Caawimaadda shaqadoonka naafada ah ama qaba caafimaad darro

Ma qabtaa naafanimo, xaalad baaritaan lagu ogaday, cudur ama wax uun kugu adag? Markaas waxaad taageero xaq noogu yeelan kartaa marka aad shaqo raadsaneysid, marka aad isu diyaarneysid nolol shaqo ama aad shaqo joogtid.

Yaa taageero heli kara?

Halkan hoose ayaan ku muujineynaa dhibaatooyinka iyo naafanimada keenta in badiyaa taageero nalaga helo. Haddii aad qabto dhibaatooyinkaas oo saamayn kugu yeelanaya marka aad shaqo raadsaneysid, isu diyaarineysid nolol shaqo ama aad shaqeysid waxaad heli kartaa taageero.

Dhibaatooyin xagga garashada ah

Waxaa dhici karta in aad qabtid dhibaato xagga waxbarashada, wax isku taxallunjinta, in aad wax billawdid waxna gabagabeysid, iyo in aad wax xasuusatid ah. Waxaa keeni kara ADHD ama Autism.

Dhibaatooyin xagga luqadda ah

Tusaale ahaan, haddii ay kugu adagtahay in aad wax akhrisid ama wax qortid. Waxaa keeni kara Dyslexia ama aphasia.

Caafimaad darro xagga dhimirka ah

Waxaa dhici kartaa in ay ku hayaan murugo, welwel, cadaadis, daal xad dhaaf ah, niyad jab, dhibaato xagga hurdada ah ama bulsho ka cabsasho.

Dhibaato xagga caafimaadka ah

Tusaale ahaan waxa aad qabtaa kaar xagga jirka ah, xasaasiyad adag ama xanuun xagga wadnaha ah.

Awoodda dhaqdhaqaaqa oo xaddidan

Waxaa dhici karta in ay kugu adagtahay in aad fadhiisatid, istaagtid, socotid ama aad gacmaha istimaashid.

Aragga

Araggaaga ayaa tusaale ahaan aad u liita ama waad indho la’dahay, waxaa kugu adag in aad aqoonsatid dadka kaa fogfog ama aad akhrisid qoraallada yar-yar.

Maqalka

Waxaad ahaan kartaa tusaale ahaan qof maqalkiisu liito ama dhagool ah, qof ay ku adagtahay in uu hadalka maqlo ama cod dhib leh uu ka yeerayo dhegtiisa.

Naafanimo

Waxaad ahayd qof maandooriye isticmaala ama aan ka maarmi kari khamri, daroogo, dawo ama qamaar, taasoo saameyn karta duruufahaaga shaqa raadinta, helidda ama haysashada.

Xasuusnaw!

Xitaa haddii aysan dhibaatooyinkaagu liiska ku jirin waad heli kartaa taageero.

Waa maxay taageerooyinka uu Xafiiska shaqadu bixiyaa?

Taageeradeennu waxay wax u fududeyneysaa adigaaga leh nafanimada, xaalad baaritaan lagu ogaday, cudur ama si kale ay wax ugu adagyihiin. Waxaan halkan hoose ku muujineynaa taageerooyinka caadiga ah, marka aad tusaale ahaan:

  • Waxaan soo ogaaneynaa shaqooyinka kugu habboon iyo khibraddaada aqooneed.
  • Waxa aannu baareynaa haddii ay jiraan waxyaabo duruuftaada la waafajin karo ama qalab aad u baahan kartid si aad u shaqeysid.
  • In aad goob shaqo ku tababaratid.
  • In aad goobta shaqada baraaktiig ku sameysid.
  • In aad la kulantid qof takhasus leh, tusaale ahaan daweeye shaqo, daweeye jir, cilminafsiyahan, la taliye arrimo bulsho, la taliyaha dhagoolaha, qof ku takhasusay aragga ama maqalka.

  • Taageero dheeraad ah si aad shaqo shaqo u raadiso, tusaale ahaan caawimaadda qoridda codsi shaqo.
  • Qof kaa caawinaya in aad shaqo heshid, lana hadlaya shaqa bixiyahaaga cusub.
  • Taageero la xiriirta waxbarasho haddii aad waxbaraneysid adigoo Xafiiska shaqada u sii maray, ina aad shaqo raadinta ju jirto.
  • Turjumaan xagga dhagoolaha ah marka aad ka qeyb qaadaneysid hawlo ama waxbarasho uu xafiiska shaqadu kuu diryay.

  • Qof shaqada ku bara, goobta shaqadana taageero kugu siiya.
  • Shaqada la waafajiyo duruufahaaga, tusaale ahaan in xawaaraha shaqada la dhimo iyo in waxa la qabanayo la waafajiyo duruufahaaga.
  • Kaalmo lagu siiyo adiga ama shaqa bixiyaha si uu u soo iibiyo qalab wax caawiyo oo shaqada kuu fududeynaya.

Tallaada koowaad sidan u qaad

Si aad taageerada u heshid waxaad u baahannahay in aan ogaanno sida dhibaatadaadu ama naafanimadaadu kuu saameyneyso marka aad shaqo raadsaneysid, marka aad isu diyaarineysid nolosha shaqada ama aad shaqeyneysid. Waxaan markaas ka dib wadajir kuula baareynaa taageerooyinka aad u baahantahay si aad u shaqeysid.

Waxaad ka billaabeysaa in aad

  • isu diiwaangelisid shaqo doon ahaan
  • nooga warrantid waxyaabaha culeyska kugu ah.

Xasuusnaw!

Haddii aad horeba u diiwaangashanayd, waxaad noola soo xiriiri kartaa toos.

Haddii aanad diiwaangashanayn - sidan samee 

1.

Waxa aad iska diiwaangelinaysaa boggayaga intarneetka.

2.

Waxa aad dooraneysaa waqti aannu ku soo wici karno oo aan kula yeelan karno wadahadal wax qorsheyn ah.

3.

Wadahadalka qorsheynta ah, waxaa muhiim ah in aad nooga warrantid dhibaatooyinkaaga. sidoo kale, qof xigto ah ama qof kale wuu kula joogi karaa, ka taageere ahaan.

4.

Waxaa lagugu casuumi doonaa wadahal qorsheyneed oo qota dheer. Dabadeed, baaritaanka taageeradu wuxuu u ekaanayaa siyaabo kala duduwan oo qofba si u ah, wuxuuna qaadan karaa waqtiyo dhererkoodu kala duwanyahay.

Ma u baahantahay in lagaa caawiyo in aad is diiwaangelisid?

Xarunta adeegga ee Hey’adaha dowladda ayaad ka heli kartaa taageero aad isku diiwaangelisid. Uma baahnid in aad waqti qabsatid. Booqo Xafiis oo u sheeg in aad rabtid in aad isku qortid Xafiiska shaqada, markaasna waxaad heleysaa caawimaad. Haddii aadan lahayn aqoonsi elekteroonig ah waa in aad soo qaadataa aqoonsi, tusaale ahaan leysin, basaboor ama kaarka aqoonsiga.

Hel xafiiska adeegga ee kuugu dhaw (statenssc.se)

Macluumaad dheeraad ah oo kugu socda adiga iyo xigtadaada

Fadlan qoyskaaga ama dadka muhiimka ah ee kugu dhadhaw u sheeg jiritaanka boggan. Waa ay wanaagsantahay in ay jiraan xigto og sida ay taageerada Xafiiska shaqadu u shaqeyso.

Haddii aad rabtid in aad wax dheeraad ah ogaatid waxa aad daawan kartaa fiidiyowga, waxaad dhegeysan kartaa podd-ka ama waxa aad sii aadi kartaa bogag kale oo macluumaad faahfaahsan leh. Waxa aad halkan hoose ka heleysaa Linkiyo ay ku jiraan macluumaadka dheeraad ah.

Taageero laguugu tala galay adigaaga naafada ah ama caafimaad darrada qaba

Sidan ayaad isu diiwaangelinaysaa

Isu diyaari wadahadalka qorsheynta

Marka aad lacag ka qaadatid ama ka qaadan jirtay caymiska bukaanka

Nala soo xiriir

Waxaan ka jawaabeynaa shu’aalahaaga ku aaddan taageerada, waxanan kaa caawineynaa in aad horay u socotid. Nala soo xiriir haddii aad tusaale ahaan rabtid:

  • in aad wax naga weydiisid taageerada Xafiiska Shaqada
  • in aad heshid caawimaad ah si aad isugu qortid barteenna intarneetka
  • in aad hore wax uga ogaatid kulanka aan yeelaneyno
  • in aad weydiisid waxa ay tahay in aad sameysid marka ay shaqaaleysiintaada taageerada lihi dhammaato.

Adigaaga leh aqoonsi elekteroonig ah waxa aad heli kartaa caawimaad qof ahaaneed. Halkan hoose waxa aad ka heli kartaa siyaabo kala duwan oo aad nagula soo xiriiri kartid. Dooro waxa adiga sida ugu fiican kuugu habboon.

Khadka intarneetka nagula sheekeyso

Dooro arrintaada, su’aalo weydii, jawaabna sug. 

Khadka kula sheekeyso shaqaale Xafiiska shaqada ka shaqeeya

Furan isniin-jimco 8-16

Khadka intarneetka nagula sheekeyso

Taleefan nagula soo xiriir

Dooro haddii aad rabtid in lagu soo waco ama ku jirayso safka taleefanka.

La hadal shaqaale Xafiiska shaqada ka shaqeeya.

Furan isniin-jimco 8-16

Booqo xafiis adeeg

Ballan qabsasho uma baahnid.

Agtaada ka hel xafiis adeeg.

Waqtiyada furnaantu waa ay kala duduwanyihiin.