Taageerada hawsha iyo magdhawga horumarka
Marka aad tahay shaqo raadiye kana qayb-qaadato mid ka mid ah barnaamijyadayada waxaad lacag ka heli kartaa Qasnada Caymiska inta lagu jiro wakhtigan. Magdhabkan waxaa lagu magacaabaa taageerada hawsha ama magdhawga horumarka.
Sidee ayaan samaynayaa si aan u helo magdhab?
Marka lagaa diiwaan-geliyo mid ka mid ah barnaamijyadayada, waxaad magdhabid ka codsanaysaa Qasnada Caymiska. Waxaad codsanaysaa calaa bil oo ah ka dib. Waxaa ugu sahlan in laga codsado bogga intarnatka ee Qasnada Caymiska. Halkan ayaad xitaa ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan sida aad u codsanayso iyo goorta lacagtan la bixiyo.
Codso magdhabid laga helo Qasnada Caymiska
Maxaa shuriud u ah in la helo magdhabid?
Marka aad ka qayb-qaadanayso barnaamij waa muhiim inaad raacdo qorshaha aad si wada-jir ah noola samaysay. Tani waxay tahay tusaale ahaan inaad u baahantahay ka qayb-qaadashada hawlaha aynu ku heshiinay. Waxaa kale oo aad u baahantahay inaad fir-fircoonaato oo raadsato shaqo haddii tani ku jirto qorshahaaga.
Waxaad u baahantay inaad samayso warbixinta hawlahaaga bil kastaba oo soo sheegto haddii aad xanuusato.
Lacag intee leeg ayaan anigu helayaa?
Marka aad ka qayb-qaadato barnaamij waxaad helaysaa lacag go'an calaa maalin ugu badnaan shan maalmood toddobaadkiiba. Waxaad lacag ku helaysaa maalin kasta oo aad ka qayb qaadato barnaamijkaaga.
Magdhawgaaga calaa maalin waxay ku xirantahay sida da'daada iyo haddii aad buuxisay shuruuda qasnada lacagta shaqo la'aanta ama aanad buuxin. Dhanka Qasnada Caymiska bogeeda intarnatka ayaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan intay leegtahay lacagta aad helaysaa.