Haddii aad u baahantahay inaad caddayso shaqooyinka aad raadisay

Haddii aad shaqo la'aan tahay oo aad gunno ka hesho qasnadda shaqo la'aanta ama aad ka qaybqaadato barnaamij aad gunno uga qaadato Qasnadda Caymiska, waxaan mararka qaarkood ku waydiin karnaa inaad soo dirto dukumeenti muujinaya inaad codsatay shaqooyinka aad ku soo bandhigtay warbixinta hawlahaaga.

Sidan ayay tani u dhacdaa

Haddii laguu doortay kantarloolid waxaad naga helaysaa warqad ay la socoto foomka ka jawaabida. Foomka jawaabida ayaad ka arkaysaa kuwa ay yihiin shaqooyinka ay tahay inaad caddayso inaad raadisay. Adigu waxaad ku caddayn kartaa inaad raadisay shaqo aad soo bandhigtay iyadoo aad noo soo dirto tusaale ahaan:

  • codsigaaga ama CV-gaaga
  • dukumenti caddaynaya inaad raadisay shaqadan, tusaale ahaan jawaab aad ka heshay shaqo-bixiyaha taas oo caddaynaysa inaad raadisay shaqadan, ama caddayn kale oo muujinaysa in shaqo-bixiyuhu kaa gudoomay codsiga aad u dirtay
  • sawir moobilka ama kambiyuutarka lagu qaaday ahna xaqiijinta inaad raadisay shaqadan.

Keydi dukumentiga caddaynaya inaad codsatay shaqo aad soo bandhigayso ugu yaraan saddex bilood.

Maxaa dhacaya haddii aadan jawaabin?

Haddii aadan waqtigii loogu talagalay soo dirin foomka jawaabta oo buuxsan, ama aadan xaqiijin karin shaqooyinka aad codsatay ee aad ku soo bandhigtay warbixintaada dhaq-dhaqaaqa, waxaa laga yaabaa inaad hesho digniin ama aad noqoto gunno la’aan hal ama dhowr maalmood.

Shuruudo ku aaddan marka aad gunno ka qaadato qasnadda shaqa la'aanta

Shuruudaha gunnada ee barnaamijyada