Is diiwaan-geli
Maalinta ugu horeeyso ee aad shaqolaawe tahay, booqo barta internetka kaddib isku-qor adigoo isticmaalayo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno [e-legitimation]. Qabso ballanka wadahadal qorshaynta hawlwadenaha Xafiiska Shaqada kaddib la xiriir Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha aad ka tirsan tahay kaddib gunno arji u qoro.
Waxyaabaha uu boggu ka koobanyahay
Goorma ayaan is qorayaa?
Waa muhiim inaad iska diiwaan-geliso dhankayaga ugu dambeyn maalinta ugu horeysa ee aad bilaa shaqo tahay. Markaas ayaa qasnadda shaqo la’aanta ay qiimeyn kartaa xaqa aad u leedahay gunno laga bilaabo maalinta ugu horeysa ee shaqo laga’aanta.
Markii maalinta ugu horeeyso ee aad shaqo la’aan tahay, aad iska diiwaan geliso oo hab firfircoon shaqo u raadsnaayso ayaa hey’ad dawladeed oo kale, degmo qiimeyn karaan xaqa aad u leedahay gunno. Qasnadda Caymiska waxay tusaale ahaan go`aan ka gaari karaa dakhliga ku salaysan gunnada jirrada, SGI.
Buuxi dhamaan macluumaadka aad awoodo. Markay sii badato waxa aanu kaa ognahay ayaanu si dhakhso ah kuu caawin karnaa.
Sidee ayaan anigu isku qorayaa?
- Ku gal aqoonsigaaga elaktarooniga ah (tusaale ahaan aqoonsiga bangiga ee moobilka).
- Haddii aanad xisaab ku lahayn arbetsformedlingen.se waa inaad marka hore buuxisaa macluumaadkaaga oo samaysataa xisaab.
- Markaad samaysato xisaab oo aad ku gasho aqoonsiga elaktarooniga ah ayaad bilaabi kartaa diiwaan gelintaada inaad tahay bilaa shaqo.
- Waxaad buuxin doontaa macluumaadka ku saabsan tusaale ahaan waxbarashada, shaqo hore, aqoonta iyo nooca shaqo ee aad raadinayso.
- Markaad is qortid waa inaad samaysataa ballanta wakhtiga wada-hadalka qorsheynta oo aad la yeelato xiriiriyaha shaqada. Miyaad isla iminkaba aad ogtahay inaad bilaabi doonto shaqo ama waxbarasho saddex bilood gudahood? Markaasi waxa keliya oo aad ka qayb qaadanaysaa adeegyadayada dijitaalka ah oo ma u baahnid inaad ballansato wada-hadalka qorsheynta iyo inaad la xiriirto xiriiriye shaqo.
Haddii aadan haysan kumbuyuutar ama taleefan gacan casri ah, waxaad booqan kartaa xafiis adeeg oo aad kumbuyuutar ka deynsan kartaa.
Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ka codso gunno
Markii shaqolaawe aad tahay waxaad xilliga aad shaqo-doon tahay, gunno ka codsan kartaa Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha. Inta lacagta lagu siin doono ay la eg tahay waa hadba, muddada aad soo shaqeysay iyo haddii aad xubin ka tahay Khasnadaha caymiska shaqolaaweyaasha.
La xiriir qasnadaada shaqo la'aanta oo codso magdhabkan. Sida ugu sahlan waxaa weeyaan adigoo guda-gala barta internetka ee Khasnadaha caymiska shaqolaaweyaasha.
Haddii aadan xubin Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ka ahayn, waxaad markii shaqolaawe noqoto codsan kartaa, inaad xubin ka noqotoiyo in gunnada aasaasiga ahlagu siiyo. Haddii aadan doonayn inaad Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha xubin ka noqoto, waxaad gunnada aasaasiga ah ka dalban kartaa Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [Alfa-kassan].
Isa sii diyaari hor wada-hadalka qorsheynta
Waa inaad samaysataa ballanta wada-hadal qorsheyn oo aad la yeelato xiriiriye shaqo isla markaad is diiwaan gelinayso. Miyaad isla iminkaba aad ogtahay inaad bilaabi doonto shaqo ama waxbarasho 3 bilood gudahood? Markaasi waxa keliya oo aad ka qayb qaadanaysaa adeegyadayada dijitaalka ah oo ma u baahnid inaad ballansato wada-hadalka qorsheynta iyo inaad la xiriirto xiriiriye shaqo.
Waxaa fiican inaad isa sii diyaariso ka hor kulankan oo keligaa sii bilowdo qorshahaaga. Markaasi ayaa kulankani noqonayaa wax ku ool. Waxaad tusaale ahaan samayn kartaa inaad
- eegto oo dib u cusboonaysiiso cv-gaaga
- ka fikirto waxa aad doonaysid inaad ka shaqayso
Maxaa dhacaya wada-hadalka qorsheynta?
Kulankaaga ugu horeeya ee aad nala yeelanayso waa wada-hadal qorsheyn oo qaata ugu badnaan 30 daqiiqo. Markaas ayaad adiga iyo xiriirye shaqada ah isla eegaysaan:
- aqoontaada
- nooca shaqooyinka aad raadinayso
- nooca taageero ee aad naga heli karto
- sida aad samaynayso si aad u gaarto hadafkaaga
Waxaynu sidoo kale isla eegeynaa haddii ay jiraan wax keenaya inaad u baahan karto taageero dheeraad ah iyo caawimaad si aad shaqo u raadsato oo aad u shaqeyso. Tusaale ahaan, haddii aad leedahay naafo, xaalado gaar ah ama dhibaatooyin caafimaad darro. Waxaan markaas ka dib wadajir kuula baareynaa taageerooyinka aad u baahantahay si aad u shaqeysid.
Su'aalo iyo jawaabo
Sidee ayaan u baajinayaa ballan ama u baddelayaa ballanta kulan aan idinka idinla leeyahay?
Si loo baajiyo ballan ama loo baddelo ballanta kulan waa inaad nala soo xiriirtaa.
Haddii kulankaagu ku dhaafo ama aad ilowdo inaad noo soo sheegto in aanad ka qayb-qaadan karin wakhtigi loogu talogalay waxay arintani raad ku yeelanaysaa gunnadaada lacagta.
Ma is gori karaa aniga oo aan haysan aqoonsi elekteroonig ah?
Haddii aadan haysan aqoonsi elekteroonig ah bogga intarneetka ayaad is qoriddaada ku diyaarin kartaa. Waxaad sameysaneysaa akoon, waxaadna ku geleysaa magac aad isticmaasho iyo eray sir ah. Waxaad markaas ka dib u baahantahay in aad booqato xafiiska adeegga si shaqadoon ahaan laguugu qoro. Booqashadaada horay uma sii ballansan kartid. Maalinta qorista ee kuugu horreysa waxaa laga tirinayaa maalinta aad qof ahaan u booqato xafiiska adeegga. Aqoonsi soo qaado.
Waa in aad booqashada sameysaa 14 maalin gudahood laga billaabo maalintii aad macluumaadkaaga ku soo dirta boggan intarneetka. Haddii aadan saas sameyn si ootomaatig ah ayey macluumaadkaagu u tirtirmayaan.
Haddii aadan adeegsan karin barteenna intarneetka waxaad u baahantahay in aad booqato xafiiska adeegga si aad shaqadoon ahaan isugu qortid. Ha illoobin in aad kaar aqoonsi soo qaadato marka aad xafiis adeeg booqaneysid. Waxaan markaas a-kassa-daada ku wargelineynaa in aad shaqo la’aan tahay si aad uga dalbatid lacag.
Sidee ayaan inaan ahay bilaa shaqo u wargelin karaa qasnadda shaqo la’aanta?
Markaad iska qortid dhanka boggayaga intarnatka adigoo isticmaalaa aqoonsiga elaktarooniga ah waxaad isla markaasba sheegaysaa inaad ka fikirayso codsashada qasnadda shaqo la’aanta. Ka dib booqo bogga intarnatka ee qasnadaada shaqo la’aanta si aad u buuxiso macluumaadka ay iyagu u baahanyihiin.
Haddii aad horey uga qornayd ugana diiwaan-gashanayd qasnadda shaqo la’aanta laakiin ay ku jirtay hakad iyadoo ay sabab u tahay inaad shaqaynaysay ama aad xanuusanaysay muddo waxaad u baahanaysaa inaad nagala soo xiriirto telafoonka ama qoraalka sheekaysiga kombiyuutarka. Markaas anaga ayaa wargelinayna qasnadaada shaqo la’aanta in aad mar kale tahay shaqo raadiye.
Waa maxay dakhliga ku salaysan gunnada xanuunka iyo fasaxa waalidnimo, SGI?
SGI micnaheedu waa dakhliga ku salaysan gunnada xanuunka iyo fasaxa waalidnimo. Qasnadda Caymiska ayaa xisaabinaysa SGI adigu aad yeelanayso. SGI-gaaga ayaa aasaas u ah intay leegtahay lacagta aad heli karto haddii tusaale ahaan aad xanuusato ama aad gelayso fasax waalidnimo.
La xiriir Qasnadda Caymiska haddii aad hayso su’aalo ku saabsan SIG-gaaga iyo sida aad u ilaashan karto dhanka xaaladaha kala duwan.
Maxaa ansaxa ah markaan helo lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista?
Haddii aad heshay lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista waxaan kugula talinaynaa inaad is qortid maalinta ugu horeysa ee aad shaqo la’aan tahay oo iska wargeliso qasnadaada shaqo la’aanta. Qasnadda la’aanta ayaa markaas xisaabin doonta maalinta aad ugu horeyn heli karto gunnada lacagta. Qasnadda shaqo la’aanta waxay lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista u arkaan sidii mushahaaro.
La xiriir Qasnadda Caymiska si aad u hesho macluumaad ku saabsan dakhligaaga ku salaysan jirro xanuun ama fasax waalidnimo maadaama ay arintan ay saamayn ku yeelan karto markaad is qortay.
Haddii aad shaqo raadiye ahaan is qorto xilliga wakhtiga aad haysato lacagta kaalmada ee shaqo ka tegista waxaad u baahanaysaa inaad xitaa si fir-fircoon u ahaato shaqo raadiye. Tani micnaheedu waa in lagaaga baahanyahay inaad raadiso shaqo oo samayso wargelinta hawlahaad qabatay bil kastaba.
Maxay tahay inaan ka fikiro haddii lagu baaqay shaqo ka fariisin ama la iga eryo shaqo?
Dhamaan dadka loogu baaqay shaqo ka fariisin ma u baahdaan in laga eryo shaqada laakiin waxaa fiican inaad isu sii diyaariso haddii ay tani dhacdo.
Sii fiiri waxa khuseeya tusaale ahaan wakhtiga ogeysiiska ee aad adigu leedahay. Bilow inaad samaysato warqada shaqo raadintaa ee cv-ga iyo warqad shakhsiyan ah si aad diyaar u sii ahaato haddii aad noqoto bilaa shaqo.
Haddii aad noqoto bilaa shaqo waa inaad is qortid dhankayaga isla maalinta ugu horeysa ee aad bilaa shaqo tahay. Tani waxaad sida ugu fuddud uga samayn kartaa boggayaga intarnatka ee halkan.
Sidee baa ku ogaan karaa haddii lay diiwaan geliyay iyo in kale?
Haddii aadan hubin in lagu diiwaan geliyay iyo in kale, waxaad hubsasho awgeed iyo adigoo adeegsanayo qoonsiga digitalka ee loo yaqaanno [e-legitimation] guda-geli kartaa [Mina sidor]. Haddii aad ka diiwaan gashan tahay Xafiiska Shaqada, waxaa hoosta magacaaga ku qoran ”Min inskrivning”. Haddiise hoosta magacaaga ay ku qoran yihiin ereyada ”Skriv in dig” xaaladdaas weli laguma diiwaan gelin.
Sidee baa caddaynta diiwaan gelinta ku heli karaa?
Laf ahaantaada ayaa ka daaban kartaa caddaynta in aad ka diiwaan gashan tahay Xafiiska Shaqada. Marka hore adigoo adeegsanayo aqoonsiga digitalka ee loo yaqaanno [e-legitimation] guda-gal [Mina sidor], kaddib u gudub halka ay ku qoran yihiin ereyada "Visa/ändra mina uppgifter". Kaddib dooro "Dokument och intyg" kaddib waxaa ku soo ifabaxayo caddaynta oo leh qaabka [PDF], markaas kaddib ayaa daaban kartaa ama dooran kartaa in lagu tuso.
Markii aan is-diiwaan geliyay ma aanan qorin Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha [a-kassa] aan ka tirsan nahay. Maxaan imminka sameeyaa?
Haddii kaddib markii aad is-diiwangelisay aan wargelinta in gunno aad Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ka codsan doonto laga helin, waxaad nalaga soo xiriiri kartaa khadka taleefanka, anagu-na waxaan wargelin doonaa maamulka Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ee aad katirsan tahay. Wargelinta Khasnadda caymiska shaqolaaweyaasha ee aad ka tirsan tahay waxay hirgalaysaa, laga bilaabo taariikhda aad khadka taleefanka nalaga soo xiriirtay ama aad na booqatay, oona aqoonsigaaga caddeeysay.