Taageero laguugu tala galay adigaaga naafada ah

Haddii aad naafo tihid waxaad heli kartaa noocyo kala duduwan oo taageero ah, qalab wax caawiya iyo in duruufahaaga xaaladda la waafajiyo
Bidrag för personligt biträde
Qof jooga goobtaada shaqada ayaad taageero ka heli kartaa haddii ay liidato kartidaada shaqo iyadoo ay naafanimo sabab u tahay. Shaqabixiyahaaga ayaa markaas kaalmo helaya si uu shaqaale kuugu qoondeeyo.
Hjälpmedel på arbetsplatsen
Waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya si aad shaqadaada u gudan kartid. Shaqabixiyahaagu sidoo kale wuu heli karaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya ama in baahidaada la waafajiyo goobtaada shaqada.
Individuellt pedagogiskt stöd vid utbildning
Marka aad ka qeyb qaadaneysid qaar ka mid ah dadaalladeenna waxbarashada, waxaad heli kartaa taageero la xiriirta waxbaridda, oo lagu dhameystiray qalab wax caawiya.
Lönebidrag
Haddii uu naafanimo awgeed karaankaaga shaqadu uu hooseeyo waxaad heli kartaa shaqo duruufahaaga la waafajiyay. Isla mar ahaantaas wuxuu shaqabixiyahaagu mushaarkaaga u heli karyaa kaalmo lacageed.
Psykosocialt anpassningsstöd
Haddii aad dhibsaneysid xaaladaha bulshonimo ee shaqada ama aadan is hubin marka laga hadlayo waxyaabaha bulsho- iyo dhimir ahaan leesaga baahanyahay goobta shaqada, caawimaad ayaad naga heli kartaa.
Samhall
In aad u shaqeysid Samhall waxay fursad kuu siineysaa in aad horuumarisid karaankaaga shaqada iyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed. Inta aad u shaqeyneysid waxaad heleysaa taageero iyo gacan qabasho.
Skyddat arbete hos offentlig arbetsgivare
Shaqo lagu waafajiyay adigaaga naafada ah.
Särskild stödperson för introduktion och uppföljningsstöd - SIUS
Haddii aad naafo tihid waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad marka aad shaqo raadineysid ama marka aad goob shaqo ku cusubtihid. Qof taageero kuu ah ayaa kaa caawinaya hawlaha shaqada iyo wixii kale ee loo baahanyahay si aad shaqo u heshid.