Lacagta meeleynta
Lacagta meeleynta waa mid la siiyo qofka ka qaybgala barnaamijka meeleynta.
Sidee ku dalban karaa lacagta meeleynta?
Isla marka aad hesho go’aanka barnaamijka meeleynta ayaad Försäkringskassan ka codsaneysaa lacagta meeleynta. Waxaa ugu sahlan inaad ka codsato barta internet ee Försäkringskassan. Waxaad kaloo halkaas ka akhrisan kartaa sidaad u codsaneyso iyo goorta lacagtaas laguu dirayo.
Waa maxay shuruudda ku xiran helitaanka lacagta meeleynta?
Marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamijka meeleynta waxaa muhiim ah inaad raacdo qorshaha aan kula dejinnay. Taasi waxay la micne tahay inaad ka qaybgasho hawlaha aan kugu la heshiinno. Waxaa kaloo lagaaga baahan yahay inaad si firfircoon shaqo u raadiso haddii ay qorshaha ka mid tahay.
Waxaa kaloo lagaaga baahan yahay inaad bil walba soo gudbiso waxa aad samayso oo aad soo sheegto haddii aad xanuunsato. Waa inaan annagu kuu oggolaannaa haddii aad u baahan tahay fasax.
Waa immisa lacagta la i siinayo?
Inta lagu jiro waqtiga baaritaanka waxaa lagu siinayaa 308 kr maalintii. Marka baaritaanku kuu dhammaado oo aan qorshe kula dejinno waxaa lagu siinayaa 231 kr maalintii. Waxaad kaloo xaq u yeelan kartaa lacago dheeraad ah oo kala duwan:
- Haddii haysato carruur waxaad xaq u yeelan kartaa lacag meeleyn oo dheeraad ah.
- Haddii aad keligaa nooshahay waxaad xaq u yeelan kartaa lacag kiro.
Försäkringskassan ayaa go’aamineysa lacagta aad qaadaneyso oo kuu xisaabinaya inta le’eg tahay lacagta aad xaq u yeelan karto. Waxaad barta internet ee Försäkringskassan ka akhrisan kartaa inta ay le’eg tahay lacagta aad xaq u yeelan karto.