Caymis iyo magdhawga dhaawaca markii aad ka qaybgalayso i barnaamij

Markii aad ka qaybgalayso barnaamijyada Xafiiska shaqada waxaa xaaladaha qaarkood ku khuseeya caymiska [person- och grupplivförsäkringar] ee [Kammarkollegiet] iyo [Statens Pensionsverk]. Caymiska ma hirgalo markii aad ka qaybgalayso taageerada hirgelinta dhaqdhaqaaq ganacsiyeed.

Qaban-qaabiyeha barnaamijka ayaa xitaa soo qoran kara arjiga magdhawga dhaawaca, waa haddii adiga aad sababtay dhacdada dhaawac ee shirkadda.

Caymiska dhaawac-shaqsiyeedka

Kammarkollegiet waxay go'aan ka gaartaa lacagta ku xiran "Heshiiska lacagta dhaawaca shakhsiga" (PSA). Caymisku wuxuu khaqeeyaa markaad ka qaybqaleyso barnaamijka siyaasadda suuqa shaqada, kaasoo lala xiriirinayo khatar gaar ah oo dhaawac shaqo ah. Booqo bogga intarneetka ee Kammarkollegiet haddii aad rabto in aad wax dheeri ah ka ogaatid caymiska dhaawaca shakhsiga ee shaqeynaya marka aad ka qaybqaadaneyso barnaamij uu kuu diray Xafiiska Shaqadu.

Kammarkollegiet.se

Dhacda dhaawaca waxaad nagu wargelin kartaa adigoo:

  • Buuxiya foomka ”Person i arbetsmarknadspolitiska åtgärder” kaasoo laga helo barta internetka ee hay`adda Kammarkollegiet.se.
  • Kaddib maamulka Xafiiska Shaqada ka codso in uu qaybtiisa foomka ka buuxiyo.
  • Waa in adiga iyo qaban-qaabiyeha foomka hoosta ka saxiixdaan.
  • Ku soo lifaaq caddaymaha kharashyada iyo qeexida dhammaan kharashyada dhaawaca xiriir la lahaa.
  • Foomka oo buuxsan iyo caddaymaha kharashyada u dir Hay’adda [Kammarkollegiet].

Qaban-qaabiyeha waa in sida hadba waafaqsan xeerarka dowliga ee ku xusan Sharciga Bay’adda Shaqada [Arbetsmiljölagen] iyo Hay’adda Bay’adda Shaqada waa in uu wargeliya Hay’adda Bay’adda Shaqada.

Caymis-kooxeed [Grupplivförsäkring]

Caymis-kooxeed [Grupplivförsäkring] wuu hirgala haddii aad geeriyooto.

Booqo barta internetka ee Hay’adda arrimaha hawlgabyada (Statens Pensionsverk) (spv.se)] Haddii aad u baahan tahay warbixin dheeraad oo ku saabsan Caymis-kooxeedka [Grupplivförsäkring], kaasoo hirgala markii aad ka qaybgalayso barnaamijyada Xafiiska Shaqada.

Magdhawga dhaawacyada

Haddii adiga aad dhaawaca sababto wuxuu qaban-qaabiyeha arjiga magdhawga dhaawaca u qoran karaa Xafiiska shaqada. Haddii aad aaminsan tahay in qaabka qaban-qaabiyeha u dhacdada u tilmaamay aynan sax ahayn, laf-ahaantaada Xafiiska shaqada ugu sheekeey dhacdada.