Arbetsintegrerande övningsplatser

Haddii aad ku qorantahay Xafiiska Shaqada oo aad baahi weyn u qabto in lagaa taageero si aad suuqa shaqada u gasho, goobo tababar oo shaqo ku dhafan-tahay ayaa kaa caawin kara in aad isu diyaariso shaqo.

Waa maxay

Haddii aad muddo dheer ka maqnayd suuqa shaqada oo aanad hubin awooddaada shaqo, waxaad taageero ku heli kartaa dadaallo shaqo u diyaarin ah. Waxaad fursad u helaysaa in aad nolosha shaqada ku gasho jawi shaqo oo degan, aaminna ah oo ku aaddan shirkad arrimaha bulshada la xiriirta. Inta wakhtigaas lagu jiro waxaad heli doontaa hagitaan dhow iyo taageero si aad u horumariso kartidaada aad ku buuxin karto shuruudaha aasaasiga ah ee nolosha shaqada, aadna u hesho waddo aad ku gaari karto in aad is-masruufto. Ujeeddadu waa in aad shaqo ka hesho shirkadda arrimaha bulshada la xiriirta. Taas beddelkeeda, u diyaargarow waxbarasho ama in aad ka qaybqaadan karto mid ka mid ah barnaamijyada kale ee Xafiiska Shaqada.

Yaa loogu tala galay

Taageerada waxaa loogu tala galay adigaaga muddo dheer ka maqnaa suuqa shaqada oo aan hubin awooddaada shaqo iyo nooca shaqada ee kugu habboon.

Sidan ayey wax u shaqeeyaan

  • Marka hore waxaan gaareynaa go’aan ku aaddan in aad u baahan tahay dadaal shaqo u diyaarin.
  • Markaas ka dib waxaad dooraneysaa qandaraasle. Waxaan ku siineynaa macluumaad ku aaddan qandaraaslayaasha aad dooran kartid.
  • Marka aad qandaraasle doorato waxaan marka hore ku bilaabeynaa wadahadal dhex mara adiga, qandaraaslaha iyo xafiiska shaqada.
  • Waqtiga waxyaabaha laguu dirayo, waxaannu waafajineynaa duruufahaaga.
  • Inta uu dadaalku socdo waxaan lahaaneynaa xiriir joogto ah oo aan kula soconeyno horumarkaaga, kuna eegeyno sida aad u aragto in ay u socdaan hawlaha goobta shaqadu.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.