Steg till arbete

Tallaabada shaqada (Steg till arbete) waxa loogu talogalay adiga oo leh naafo ama xanuun saameynaya fursadahaaga inaad shaqeysid ama wax baratid. Waxaad helaysaa fursad aad ku tijaabisid xirfadahaaga iyo goobo shaqo oo aad ka raadisid shaqo ku haboon awoodaada.

Waa maxay tallaabooyinka shaqadu?

Tallaabooyinka lagu shaqeynaayo, waxaad ka heli doontaa caawimo mid kamida shirkadahayaga. Waa inaad iskudaydaa waxa ku anfacaya xaalado shaqo oo kala duwan goobta dhismayaasha shirkada. Iyadoo oo lataliye shaqaaleysiin iyo dhakhtar shaqo kugu weheliyo, waxaad heli doontaa caawimada aad u baahan tahay.

Inta ugu badan, waa inaad iskudaydaa shaqada goobaha caadiga ah. Hadafku waa inaad heshid shaqo ama bilowdid waxbarasho.

Adigaaga ka qaybqaadanaya tallaabada xagga shaqada

filin
/

7 daqiiqado 19 ilbiriqsiyo

Halkan waxaad ku ogaanaysaa waxay tahay taageeradu iyo shuruudaha jira.

Yaa heli kara tallaabooyinka shaqada?

Tallaabada shaqada waxa loogu talogalay adiga oo leh naafo ama xanuun saameynaya fursadahaaga inaad shaqeysid ama wax baratid.

Waxaad u baahan tahay in lagaa diwaangaliyo Addeega Shaqaaleysiinta (Arbetsförmedlingen) si aad uga qeybgashid. Waxaad u baahan tahay inaad joogtid goobta oo waxa muhiima inaad firfircoonaatid.

Afarta qeybood ee tallaabooyinka shaqada

Tallaabooyinka shaqo waxay leeyihiin afar qeybood, laakiin uma baahnid dhammaan qeybaha. Waxaad awoodi kartaa inaad iskaga boodid qeybta 2. Markahoreba kadib dhowr todobaad waxa macquula inaad awoodid inaad iskudaydid shaqada.

Qeybta 1. Baahiyaha addeega, 3 todobaad.

Adiga iyo mid kamida shirkadahayaga ayaa raadin doona nooca caawimo ee aad u baahan tahay inta lagu jro wakhtiga aad leedahaya tallaabooyinka shaqada.

Qeybta 2. Khayraadka iyo baahiyaha caawmo, 5 todobaad.

Waxaad iskudayeysaa waxa si fiican kuugu shaqeynaya xaalado shaqo oo kala duwan. Waxaad ku sameynaysaa tani dhismayaasha shirkadaha. Hadafku waa inaad si fiican u fahamtid waxa aad ku fiican tahay iyo nooca caawimo ee aad u baahan tahay. Iyadoo oo lataliye shaqaaleysiin iyo dhakhtar shaqo kugu weheliyo, waxaad heli doontaa caawimada aad u baahan tahay.

Qeybta 3. Xooji oo horumari, 6 bilood.

Waxaad fursad u helaysaa inaad horumarisid adoo iskudayaya mid ama dhowr goob shaqood oo caadi ah. Hadafku waa inaad heshid xirfad kugu haboon una diyaar garowdid inaad codsatid shaqo.

Qeybta 4. Hel shaqo, 6 bilood.

Waa inaad heshaa goob shaqo ama waxbarasho kugu haboon. Shirkadu waxay kaa caawin doontaa midaasi haddii ay daruuri tahay. Waa inaad iskudaydaa inaad ka shaqeysid goob shaqo oo u baahan inay shaqaaleysiiso. Hadafku waa inaad heshid shaqo ama bilowdid waxbarasho.

Sidan ayey wax u dhacayaan.

Qeybta 1 Baahida tallaabada xagga shaqada

Marka aannu u aragno in tallaabada xagga shaqadu, ay noqon karto taageero adiga kugu habboon, ayaad hel-eysaa xiriirka qandaraaslaha ugu dhaw xaafaddaada. Qandaraaslaha ayaa eegaya taageerada aad u baahan-tahay si aan go'aan uga gaarno tallaabada xigta.

Qaybta 2. Eegidda baahidaada taageero

Haddii aad u baahantahay qaybta 2aad, waxaad isku dayi kartaa hawlo shaqo oo kala duwan oo ka jira goobaha qandaraaslaha si aad u ogaato waxa aad u baahan-tahay inaad horumariso oo aad xoojiso si aad u shaqeyso ama aad wax u barato. Hadafku waa inaad si weyn u fahanto kartidaada iyo xaddidaadahaaga xaaladaha kala duwan ee shaqada iyo waxyaaabaha wax kuu fududeyn kara goobta shaqada.

Qaybta 3. Xooji oo horumari

Qaybta 3aad, waxaad ku heleysaa hagitaan iyo caawimaad ku aaddan xoojinta iyo horumarinta awooddaada xagga shaqada ama waxbarashada. Waxa kale oo aad helaysaa shaqo-tijaabin ah. Ujeeddadu waa inaad hesho shaqo kugu habboon.

Qaybta 4. Shaqo helid

Wuxuu qandaraasluhu kaa caawinayaa inaad hesho shaqo ama waxbarasho kugu habboon. Xitaa qeybtan, waxaad sameyneysaa shaqo-tijaabin ah. Ujeeddadu waa inaad shaqo hesho ama aad waxbarasho billowdo.

Dib u eegis

Waxa aad wada hadal joogto ah la leedahay alaab-qeybiyaha (leverantören) ayaa la socda horumarkaaga iyo sida aad u malaynayso in hawluhu ay shaqaynayaan.

Wuxuu sidoo kale XafiiskaShaqadu la soconayaa sida ay wax kuugu socdaan si aad u hesho taageerada aad u baahan-tahay.

Gunno iyo shuruudo

Marka aad ka qaybqaadaneyso tallaabada xagga shaqada, waxaad ka qaybqaadaneysaa barnaamijka siyaasadda suuqa shaqada, waxaadna gunno ka dalban kartaa Qasnadda caymiska. Halkan hoose ayaad ka heleysaa linkiga macluumaadka dheeriga ah ee ku aaddan sida gunnada loo codsado iyo waxa ku khuseeya marka aad ka qaybqaadaneyso mid ka mid ah barnaamijyadayada.

Marka aad ka qayb qaadanayso barnaamij

Haddii aad xanuunsato ama hayso canug xanuusan

Haddii aad xanuunsato ama u baahato inaad guriga joogto si aad carruur u daryeesho, waxaad u baahan-tahay inaad taas ogeysiiso Xafiiska Shaqada iyo gacan hayahaaga qandaraaslaha labadaba. Waxaad u baahantahay inaad taas samayso si aad u hesho lacagtaada shaqo la’aanta (a-kassa) ama wixi kale ee gunno ah. Gacan-hayahaaga qandaraaslaha ayaa kugu wargelin doona sida aad iyo ugu wargelineyso maqnaashaha.

Halkan hoose ayaad ka heleysaa linkiyo ku aaddan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida aad Xafiiska shaqada ugu wargelin karto maqnaashaha.

Soo sheeg maqnaashada marka aad jirrantahay

Soo sheeg maqnaashada daryeelka ilmaha (VAB)

Ka warbixi hawlaha aad qabato

Bil kasta waa inaad Xafiiska shaqada u soo gudbisaa warbixinta wax-qabadka. Taasi waa muhiim si aad u hesho taageerada saxda ah ee jidka shaqada ama waxbarashada iyo si aad gunno uga hesho Qasnadda Caymiska. Linkigan hoose ayaad ka heleysaa xog dheeri ah oo ku saabsan sida loo gudbiyo warbixinta waxqabadka.

Soo gudbi warbixinta waxyaabaha aad qabato