Foomam iyo caddeymo

Foomam caadi ah iyo caddeymo laguugu talo galay adigaaga shaqo la’aanta ah.

Marka aad a-kassa lacag ka dalbaneysid

Waxaad gashaa bogga a-kaasadaada si aad u codsato gunno ama u ogeysiiso wixii isbeddello ah oo gunnada saamayn kara. Haddii aadan isticmaali karin adeegga dhijitaalka ah, waxaad la xiriiri kartaa a-kaasada, waxaadna heli kartaa foom.

A-kaasa gunno ka codso (sverigesakassor.se) (ku qoran af-Iswiidhish)

Ma shaqaynjirtay ka hor intaadan shaqa la’aan noqon? Markaas waa in shaqa bixiyahaagii hore uu kuu buuxiyaa shahaadada shaqo-bixiyaha, si a-kaasadu ay u xisaabiso gunnadaada.

Shahaadada shaqabixiyaha (arbetsgivarintyg.nu) (ku qoran af-Iswiidhish)

Adigaaga shaqa la'aanta ah waxaad codsan kartaa in lacagtaada shaqo la'aanta ee Iswidhishka aad qaadato si aad shaqo uga raadsato wadan kale oo ka tirsan EU, EES ama Switzerland. Waxaad markaas Shahaadada U2 uga baahantahay IAF.

Shahaadada shaqa ka codsashada EU (iaf.se) (ku qoran af-Iswiidhish)

Marka aanad awoodin inaad wargelina hawlahaaga ka samayso bogga intarnat-ka

Bil kastaba waa inaad dhiibtaa wargelinta hawlahaaga taas oo aad ku samaynayso wargelinta bishi hore hawlaheedi. Adigu waa inaad dhiibtaa wargelinta hawlahaaga ugu horeyn 1-da iyo ugu dambeyn 14-ka bil kastaba. Sida ugu fudud inaad samayso wargelinta hawlahaaga waa dhanka bogayaga intarnatka ama Aab-ka Bogagayga. Si tani loo samayn karo waa inaad ku gashaa aqoonsiga elaktarooniga ah (tusaale ahaan aqoonsiga bangiga ee moobilka).

Haddii aadan lahayn aqoonsi elekteroonig ah waad soo degsan kartaa, waadna soo daabacan kartaa Warbixinta hawlaha.

Buuxi foomkan oo noogu soo dir boosta, cinwaanku wuxuu ku qoranyahay foomkan. Ka fikir inaad foomkan wakhti hore soo dirto si uu noo soo gaadho ugu dambeyn 14-ka bisha. Adigu waxaad xitaa u dhigi kartaa xafiiska kuugu dhow. Adiga maaha inaad foomkan ku soo dirto ii-mayl.

Warbixinta hawlaha (iswiidhish) Pdf, 435 kB.

Activity report in english  Pdf, 440 kB.

Marka aad taageero ka hesho Xafiiska Shaqada iyo Qasnadda Caymiska labadaba (ka qaybqaadato wadashaqaynta la xoojiyay ee lala leeyahay Qasnadda Caymiska) ee aanad bogga intarnatka ku samayn karin wargelinta hawlahaaga waxaad isticmaali kartaa foomkan:

Wargelinta hawlaha ee loogu talogalay ka qaybqaadayaasha wadashaqaynta la xoojiyay ee lala leeyahay Qasnadda Caymiska (Soo dejiso foomkan oo intii suratagal ah ku buuxi kombiyuutarkaaga, inta harsan ku buuxi gacanta, isticmaal qalin biiroo) Pdf, 1000 kB.

Marka la gaaro waqtiga shaqo billaabidda cusub (nystartsjobb)

Marka uu shaqo bixiye kugu shaqaaleysiin rabyo shaqo billaabid cusub (nystartsjobb) waxaad u baahantahay in aad foomkan buuxisid, una geysid a-kassada:

Foom loogu tala galay isu ururinta oo ku aaddan caddeymaha (iswiidhish) Pdf, 464 kB.

Foomam loogu tala galay shaqo billaabidda cusub (nystartsjobb) oo shaqa bixiyuhu uu buuxinayo:

Codsiga shaqo billaabidda cusub (isagoo foom lagu sameynayo) Pdf, 501 kB.

Codsiga shaqo billaabidda cusub (isagoo Bank-id lagu sameynayo)

Codsiga dheereynta (isagoo foom lagu sameynayo) Pdf, 440 kB.

Codsiga dheereynta (isagoo Bank-id lagu sameynayo)

Wargelin ku saabsan isbeddel ku aaddan shaqo-bilaabid cusub qof ku shaqaaleysiinta Pdf, 370 kB.

Codsiga xagga lacagta marka aad ka qeyb qaadaneysid taageero ama barnaamij

Haddii aad ka qeyb qaadaneysid mid ka mid ah taageerooyinkeenna ama barnaamijyadeenna waxaad qaadan kartaa taageero dhaqaale oo xagga dhaqdhaqaaqa ah, lacag xagga horuumarka ah ama lacag sal dhigasho. Qasnadda ceymiska ayaad bil walba lacagta ka dalbaneysaa:

FOOMAMKU WAXAY AG YAALLAAN Qasnadda ceymiska (iswiidhish)

Haddii lagaa xiray taageerada dhaqdhaaqa, aadna soo shaqaysay

Haddii aad shaqeysay oo aad buuxiso shuruudo shaqo, way saameyn kartaa taasi inta maalin ee ay kaa xirnaaneyso. Waa a-kaasadaada cidda xisaabineysa inaad buuxisay shuruudo shaqo iyo in kale. Isticmaal foomkan, una dir a-kaasadaada:

Ka dalbashada Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [a-kassa] caddaynta shuruudaha shaqada (iswiidhish) Pdf, 297 kB.

Haddii aad rabto inaad macluumaad gudbiso, ka hor intaan la gaarin go'aan digniin ama joojin marka aad ka qaybqaadanayso barnaamij

Ma waxaad heshay warqad sheegaysa in laga yaabo inaad hesho digniin ama lagaa joojiyo taageerada dhaqdhaqaaqa (aktivitetsstöd), kaalmada horumarinta (utvecklingsersättning) ama gunnada sal dhigashada (etableringsersättning)? Ka hor inta aanan qaarin go'aan kama dambays ah, waxaad fursad haysataa inaad xog soo gudbiso:

Soo gudbi macluumaad dhameystir ah, go'aanka digniinta ama joojinta ka hor (iswiidhish)

Haddii aadan go’aan ku qanacsaneyn

Haddii aadan ku qanacsaneyn go’aan aan gaarnay waxaad codsan kartaa in go’aanka dib loo eego:

Dalbo in dib loo eego go'aan (iswiidhish)

Warqada codsiga gunnada hawl-gabka ee gaark ah

Miyaad soo ahayd shaqaale dawladeed oo ka diiwaan gashantahay Trygghetsstiftelsen markaas xaaladaha qaarkood waxaad codsan kartaa gunno hawl-gab gaar ah. Waa inaad si wadajir ah aad la taliyahaaga Trygghetsstiftelsen aad kula heshiisay in aad codsato gunno hawl-gab. Codsigan waa inaad soo raacisa dukumentiyada iyo Xafiiska Shaqada qiimeynteeda dhanka xaaladaada suuqa shaqada. Foomka arrintan waxaad ka helaysaa halkan.

Warqada codsiga gunnada hawl-gabka ee gaark ah (iswiidhish) Pdf, 407 kB.