dhanka bogayaga intarnatka. Waxaad wargelinta hawlaha ka helaysaa boga intarnatka dhanka xiriirka arbetsformedlingen.se ama iyadoo loo marayo in la galo Mina sidor ka dibna la doorto adeega Aktivitetsrapportera.
Si loo isticmaalo adeegan waa inaad ku gasho aqoonsiga elaktarooniga ah (tusaale ahaan aqoonsiga bangiga ee moobilka). Markaad gasho waxaad samayn kartaa:
- waxa aad qabatid u qori kartaa si isku xig-xigta, si aadan wax aad qabatay u illoobin
- diri kartaa warbixintaada
- arki kartaa warbixinnadi aad horay u gudbisay.
Sidan ayaad macluumaadkaaga u qoreysaa
Filinka waxaan tallaab-tallab ugu muujineynaa sida aad warbixintaada ugu soo gudbineysid bogga intarneetka.
Goormeed soo direysaa warbixinta?
Adigu waa inaad soo dirtaa wargelinta hawlahaagi bishii hore, ugu horeyn 1-da iyo ugu dambeyn 14-ka bil kastaba. Waa muhiim inay na soo gaarto ugu dambeyn 14-ka bisha. Tani micnaheedu waa in adigaaga wargelintaada hawlaha ku soo diraya boosta lagaaga baahanyahay inaad sidaa samayso wakhti fiican ka hor 14-ka bil kastaba.
Tusaale: Inta u dhaxaysa 1-da iyo 14-ka Feebarwari waa inaad soo gudbisaa wargelinta hawlahaaga oo wadata hawlihii aad samaysay intii lagu jiray Jaanawari.
Adigu waxaad warbixinaha aad soo dirtay ka arki kartaa Wargelinta hawlaha halka ka hoosaysa waxa la soo diray.