Ka hor wada-hadalka qorsheynta
Marka aad xagayaga iska qorto waxay talaabada ku xigtaa noqonaysaa in la qorsheeyo sidaad dhakhso ugu heli lahayd shaqo ama waxbarasho. Kulanka ugu horeeya ee aad nala yeelanayso waa wada-hadal qorsheyn oo ah ugu badnaan 30 daqiiqo. Si kulankan u ahaado wax ku ool waxaa aad muhiim u ah inaad si fiican isugu sii diyaarisid. Halkan waxaad ka heleysaa talooyinka ku aaddan sida aad u sii qorsheynayso ka hor kulankaaga iyadoo caawimaad laga helayo boggayaga intarnatka.
Maxaa dhaca wada-hadalka qorsheynta?
Kulankan adiga iyo xiriiriye xafiiska shaqada ah ayaa isla eegaya:
- aqoontaada
- nooca shaqooyinka aad raadinayso
- nooca taageero ee aad naga heli karto
- sida aad samaynayso si aad u gaarto hadafkaaga
Adiga iyo shaqo dhex-dhexaadiyahaaga ayaa ku heshiinaya nooca hawlaha ee sida ugu fiican adiga kuugu haboon. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan inaad ka qayb qaadato waxbarasho intarnatka ah, qorida CV-ga ama barashada iswiidhishka. Ka dibna waa adiga laf ahaantaada inaad ka dhigto qorshahan mid waaraya oo aad is xil qaanto si aad u gaarto hadafkaaga. Haddii adigu xilliga is qorista aad doorato inaad diiwaanka iska saarto saddex bilood gudahood markaas ma u baahnid inaad samayso wax ah wada-hadalka qorsheynta.
Ka fiirso intarnatka: Sidan ayaad uga warhaynaysaa
Bilow isla iminkaba oo cusboonaysii cv-gaaga
Ka fikir waxa aad doonaysid inaad ka shaqayso oo cusboonaysii cv-gaaga. Shaqo noocee ah ayaad ka fikiri kartaa inaad si toos ah u raadiso? Miyaad u baahantahay inaad dhamaystirto waxbarashadaada ama waayo aragnimadaada? Ka fikir hadafyadaada, iyo sida jidka shaqo uu u eekaan karo. Qor fikradahaaga ku saabsan talaabada tan ku xigta. Si fiican xitaa uga soo fikir oo qor su'aalaha aad noo hayso.
Waa kuwan dhowr tusaale:
Qeex hadefyada iyo hadefyada qayb ahaaneed ee shaqo raadintaada
Talooyin marka aad samaynayso codsi shaqo, cv, warqada shakhsiyan ah
Gal Platsbanken oo eeg haddii aad ka hesho shaqooyin haboon oo la raadiyo.
Sameyso muuqaal oo ha ku helaan shaqo bixiyayaasha raadinaya shaqaale
Ka qayb qaado kulamadayada kaamarada ee intarnatka oo dhegayso idaacdahayaga shaqada
Codso qasnadda shaqo la’aanta
Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan xubinnimadaada ama wax kale, la xiriir qasnadaada shaqo la'aanta. Gunnada laga helo qasnadda shaqo la’aanta waa lacag adiga aad heli karto markaad tahay bilaa shaqo, xubin ka tahay qasnad shaqo la’aan oo aad dhankayagana ka diiwaan gashantahay. Soo hubi haddii aad xubin ka tahay mid ka mid ah qasnadaha shaqo la'aanta. Halkan waxaad ka akhrin kartaa nooca shuruudaha khuseeya iyo sida aad u codsanayso magdhabkan.
Magdhawga laga helo caymiska shaqo la'aanta
Haddii aanad xubin ka ahayn wax ah qasnada shaqo la'aanta, soo eeg haddii ay ahaan karto inaad codsato xubinnimada. Warbixin dheeraad ah, tusaale ahaan nooca qasnada shaqo la'aanta ee kugu haboon waxaad ka helaysaa bogaga intarnatka ee Hej a-kassa iyo qasnadaha shaqo la'aanta ee Iswiidhan.
Qasnadaha shaqo la'aanta ee Iswiidhan
Miyaad heshay dhamaan macluumaadka?
Fadlan sii eeg macluumaadki aad qortay markii aad is diiwaan-gelinaysay. Miyaad heshay wax kasta, amase ma laga yaabaa inaad ilowday wax waxbarasho ah, shaqo hore ama aqoon aad doonaysid inaad sheegto? Dhamaystir macluumaadkaaga ka hor kulanka aad nala leedahay, markaasi kulankeenu wuxuu yeelanayaa micno.
Ka war hay qorshahaaga ku yaala Mina sidor
Qorshahaaga waxaad ka helaysaa hoosta Mina sidor marka aad ku gasho aqoonsiga elaktarooniga ah. Halkan waxaad ka helaysaa sawirka guud ee hawlahaaga – kuwa aad dhamaysay iyo kuwa kuu ah talaabada ku xigta labadaba. Mina Sidor waa taageero laguugu talogalay dhanka shaqo raadintaada, sidaas darteed waa muhiim inaad ka warhayso in qorshahaagu mar walba cusubyahay.