Bidrag för personligt biträde

Waxa aad taageero iyo caawimo ka heli kartaa qof goobtaada shaqo ku sugan, haddii aad qabto dhantaalan xagga awoodda shaqada ah oo ay keenayso naafanimo. Shaqabixiyuhu wuxuu ku heli karaa kaalmo dhaqaale in uu shaqaale u diyaariyo arrintaas darteed.

Maxay

Ujeedada kaalmada dhaqaale ee kalkaaliye shakhsi ah, waa in laguu fududeeyo in aad shaqo hesho oo aad sii haysato. Kaalmadu waxa kale oo ay kuu fududayn kartaa in aad ka qaybqaadato barnaamijka siyaasadda suuqa shaqada ama waxbarashada Iskuulka ee lagu meeleeyo goob shaqo (APL). Xitaa adigaaga ah shirkadle isla markana qaba naafanimo kaa dhigaysa mid u baahan qof ku saacida, waad heli kartaa kaalmo dhaqaale.

Kalkaaliyaha shakhsiga ahi, waa qof laguu dooray oo ku caawinaya marka aad fulinayso hawlo shaqo oo soo noqnoqda ama kuu farsamaynaya xaalado shaqo oo soo noqnoqda oo aanad iskaa u samayn karin. Hawlaha shaqo waxaad fulinaysaa adiga oo kaashanaya kalkaaliyaha shakhsiga ah.

Waa shaqabixiyaha cidda kaalmo dhaqaale ku heli karta kalkaaliye shakhsi ah. Kaalmadu ugu badnaan waa 60 000 karoon sannadkii. Haddii aad tahay shirkadle qaba naafonimo keenaysa dhibaato weyn oo xagga xiriirka ah, waxaad shirkadle ahaan ku heli kartaa 120 000 karoon sannadkii.

Shaqabixiyahaaga ama adigaaga shirkadlaha ah, waxaad heli kartaa kaalmada dhaqaale ilaa inta aad u baahan tahay kalkaaliye shakhsi ah si aad u gudan karto hawlahaaga shaqo.

Ayo

Shaqabixiyahaagu wuxuu heli karaa kaalmo haddii ay awooddaada shaqo hoosayso oo sababtu tahay naafanimo oo aad

  • haysato ama aad heli doonto shaqo aad u baahan tahay caawimo shakhsi ah si aad u gudato hawlahaaga shaqo,
  • aad dhigato dusgi sare oo aad u baahan tahay taageero shakhsi ah si aad uga qaybqaadan karto waxbarasho lagu meeleeyey goob shaqo (APL) ama
  • aad u baahan tahay taageero shakhi ah si aad uga qaybqaadan karto barnaamijka siyaasadda suuqa shaqada ama dib-ula-qabsi ku jihaysan suuqa shaqada

Sidan ayey wax u dhacayaan

  • La xiriir Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) haddii aad shaqadaada ugu baahan tahay kalkaaliye shakhsiga

  • Haddii aanad ka diiwaangashanayn Xafiiska Shaqada, waxaad u baahan tahay in aad is diiwaangeliso si shaqabixiyuhu u heli karo kaalmo dhaqaale.
    Isdiiwaangeli (Skriv in dig)

  • Waxaynu adiga iyo shaqabixiyahaaga wada baadhaynaa baahida jirta

  • Shaqabixiyahaagu wuxuu u baahan yahay in uu noo soo gudbiyo caddayn muujinaysa in aad u baahan tahay kalkaaliye shakhsi ah

  • Xafiiska Shaqadu wuxuu hubinayaa in shaqabixiyuhu buuxinayo shuruudaha kaalmada dhaqaale, waxaanu go’aaminayaa inta ay le’ekaanayso kaalmada dhaqaale.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah