Skyddat arbete hos offentlig arbetsgivare

Shaqo lagu waafajiyay adigaaga naafada ah.

Waa maxay

Shaqo Skyddat arbete hos offentlig arbetsgivare waa shaqo waqti go’an ah oo la waafajiyay hadba duruufahaaga. Cidda ku shaqaaleysiineysa waxay isla mar ahaantaas heleysaa kaalmo loogu tala galay mushaarkaaga. Ulajeeddada laga leeyahay shaqo ilaashan waa in aad horuumarisid karaankaaga shaqada oo aad sidaas ku hagaajisid fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Ilaa iyo 12 bilood ayaad haysan kartaa shaqo ilaashan. Haddii aan u aragno in aad u baahantihid in taageerada laguu sii wado waa la dheereyn karaa shaqada ilaashan.

Yaa loogu tala galay

Shaqo la ilaaliyay waxaa loogu tala galay adigaaga qaba naafanimo keeneysa hoos u dhac xagga karaankaaga shaqada ah. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waana in aad sidoo kale lagaa helaa wax ka mid ah waxyaabaha soo socda:

  • Waxaad qabtaa naafanimo xagga garashada ah ama karaankaaga shaqada ayaa hooseeya sababo la xiriiro dhibaato daroogiistanimo.
  • Waxaad xaq u leedahay taageero sida ku cad xeerka taageerada iyo adeegga naafada.
  • Horay uma soo shaqeyn ama waqti dheer ayaad suuqa shaqada ka maqneyd iyadoo ay sababtu tahay cudur adag oo xagga dhimir ah.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waa annaga cidda si wadajir ah adiga iyo shaqabixiyaha idiinla qiimeyneysa haddii goobta shaqadu ay habboontahay iyo hawlaha shaqada ee kugu habboon.
  • Waxaan adiga iyo shaqabixiyaha idinla qoraneynaa heshiis, waxaanna wada tashi la sameyneynaa ururka shaqaalaha. Heshiiska waxaa ku qoran hawlaha shaqada ee aad lahaaneysid iyo nooca taageero iyo gacan qabasho ee aad u baahantihid.
  • Shaqabixiyaha ayaa dabadeed mas’uul ka ah in aad billawdid shaqadaada cusub iyo in aad heshid taageerada aad u baahantihid.

Si joogto ah ayaan dib u eegis ugu sameyneynaa sida ay wax kuugu socdaan, waxaanna taageero u nahay adiga iyo shaqabixiyaha labadaba.

Mushaharka

Waxaad xaq u leedahay mushaaraadka iyo khayraadka ku qoran heshiiska loo wada dhanyahay ee shaqabixiyaha ama mid u dhigma heerka mushaaraadka ee faraca shaqada.

Shaqo-sugidda

Shaqo bixiyuhu wuxuu ballan qaadayaa in uu bixiyaa faa’iidooyinka shaqada ee heshiiska guud.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah