Soo-sheeg maqnaanshaha markaad xanuusatid ee aad ka qeybgashid barnaamij

Markaad ka qeybgashid barnaamij, waxa muhiima inaad soo sheegtid haddii aad xanuusatid. Waa inaad diwaangalisaa maalintaada koobaad ee xanuunka. Haddii aad wali xanuusanaysid kadib todobo maalmood, waa inaad soo gudbisaa shahaado caafimaad.

Goorme ayey tahay inaan soo sheego xanuunkayga?

Waa inaad soo sheegtaa xanuunka haddii aad kaqeybgalaysid barnaamij oo aad heshid caawimada hawsha (aktivitetsstöd), horumarinta magdhowga (etableringsersättning ) ama asaaska xaqul-shaaha (utvecklingsersättning), oo aanad ka qeybgali karn sababtoo ah waad xanuusatay.

Noosoo gudbi warbixintaada xanuunka maalinta koobaad ee aad xanuusatid

Waxaad u baahan tahay inaad usoo sheegtid xanuunkaaga Wakaalada shaqaaleysiinta (Arbetsförmedlingen) maalinta koobaad ee aad xanuusatid. Haddii kale, waxaad halis galinaysaa waayida magdhowgaaga mudada aad xanuusanayso oo dhan.

Haddii iyadoo ay ugu wacan tahay duruufo gaar ah aanad awoodin inaad soo sheegtid xanuunkaaga maalinta koobaad ee xanuunka, tusaale ahaan haddii aad xoog u xanuusanaysay oo aanad sameyn karin sidaasi, waxa muhiima inaad noosoo sheegtid isla markaad awoodid. Kadib (Försäkringskassan) ayaa go’aamin karta inaad wali xaq u leedahay inaad heshid magdhowga.

Haddii aad kaqeybgashid carbiska-shaqo, Muhaarijiinta Iswidhiska ah (SFI), tababar, tallaabooyinka shaqada (Steg till arbete), qalabeynta ama isku beegida ama hawl kale (Rusta och matcha) oo ah mid kamida agabka Wakaalada Shaqaaleysiinta, waa inaad sidoo kale kusoo sheegtaa maqnaanshaha halkaasi.

Soo-sheeg fasaxa xanuunka (oo af-iswidhish ah)

Haddii sabab uun aanad u helin fursad aad ku sameysid warbixinta xanuun oo dhijital ah, waa inagasoo wacdaa ama nagala hadashaa si aad noogu sheegtid xanuunka.

Uma baahnid inaad sameysid warbixin caafimaad

Uma baahnid inaad ogeysiisid markaad caafimaad qabtid oo aad kusoo noqon kartid barnaamijka. Codsigaaga ee Sanduuqa Caymiska, waxaad ku calaamadinaysaa maalmaha aad xanuusanaysid.

Shahaado caafimaad ayaa loo baahan yahay haddii aad xanuusanaysid in kabadan 7 maalmood

Haddii aad xanuusanaysid wax kabadan 7 maalmood oo aanad kaqeybgalin karin barnaamijkaaga, waa inaad noosoo gudbisaa shahaado caafimaad. Tani waxay khusaysaa labadaba markaad xanuusanaysid labada galin ama hal galin.

Haddii xanuusanaysid in kabadan 7 maalmood

Haddii aad xanuusanaysid in kabadan 30 maalmood

Haddii aad xanuusanaydi mudo dheer, waxaanu iskudayeynaa inaan sameyno barnaamijkaaga si aad wali uga qeybgali kartid. Haddii aad xanuusanaydi labada galinka mudo kabadan 30 maalmood, waxaa lagaa saari doonaa barnaamijka. Haddii aad kusoo kabatid sanad gudihii, waxaad xaaladaha qaar iska diwaangalin kartaa barnaamijka marlabaad.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad badan oo khuseeya sida loo codsano kabka xanuunka ee wabsaaydka Sanduuqa Caymiska.

Sanduuqa-Caymiska (forsakringskassan.se)

Magdhow noocee ah baan helayaa haddii aan xanuusado?

Waxaad u baahan tahay inaad usoo sheegtid xanuunka Wakaalada shaqaaleysiinta maalinta koobaad ee xanuunka. Maalinta koobaad, ma heli doontid magdhow. Waxa loo yaqaan da’da hawlgabka (karensdag). Haddii aad gudbisid fasaxaaga xanuunka maalinta koobaad ee xanuunka, waxaa ku haysan doontaa kharashka foomka caawimada hawsha, horumarinta magdhowga ama asaasiga xaqul-shaaha maalmaha kale ee xanuunka. Wax badan ka akhri wabsaaydka Sanduuqa Caymiska.

Sanduuqa-Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii aad shaqayso isla wakhtiga barnaamijkaaga waxaa ku khuseynaya qawaaniin kale haddii aanad shaqayn karin xanuun dartiis. Wax dheeraad ah ka akhriso barta intarneetka ee Qasnada Caymiska.

Qasnada Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii ilmahaagu xanuusado

Markaad ka qeybgashid barnaamijka, waa inaad soo sheegtaa maqnaanshahaaga maalinta koobaad ee aad daryeelaysid ilmahaaga xanuusanaya.

Soo-sheeg ku maqnaanshaha daryeelka ilmaha markaad kaqeybgalaysid barnaamijyada