Lönebidrag

Haddii uu naafanimo awgeed karaankaaga shaqadu uu hooseeyo waxaad heli kartaa shaqo duruufahaaga la waafajiyay. Isla mar ahaantaas wuxuu shaqabixiyahaagu mushaarkaaga u heli karyaa kaalmo lacageed.

Waa maxay

Lönebidrag waa kaalmo lacageed oo loogu tala galay shaqabixiyaha iyadoo loo siinayo beddel ahaan si shaqabixiyuhu uu shaqada iyo goobta shaqada u waafajiyo duruufahaaga. Waxaa jira seddax nooc oo kaalmo lacageed oo mushaar ah:

  • Lönebidrag för utveckling i anställning – si aad u hormarisid kartidaada shaqo- iyo aqooneed iyo karaankaaga shaqada si aad si fudud ugu heshid shaqo ama aad mustaqbalka waxbarasho u billawdid.
  • Lönebidrag för trygghet i anställning – si kor loogu qaado fursadahaaga ku aaddan in aad heshid iyo in aad heysatid shaqo ku habboon kartidaada khibrad- iyo aqooneed iyo waxyaabaha rabbi kugu manneystay.
  • Lönebidrag för trygghet i anställning – ee laguugu tala galay adigaaga baahida u qaba taageero waqti dheer soconeysa si aad u heshid una haysatid.

Waxaad u shaqeyn kartaa shaqabixiyayaal shibil ah iyo kuwa dowladeed intaba. Waxaad noqon kartaa qof shaqadiisu joogto tahay ama haysta shaqo ku meel gaar ah, waxaadna shaqeyn kartaa waqti buuxa ama waqtiga qaarkiis.

Go’aanka ugu horreeya ee kaalmada lacageed ee mushaarku waxay ugu badnaan noqon kartaa hal sano. Haddii aad waqti dheer u baahantihid in baahidaada wax la waafajiyo waan dheereyn karnaa go’aanka. Waqtiga fog hadafku waa in shaqadaadu ay isu beddesho shaqo aan ahayn mid kaalmo lacageed shaqabixiyaha la siinayo.

Yaa loogu tala galay

Waad heli kartaa shaqo leh kaalmo lacageed oo xagga mushaarka ah haddii aad tihid qof shaqo raadis ah oo qaba naafanimo keeneysa hoos u dhac xagga karaanka shaqada ah. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Kahor inta aan go'aanka arrinta taageero-dhaqaaleedka mushaharka [lönebidrag] aan gaarin, waxaan ku dhaqaaqi doonaa qiimaynta fursadahaaga iyo xaaladda aad imminka ku sugan tahay.
  • Si wadajir ah ayaan adiga iyo shaqabixiyaha isula qiimeyneynaa in goobta shaqadu ay tahay mid habboon iyo in hawlaha shaqadu ay kugu habboonyihiin.
  • Waxaan adiga iyo shaqabixiyaha idinla qoraneynaa heshiis, waxaanna wada tashi la sameyneynaa ururka shaqaalaha. Heshiiska waa in ay ku qoranyihiin hawlaha shaqo ee laguu dhiibayo. Aqoon darsi, gacan-qabasho iyo shaqo waafajintu tusaale ahaan waa waxyaabaha ku jiri kara heshiiska.
  • Waxaan sameyneynaa qorshe ku aaddan sida aad kor ugu qaadi kartid karaankaaga shaqada iyo sida shaqabixiyuhu uusan waqtiga fog ugu baahan doonin wax kaalmo lacageed oo mushaar ah si uu kuu shaqaaleysiiyo.

Si joogto ah ayaan dib u eegis ugu sameyneynaa shaqada leh kaalmada lacageed ee mushaarka, waxaanna taageero u nahay adiga iyo shaqabixiyaha labadaba.

Mushaharka

Waxaad sida ku qoran heshiiska wadajirka ah xaq ugu leedahay mushaar iyo waxyaabo kale oo shaqaalaha faa’iido u ah oo faraca shaqada ku jira.

Shaqo-sugidda

Shaqo bixiyuhu wuxuu ballan qaadayaa in uu bixiyo faa’iidooyinka shaqada ee heshiiska guud.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah