Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Xafiiska Shaqada ku siiyo fursado kala duwan taageero, adiga oo Xafiiska Shaqada ka diiwan gashan. Dhawr taageerada kamid ah waxaan u naqaanna barnaamij. Markii aad ka qaybgalayso barnaamij waxaad arji u soo qoran kartaa Gunnada ka qaybgaleyaasha barnaamijka shaqada [Aktivitetstöd], Gunnada ka qaybgaleyaasha horumarinta shaqada [utvecklingsersättning] ama Gunnada sal-dhigida [Etableringsersättning]. Nooca gunnad lagu siin doono waa hadba barnaamij aad ka qaybgeli doonto iyo da'daada. Halkaan waxaan ka warbixin doonaa shuruudaha u degsan qaybgaleyaasha barnaamijyada Xafiiska Shaqada.

Markii lagu wargeliyo go’aan ku saabsan barnaamij

Xafiiska Shaqada ayaa xaalad qiimayn kaddib go’aan ka gaara haddii aad xaq u leedahay taageero iyo in kale. Haddii Xafiiska Shaqada go’aan ku saabsan barnaamij gaaro, waxaad Khasnadda caymiska bulshada ka codsan kartaa Gunnada ka qaybgaleyaasha barnaamijka shaqada [Aktivitetstöd], Gunnada ka qaybgaleyaasha horumarinta shaqada [utvecklingsersättning] ama Gunnada sal-dhigida [Etableringsersättning].

Gunnada ka qaybgaleyaasha barnaamijka shaqada [Aktivitetstöd] iyo Gunnada ka qaybgaleyaasha horumarinta shaqada [utvecklingsersättning]

Gunnada sal-dhigida [Etableringsersättning] (Markii aad ka qaybgalayso barnaamijka sal-dhigida)

Shuruudaha gunnada ee barnaamijyada

Marka aad ka qaybqaadato barnaamij oo aad hesho taageerada dhaqdhaqaaqa, gunnada horumarinta ama gunnada la qabsiga, waa muhiim inaad shuruudaha buuxiso. Haddii kale waxaad halis u tahay inaad hesho digniin ama aad noqoto gunno la’aan hal maalin ama maalmo badan.

Shuruudaha gunnada ee barnaamijyada

Markii aad xannuunsan tahay waa in wargelin laga hela

Sidii muddada aad xannuunsan tahay laga jarin guunnada, waa in markii barnaamij aad ka qaybgalayso aad maalinta ugu horeeyso oo aad xannuun dartiisa u maqan tahay anaga na wargelisa.

Markii aad xannuunsan tahay waa in wargelin laga hela

Ka maqnaanshada u sabab ah guri ku daryeelista ilmo xannuunsan (VAB)

Waa inaad na wargelisa haddii aadan ka qaybgeli karin dhaqdhaqaaqyada lagu qorsheeyay, taasoo u sabab ah guri ku daryeelista ilmo xannuunsan.

Ka maqnaanshada u sabab ah guri ku daryeelista ilmo xannuunsan (VAB)

Na wargeli dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapport]

Waa in bil kasta aad noo soo dirta Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapport]. Taasoo qodob muhim ah oo xiriir la leh xaq u yeelashada taageerada shaqada ama waxbarashada lagu helo, iyo qaadashada gunnada Khasnadda caymiska bulshada ay bixiso. Waa in Qoraalka wargelinta dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapport] aad bil kasta soo dirta laga bilaabo markii bisha ay ku beegan tahay 1:da ilaa 14:keeda.

Na wargeli dhaqdhaqaaqyada shaqada [aktivitetsrapport]

Kabidda kharashyada socdaallada

Waxaad arji lagugu siiyo kharashyada socdaallada ama hoyga kummeelgaar ah, u sabab ah waraysi shaqo oo aad degmo kale u tagtay, ama haddii aad ka qaybgeli doonto barnaamij laga hirgelin doono degmo kale, taasoo maalin kasta gaadiid gaar ah u baahan.

Kabidda kharashyada socdaallada u sabab ah waraysi shaqo ama barnaamij

Caymis iyo magdhawga dhawaacyada

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij waxaa xaaladaha qaarkood ku khuseeya caymiska [person- och grupplivförsäkringar] ee [Kammarkollegiet] iyo [Statens Pensionsverk]. Caymiska ma hirgalo markii aad ka qaybgalayso taageerada hirgelinta dhaqdhaqaaq ganacsiyeed. Haddii adiga aad dhaawaca sababto qaban-qaabiyeha arjiga magdhawga dhaawaca ayuu noo soo qoran karaa.

Caymis iyo magdhawga dhaawaca markii aad ka qaybgalayso i barnaamij

Madasha [Mina sidor]

Madasha [Mina sidor] waxaad ka aqrisan kartaa go’aanada ku saabsan barnaamijyada.

Madasha [Mina sidor]

Taageero nooc kale ah oo igu habboon ma heli karaa?

Xafiiska Shaqada ayaa awoodda qiimaynta taageerada haddii aad shaqo ku heli kartid iyo in kale. Nooca taageerada lagu siin karo wa hadba xaaladda aad ku sugan tahay. Warbixin ku saabsan dhammaan taageerada la heli karo waxay ku qoran yihiin liiska [Stöd A-Ö].

Taageero A-Ö