Soo-sheeg ku maqnaanshaha daryeelka ilmaha markaad ka qeybgalaysid barnaamijka

Markaad ka qeybgashid barnaamijka, waxa muhiima inaad soo sheegtid maqnaanshaha haddii aad si ku meelgaadh ah u daryeelaysid ilmahaha xanuusanaya (VAB). Haddii aanaan garaneyn sababta aad u maqan tahay, waxaad halis ugu jirtaa helitaanka digniin ama ka haginta xaqul-shaahaaga.

Goorma ayey tahay inaan soo sheego ku maqnaanshaha daryeelka ilmahayga?

Waa inaad soo sheegtaa maqnaanshaha haddii aad kaqeybgalaysid barnaamij oo aanad ka qeybgali karin hawlahaaga la qorsheeyey sababtuna tahay daryeelida carruurta xanuunsaday.

Samee diwaangalintaada maalinta koobaad ee aad daryeelaysd carruurta

Waxaad u baahan tahay inaad sameysid ogeysiiskaaga maqnaanshaha maalinta koobaad ee aad daryeelaysid ilmahaaga xanuusanaya. Haddii kale, waxaad halis galinaysaa halitaanka digniin ama hakinta magdhowgaaga caawimada hawsha (aktivitetsstöd), horumarinta magdhowga (etableringsersättning) ama asaaska xaqul shaaha (utvecklingsersättning).

Haddii aad la wadaagtid daryeelka ilmaha qofkale, waxaad u baahan tahay inaad soo sheegtid maqnaanshahaaga markasta oo aad daryeelaysid ilmaha.

Haddii aad kaqeybgashid carbiska-shaqo, Muhaarijiinta Iswidhiska ah (SFI), tababar, tallaabooyinka shaqada (Steg till arbete), qalabeynta ama isku beegida ama hawl kale (Rusta och matcha) oo ah mid kamida agabka Wakaalada Shaqaleysiinta (Arbetsförmedlingens), waa inaad sidoo kale usoo sheegtaa maqnaanshaha iyaga.

Soo-sheeg fasaxa xanuunka (oo af-iswidhish ah)

Haddii aanad sameyn karin warbixin dhijitaal ah, waa inaad nalasoo xidhiidhaa si aad u sheegtid inaad daryeelaysid ilmaha xanuusanaya.

Uma baahnid inaad soo sheegtid marka ilmuhu caafimaad qabo

Uma baahnid inaad ogeysiisid Wakaalada Shaqaaleysiinta markaad kusoo noqotid barnaamijka ee aanad u baahneyn daryeelida ilmaha xanuusanaya. Codsigaaga caawimada hawsha, horumarinta magdhowga ama asaaska xaqul shaaha ee Sanduuqa Caymiska (Försäkringskassan), waxaad ku calaamadinaysaa maalmaha aad daryeelaysid ilmaha xanuusanaya.

Xaqul-shaah nooce ah ayaan ku helayaa daryeelida carruurta xanuusanaysa?

Waxaad helaysaa magdhowga maalmaha aad daryeeshay ilmaha xanuusanaya. Waxaad sidaasi darteed ku haysanaysa magdhowgaaga foomka caawimada hawsha, horumarinta magdhowga ama asaaska xaqul-shaaha maalmahani.

Haddii aad la shaqeysid barnaamijkaaga, shuruuc kala duwan ayaa qabanaysa haddii aanad u shaqeyn karin sabab daryeelka llmaha buka ah. Waxbadan ka akhri wabsaaydka Sanduuqa Caymiska.

Sanduuqa Caymiska (forsakringskassan.se)

Haddii adigu laftaadu aad xanuusanaysid

Markaad ka qeybgashid barnaamijka, waa inaad soo sheegtaa maqnaanshahaaga maalinta koobaad ee aad xanuusanaysid.

Soo-sheeg maqnaanshaha markaad xanuusanaydi ee aad kaqeybgalaysid barnaamijyada