Sidan ayaan u qiimeyneynaa sida aad degdeg shaqo ugu heli kartid iyo taageerada aad u baahantahay
Marka aad isku qortid Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) waxaan qiimeyn ku sameyneynaa sida aad shaqo dhakhso ugu heli kartid iyo taageerada aad u baahantihid. Waxaan adeegsaneynaa tirakoob taageero qiimeyn ahaan. Waa maareyn ootomaatig ah oo lagu sameynayo macluumaadka shakhsiga ah, waxayna ku dhisantahay macluumaadkii aad noo soo gudbisay. Ulajeeddadu waa in lagaa caawiyo in aad shaqo u heshid sida ugu dhakhso badan ee suurta gal ah.
Taageerada qiimeynta ee tirakoobka ah
Waxa aad halka ka daawan kartaa filin gaaban oo sharraxaya sida ay shaqayso taageerada qiimeynta ee tirakoobka ah.
Muxuu yahay macluumaadka aan adeegsaneyno?
Waxaan marka aan si ootomaatig ah wax u qiimeyneyno adeegsaneynaa macluumaadka aad isku qortay iyo macluumaad kale oo adiga kugu saabsan oo nidaamkeenna ku jira. Waxay noqon karaan waqtiga is qorista, waxbarashada, da’da iyo duruufaha aagga aad deggantahay. Tusaale ahaan in aad waqti dheer ku qornaatid xafiiska shaqada ,wuxuu muujinayaa in aad ka fogtahay suuqa shaqada. Maareynta waxaa loogu yeeraa muujinta dhinacyada kala duduwan ee qofka, waxayna sharci ahaan ka dhigantahay in si ootomaatig ah maareyn loogu sameynayo macluumaadka qof ahaaneed si loo sameeyo qiimeyn, loona saadaaliyo sifooyin go’an oo qof ahaaneed.
Xafiiska shaqadu wuxuu xitaa macluumaad ka soo qaadan karayaa hey’ado kale oo dowladeed, tusaale ahaan Laanta socdaalka.
Baahida aad taageero u qabtid
Wuxuu Xafiiska shaqadu u arkaa in macluumaadkan ay yihiin kuwo iminka ku khuseeya si go’aan looga gaaro masaafada aad u jirtid suuqa dhaqada, sida aad degdeg shaqo ugu heli kartid iyo taageerada aad u baahantahay. Waxaan adeegsaneynaa taageeraha qiimeynta la xiriirta tirakoobka si go’aan looga gaaro in adeegga diyaarinta iyo wax la raadintu uu taageero sax ah ku siin karyo.
Seddax qeybood oo taageero
Taageeraha qiimeyntu wuxuu Xafiiska shaqada u soo jeedinayaa heerka taageero ee aad u baahantahay. Heerarku waa:
- Waxaa loo arkaa in aad baahi yar u qabtid taageero oo aad isku filantahay adigoo tusaale ahaan kaashanaya adeegyada dijitaalka ee Xafiiska shaqada.
- Waxaad u baahantahay taageero dheeraad ah si aad shaqo u heshid ama u billawdid waxbarasho.
- Waxaad u baahantahay taageero qoto dheer oo uu Xafiiska shaqadu sii baari doono.
Taageerada adiga kugu habboon
Xafiiska shaqadu wuxuu markaas ka dib sameynayaa qiimeyn, isagoo ka duulaya dhammaan xogaha aan kaa heyno iyo waxa uu taageeraha qiimeyntu soo jeediyo, wuxuuna dabadeed gaarayaa go’aan ku aaddan taageerada lagu siinayo, tan ay tahay.. Ulajeeddadu waa in aad hesho taageerada ugu wanaagsan ee suurta gal ah.
Waxyaabo laguu soo dirayo
Wuxuu xitaa Xafiiska shaqadu isticmaali doonaa xogahaaga shakhsiga ah si uu kuugu soo diro macluumaad aan u maleyneyno in aad daneyneysid oo ah kuwo khuseeyo shaqo raadintaada. Haddii aadan rabin in aad hesho wargeyska wararka cusub waad iska joojin kartaa in la soo diro.
Xeerarka sirta
Marka uu Xafiiska Shaqadu maareynayo macluumaad shakhsi ah, waxaannu raacnaa qaanuunka bannaanyaalnimada xogta dawladda iyo sirxejinta (2009:400). Hawlaha Xafiiska shaqada waxaa khuseeya xeerarka fasalka 28, qodobbada 11, 12 iyo 12a §§. Xeerarka sirtu nagama reebayaan inaan xog u gudbinno qandaraaslayaasheenna ama hey’adaha kale ee dowladda ee taas u baahan, tusaale ahaan Qasnadda ceymiska (Försäkringskassan), CSN-ta iyo aa-kaassayaasha Sweden (Sveriges a-kassor).