Förmedlingsinsatser

Dadaallada shaqa la raadintu waa barnaamij loogu talagalay adigaaga taageero uga baahan xagga shaqo raadinta ama waxbarasho bilaabista. Taageero ahaan, waxaad gacanhaye, ka heleysaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna. Si wadajir ah ayaad isula qorsheynaysaan hawlaha adiga kuu fiican.

Maxay yihiin dadaallada shaqa la raadintu?

Dadaallada shaqa la raadintu waa barnaamij aad uga qaybqaadaneysid hawlo loogu talagalay baahidaada. Hawluhu waxay ka dhacayaan dhinaca qandaraasle aannu annagu la baayactannay. Waa Xafiiska shaqada cidda qiimeyneysa inaad dadaallo shaqa la raadin iminka xaq u leedahay iyo in kale. Marka aan qiimeynta sameyneyno waxaan kaashaneynaa taageerada qiimaynta tirakoobka ku dhisan.

Sidan ayaan u samaynaa qiimayntayada

Yaa wax ka heli kara dadaallada shaqa la raadinta?

Si aad wax uga hesho dadaallada shaqa la raadinta, waa inaad shaqa doon ahaan uga diiwaan gashantahay Xafiiska shaqada, ugu yaraanna aad tahay 25 jir, aadna si buuxda bilaa shaqo u tahay. Xitaa haddii aadan buuxin 25 sano balse laxaadkaagu kala dhantaalanyahay kana qaybqaatay dadaallada saldhigashada ee loogu tala galay qaar ka mid ah soo galootiga ama aad tahay ugu yaraan 18 jir, muddo dheerna aad shaqa la'aan ahayd waad ka qaybqaadan kartaa.

Adigaaga ka qayb qaata dammaanad qaadka shaqada ee loogu tala galay dhallinyarada, dammaanad qaadka shaqada iyo horuumarinta ama barnaamijka saldhigashada wax waad ka qaybgeli kartaa sidoo kale dadaallada shaqa la raadinta. Markaas uma baahnid inaad 25 sano buuxisay ama aad si buuxda shaqo la'aan u tahay.

Sidan ayey wax u dhacayaan

Marka aad hesho go'aan ku saabsan dadaallada shaqa la raadinta, waxaad heli doontaa taageero la yiraahdo diyaargareyn iyo shaqa la raadin. Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta, waxaad caawimo uga helaysaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna. Adiga ayaa dooranaya qandaraaslaha aad rabto. Marka aad qandaraasle doorato, waxaad si wadajir ah u qorsheynaysaan hawlaha kaa caawin doona inaad si degdeg ah shaqo u hesho ama waxbarasho u bilawdo. Haddii aadan ku qanacsanayn kaalmada aad ka hesho qaadaraaslaha aad dooratay, waad beddeli kartaa. Nala soo xiriir haddii aad rabto inaad qandaraaslaha beddesho.

Diyaar-gareyn iyo shaqo la raadin

Ilaa intee bay soconayaan dadaallada shaqa la raadintu?

Dadaallada shaqa la raadintu caadi ahaan waa waqti buuxa, waxayna socdaan lix bilood. Haddii loo baahdo, waxaad ka qaybqaadan kartaa lix bilood oo kale, marka laysu geeyana laba iyo toban bilood. Mararka qaarkood waxaad ka qeyb qaadan kartaa waqti dhiman, tusaale ahaan haddii aad ku jirto fasax waalidnimo ama aad u xayirantahay si aan oggolnahay.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij