Damaanada shaqada iyo horumarinta
Damaanad-qaadka shaqada iyo horumarintu waa barnaamij loogu talagalay adigaaga muddo dheer shaqa la'aan ahaa, una baahan in lagaa caawiyo sidii aad dib ugu soo laaban lahayd nolosha shaqada. Taageero ayaan ku siinaynaa si aad uga baxdo shaqo la'aantaada.
Waa maxay
Waa barnaamij ka kooban dadaallo iyo taageero si shakhsi shakhsi ah loo qaabeeyay, oo ay la socoto adiga oo si firfircoon shaqo u raadinaya. Hadafku waa in aad sida ugu dhakhsaha badan ee suurta galka ah uga baxdo shaqa la'aantaada.
Yaa loogu tala galay
Waxaad fursad u heli kartaa inaad ka qayb qaadato dammaanad-qaadka shaqada iyo horuumarinta haddii aad muddo dheer shaqa la'aan ahayd oo aad shaqa-doon ahaan noogu qorneyd. Haddii aad tusaale ahaan ku dhowdahay in uu kaa dhamaado caymiska shaqa la’aantu waxaa laguu soo jeedinayaa inaad ka qayb qaadato barnaamijka. Sidoo kale haddii inta ugu badan aad ka qayb qaadatay barnaamijka sal dhigashada ama damaanad-qaadka shaqada ee dhallinyarada, laakiin aad gebi ahaan ama qayb ahaan weli shaqo la'aan tahay.
Haddii aad shirkad leedahay, laguuma arko inaad shaqa la’aan tahay, mana ka qaybqaadan kartid barnaamijka. Tani way ku khusaysaa iyadoo aan la eegeyn shirkadda weyninkeeda.
Sidan ayey wax u dhacayaan
Adiga iyo gacanhayaha xafiiska shaqada ayaa isla qorsheynaya dadaallada adiga kuugu fiican si aad sida ugu dhakhsaha badan ugu hesho shaqo ama u billowdo waxbarasho. Haddii aad u baahantahay, waxaa jirta fursad aad taageero uga heli karto turjumaan. Waa kuwan tusaalooyin ku aaddan dadaallada:
- Baraaktiik shaqo
- tababbar shaqo
- Waxbarashada suuqa shaqada
- taageero iyo talooyin haddii aad ku fikirayso inaad sameysato shirkad adiga kuu gaar ah
- waxbarasho lagu qaadanayo Komvux ama iskool shacbi ah
- ansaxin
- hagitaan
Waxaan la soconeynaa sida ay wax kuugu socdaan, waxaanannu ku siineynaa taageerada aad u baahantahay.
Marka aad ka qayb qaadaneyso damaanad-qaadka shaqada iyo horuumarinta, waxa sidoo kale jirta fursad uu shaqabixiye kugu shaqaaleysiin karo shaqo bilow ah ama shaqo waxbarid ah.
Adigaaga qaba jirro ama naafanimo waxaad heli kartaa taageero dheeraad ah
Haddii caafimaadkaaga ama naafanimadaadu ay saamayneyso awooddaada ka qaybqaadashada hawlaha barnaamijka, waxaan rabnaa inaad taas noo sheegto. Markaas waxaan si wada jir ah kuula baareynaa taageerada aad u baahantahay si aad hawlaha uga qayb qaadan karto.
Taageero laguugu tala galay adigaaga naafada ah
Baaxadda barnaamijka
Barnaamijku caadiyan waa wakhti buuxa. Haddii aad qeyb ahaan fasax waalidnimo ku jirto, ama jirro ama naafanimo awgood aanad awoodin inaad si buuxda u shaqeyso, waxaa jirta fursad aad qeyb ahaan uga qeyb qaadan karto barnaamijka. Ilaa iyo laba iyo toban bilood ayaad sidoo kale wax baran kartaa adigoo isla markaasna qeyb ahaan ka qeyb qaadanaya damaanad-qaadka shaqada iyo horumarinta.
Xaq uma lihid inaad qaadato fasax shaqo inta aad ka qayb qaadaneyso damaanad-qaadka shaqada iyo horumarinta, laakiin haddii ay jiraan xaalado gaar ah waxaannu fasax ku siin karnaa ugu badnaan saddex maalin, waxaadna codsan kartaa in si ku meel gaar ah loo hakiyo ilaa iyo 20 maalmood sanadkiiba.
Gunno iyo shuruudo
Marka aad ka qayb qaadato barnaamij, waxaad gunno ka dalban kartaa Qasnadda caymiska. Sida gunno loo codsado iyo wax badan oo ku saabsan waxa ku khuseeya marka aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada, kana qayb qaadato mid ka mid ah barnaamijyadeenna waxaad ka akhrisan kartaa halkan:
Marka aad ka qayb qaadato barnaamij
Maxaa lagaa filayaa
In barnaamij laga qayb qaato waa ikhtiyaari, laakiin haddii aad ka qayb qaadaneyso waa inaad noqoto mid firfircoon oo aad raacdo qorshaha aan ku heshiinno.
Marka aad barnaamijka ka qeyb qaadaneyso, waxaad u baahantahay inaad ka qayb qaadato dadaallada aan isla wada qorshaynayno. Waxaad u baahantahay in aad firfircoonaato oo aad shaqo raadsato hadii aanan wax kale ku heshiin, hadii shaqo lagu siiyana waxa lagaa filayaa in aad aqbasho . Waxaad u baahantahay inaad taas samayso si aad iskugu daydo inaad xalliso xaaladdaada, laakiin sidoo kale si aanay u saamayn gunnada aad ka hesho Qasnada Caymiska.
Waxaad u baahantahay inaad nagu soo wargeliso isbeddellada, tusaale ahaan haddii aad billowdo shaqo ama waxbarasho.
Ka warbixi hawlaha aad qabato
Bil walba waa in aad soo gudbiysaa warbixinta waxa aad qabato. Taasi waa muhiim si aad taageero sax ah ugu hesho dadaalka aad ugu jirtid in aad hesho shaqo ama waxbarasho, iyo si aysan u saameyn gunnada aad ka qaadato Qasnadda ceymiska.
Ka warbixinta waxa aad qabatid
Haddii aad xanuunsato
Haddii aad xanuunsato, waxaad u baahantahay inaad soo sheegto maalinta ugu horreysa ee aad jirrato, haddii kale waxaad muddada xanuunka oo dhan waayi doontaa gunnada. Haddii aad xanuunsantahay muddo dheer, waxaan isku dayi doonnaa inaan nuxurka barnaamijkaaga waafajinno duruufahaaga si aad uga qayb qaadato sidaas oo ay tahay. Waa lagaa saarayaa barnaamijka haddii aad si buuxda u xanuunsato in ka badan 30 maalmood, barnaamijkana aan duruufahaaga la waafajin karin.
Soo sheeg maqnaanshaha marka aad jirantahay
Haddii aad daryeeleyso ilmo xanuunsan
Haddii aad u baahan tahay inaad guriga joogtid oo aad carruurta ku daryeesho, waxaad u baahan tahay inaad na soo ogeysiiso.
Ka warbixi maqnaanshaha daryeelka ilmaha (VAB)
Ilaa iyo hadda waad ka tirsanaan kartaa barnaamijka
Waxaad ku jiri kartaa dammaanad-qaadka shaqada iyo horuumarinta ilaa iyo inta
- aad ka bilaabayso shaqo ama waxbarasho wakhti buuxa ah oo ka baxsan dammaanad-qaadka shaqada iyo horuumarinta
- aad ka galeyso fasax waalid oo waqti buuxa ah
- aad waqti buuxa ka xanuunsaneysid in ka badan hal bil, barnaamijkana aan duruufahaaga la waafajin karin
- laga gaarayo bisha ka horreysa sanadka aad buuxineyso 66
- aad ka buuxineyso shuruud cusub si aad u qaadato a-kassa.
Halkan ayaad ka akhrisan kartaa, wax dheeraad ah oo ku aaddan waxa loo baahanyahay si gunno looga helo a-kassa:
Gunno ka timaada qasnadda shaqa la'aanta
Fursad aad dib ugu laaban karto barnaamijka waad lahaan kartaa
Waad u soo laaban kartaa barnaamijka haddii aad jirro ku qornayd, fasax waalid ku jirtay ama wax baraneysay, oo aad shaqa la’aan mar kale noqotid. Laakiin waa inaadan barnaamijka ka maqnayn in ka badan 12 bilood. Haddii aad shaqeysay oo aad shaqo la'aan noqotay, waad ku soo laaban kartaa barnaamijka haddii aadan mar kale xaq u lahayn a-kassa.
Haddii uu Xafiiska Shaqadu joojiyo barnaamijkaaga
Xafiiska shaqadu wuu kaala laaban karyaa barnaamijkaaga, waxayna taasi ka dhigantahay in isaga lagaa joojinayo oo aanad xaq u lahayn inaad ka qayb qaadato barnaamijka. Waad lumin kartaa xaqa aad u leedahay ka qayb qaadashada barnaamijka hadii aad dhaqan xumo samayso ama aad hawlaha carqaladayneyso. Sido kale waxaa jira sababo gaar ah oo uu Xafiiska Shaqadu kaagala noqon karyo barnaamijkaaga, waxay taasi tusaale ahaan noqon kartaa inaadan awoodin ama aadan rabin inaad ka qeyb qaadato barnaamijka.
Adigaaga 450 maalmood gunno ku qaatay damaanad-qaadka shaqada iyo horumarinta, aannaan xaq u lahayn gunnada shaqo la'aanta sida uu qabo sharciga caymiska shaqala'aantu, waad lumin kartaa xitaa booskaaga haddii
- aad diiddo mid ka mid ah dadaallada barnaamijka ku jira ama wax ka mid ah tallaabooyinka siyaasadda suuqa shaqada
- aad diiddo shaqo kugu habboon, sababo la aqbali karo la'aantood
- aadan soo gudbin warbixinta dhaqdhaqaaqyadaada
- aadan xiriir joogto ah la yeelan shaqaalaha Xafiisak shaqada.
Ka dib marka barnaamijkaaga la joojiyo
Haddii barnaamijkaaga lagu joojiyo kaala noqosho, way jiri kartaa fursad aad mar kale ugu qeyb qaadato barnaamijka. Taasi ma shaqeyneyso haddii barnaamijkaaga lagula noqday sababo gaar ah awgood, laakiin haddii barnaamijkaaga lagula noqday sabab kale, waad ka qayb qaadan kartaa mar kale 45 maalin ee ganaaxa ka dib. Maalmaha ganaaxu waa maalmo aad gunno heli lahayd haddii aad ku sii jiri lahayd barnaamijka.
Haddii ay xaaladdu sidaas tahay waxaad u baahantahay inaad shaqa doon ahaan ugu sii qornaato Xafiiska shaqada. Haddii aad doorato in aad iska saarto Xafiiska shaqada isla maalinta barnaamijkaaga la joojiyay, waa in aad shaqa doon ahaan isu diiwaan gelisaa 60 maalmood gudahood si laguugu xisaabiyo maalmaha ganaaxa.
Sidan ayaad barnaamijka ugu soo laaban kartaa
Barnaamijkaagu wuxuu ugu horreyn bilaabmi karaa isla maalinta aynu qorshe wada samayno. Waxaad u baahantahay inaad adigu la xidhiidho Xafiiska Shaqada.
Haddii aad ka baxday Xafiiska shaqada, waxaad u baahan tahay inaad mar kale barta intarneetka Xafiiska shaqada isaga diiwaan geliso shaqa doon ahaan. Markaas waxaannu ku soo wacaynaa laba saacadood gudahood si aanu u bilowno maareynta kiiskaaga.
- Haddii aad is diiwaangeliso 3da galabnimo ka dib, waxaa lagu soo wacayaa maalinta shaqada ee xigta inta u dhaxaysa 9 iyo 11 subaxnimo
- Haddii aadan jawaabi karin ama aannan kula soo xiriirin, naga soo wac 0771-416 416.
Waa muhiim inaad jawaabto markaan ku soo wacno.
Haddii aad weli ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada, waxaad u baahantahay inaad naga soo wacdo 0771-416 416 si aan u bilowdo maareynta kiiskaaga. Noo sheeg in kiiskaagu uu khuseeyo suurtagalnimada ku aaddan fursadda aad ugu soo laaban karto barnaamijka.