Bidrag till hjälpmedel på arbetsplatsen

Waxaad heli kartaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya si aad shaqadaada u gudan kartid. Shaqabixiyahaagu sidoo kale wuu heli karaa kaalmo loogu tala galay qalab wax caawiya ama in baahidaada la waafajiyo goobtaada shaqada.

Waa maxay

Waxaad kaalmo u heli kartaa qalab wax caawiya oo goobta shaqada wax kuugu fududaynaya. Shaqabixiyahaagu sidoo kale wuu heli karaa kaalmo loogu tala galay qalab caawimaad, ama haddii qalab shaqo ama goobtaada shaqadu ay u baahantahay wax waafajin. Ulajeeddada kaalmada laga leeyahay waa in laguu fududeeyo in aad tusaale ahaan shaqo heshid ama haysatid, ka qeyb qaadatid barnaamij ama aad naga heshid taageero kale.

Waxaad kaalmo ahaan u heli kartaa ugu badnaan 100 000 oo koron sanadkiiba. Haddii ay jiraan sababo gaar ah waxaad heli kartaa lacag intaas ka badan. Shaqabixiyahaagu sidoo kale wuxuu heli karaa ugu badnaan 100 000 oo koron sanadkiiba.

Waxaad kaalmo heli kartaa inta lagu jiro 12 bilood ee shaqada ugu horreysa. Haddii aad shaqeysay in ka badan 12 bilood weli waad heli kartaa qalab wax caawiya, laakin markaas waa in aad la xiriirtaa Försäkringskassan.

Haddii aad shaqabixiye guud ka haysatid skyddat arbete hos en offentlig arbetsgivare ama aad ku shaqaaleysiisantihid lönebidrag waxaad kaalmo lacageed u heleysaa xitaa baahidii gadaal dambo ka soo baxda inta aad shaqaaleysiisantihid.

Skyddat arbete hos offentlig arbetsgivare

Lönebidrag

Yaa loogu tala galay

Waxaad kaalmo lacageed u heli kartaa qalab wax caawiya oo goobtaada shaqada la dhigo haddii aad qabtid naafanimo saameyneysa karaankaaga shaqada, aadna u baahantihid qalab wax caawiya si aad shaqadaada u fulin kartid. Waxay taasi ku khuseysaa haddii aad shaqaaleysantihid, haddii aad shirkad leedihid, haddii aad barnaamij ka qeyb qaadatid ama aad taageero kale naga heshid, ama aad iskool uga qeyb qaadatid jiheyn xagga nolosha shaqada ah.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Nala soo xiriir haddii aad u baahantihid qalab wax caawiya ama in goobtaada shaqada la waafajiyo baahidaada. Waxaan markaas sameyneynaa qiimeyn ku aaddan in ay tahay in kaalmo lagu siiyo.
  • Sidii codsigaaga aan ugu arrinsanno oona weli aadan isku qorin/iska diiwangelin Xafiiska Shaqada [Arbetsförmedlingen] waa inaad marka hore halkaan isku qortaa/iska diiwangelisaa.
  • Ogaw waa in codsigaaga la oggolaado inta aadan dalban qalab wax caawiya ama saxiixin heshiis soo kireysasho.
  • Lacagta kaalmada ah adiga ayaan kuu soo shubeynaa. Haddii aadan faatuurada qalabka wax caawiya bixin karin inta aadan helin lacagta kaalmada ah annaga ayaa faatuurada kaa dhiibi karna.
  • Haddii aad joojisid shaqadaada ama tababarka shaqada ee aad kaalmada lacageed ku heshay waxaa dhici karta in aad sii haysan kartid qalabka wax caawiya oo aad u qaadan kartid goob cusub oo shaqo.
  • Haddii aad bixisay macluumaad aan sax ahayn, ama haddii aadan isticmaalin qalabka wax caawinta ee aan ku heshiinnay waa in aad soo celisaa lacagti kaalmada ahayd.

Ceymis

Marka aad kaalmo lacageed u heshid qalab wax caawiya waa adiga cidda iska leh, mas’uulna ka ah in aad gelisid wixii ceymisyo ah ee laga yaabo in loo baahanyahay. Adiga ayaa sidoo kale mas’uul ka ah wixii dayactir iyo canshuurihi laga yaabo in ay jiraan. Laakinse haddii loo baahdo in wax qalab wax caawiyo ah la dayactirayo waxaad naga heli kartaa taageero.

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah