Rusta och matcha
Si aad uga qaybqaadato diyaargareyn iyo shaqa la raadin, waxaad marka hore u baahantahay in uu ku diro Xafiiska shaqadu. Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta waxaad ku dooranaysaa qandaraasle aad u malaynayso inuu ugu habboonyahay inuu kugu taageero sida ugu dhakhsaha badan ee aad ku heli lahayd shaqo ama waxbarasho. Marka aad qandaraasle doorato, waxaad heleysaa gacan haye ku caawin doona inta aad dadaalka ugu jirtid shaqo.
Sidan ayaad u dooraneysaa
Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta waxaad ku dooranaysaa qandaraasle ku taageeraya. Samey doorasho ku habboon baahiyahaaga.
Yaa loogu tala galay
Diyaargareyn iyo shaqa la raadin waa taageero loogu tala galay adigaaga muddo dheer ku qornaa Xafiiska shaqada kana/ama ka qaybgala mid ka mid ah barnaamijyada:
dammaanad-qaadka shaqada iyo horumarka
dammaanad-qaadka shaqada ee loogu talagalay dhallinyarada
Waa maxay
Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta qandaraaslayaasheenna ayaa taageero kugu siinaya, waana adiga cidda dooraneysa qandaraaslaha aad rabto. Marka aad doorato qandaraasle, waxaad caawimo ka helaysaa gacan haye u shaqeeya qandaraaslaha. Gacanhayaruhu wuxuu soo saarayaa hawlo gaar ah oo kugu habboon oo kaa caawinaya inaad si dhakhso leh u gaadho shaqo ama waxbarasho. Ugu yaraan labadii toddobaadba hal mar ayaad kulan horumarineed oo gaar ah la yeelaneysaa gacanhayahaaga.
Qandaraasluhu wuxuu qandaraaska dhexdiisa fursad ugu leeyahay in uu taageerada iyo hawlaha u qaabeeyo si ku salaysan baahiyahaaga iyo xaaladahaaga gaarka ah. Waxay taasi ku saabsanaan kartaa xiriirka lala yeesho shaqabixiye, shaqa helid iyo shaqa codsasho, xog ku saabsan fursadaha waxbarashada iyo hagitaan. Waxa kale oo aad ka heli kartaa taageerooyin sida baraaktiik, qiimaynta aqoonta xirfadeed ama ansaxinteeda haddii aan u aragno inay taasi xaq tahay. Diyaargareyn iyo shaqa la raadin waa lagu dhex wadi karaa SFI. Haddii aadan ku hadlin af Iswiidhish, waxaad qaybo hawlaha ka mid ah ku heli kartaa taageero luqaddaada ah.
Sidan ayey wax u dhacayaan
1. Xafiiska shaqada ayaa qiimeynaya, in la joogo waqtigii laguu diri lahaa diyaargareyn iyo shaqa la raadin iyo in kale
Marka aad nala leedahay wadahadallada xaalad la socoshada ayuu Xafiiska shaqadu qiimayn ku samaynayaa in la joogo waqtigii laguu diri lahaa diyaargareyn iyo shaqa la raadin iyo in kale. Marka aan qiimeynta sameyneyno waxaan kaashaneynaa taageerada qiimaynta tirakoobka ku dhisan. Haddii inta uu wadahadalku socdo laguu diro diyaargareyn iyo shaqa la raadin, waxaad u baahantahay in qandaraaslaha aad rabo noogu soo sheegto shan maalmood oo shaqo, gudahood.
Sidan ayaan ku samaynaa qiimayntayada
2_Adiga ayaa dooranaya qandaraaslaha diyaargareynta iyo shaqa la raadinta ee aad rabto
Dooro qandaraaslaha ku habboon baahiyahaaga. Waxaad raadin kartaa qandaraasle kasta waxa uu ku xeel dheeryahay, macluumaadka ku saabsan kuwa ku sugan agagaarkaaga, luqadda, aagaggooda takhasuska iyo xiriirrada ay la leeyihiin shaqa bixiyayaasha.
Marka aad qandaraasle doorato, waxaad u baahantahay in aad nala soo xiriirto oo aad na siiso lambarka KA-ga ee qandaraaslaha aad dooratay. Lambarka KA waxaad ka heleysaa magaca qandaraaslaha hoostiisa raadi qandaraasle. Halkii aad nagala soo xiriiri lahayd, waxaad xitaa nagu ogeysiin kartaa doorashadaada Bogaggayga.
Haddii aadan awoodin ama aadan rabin inaad doorato qandaraasle, waxaan kuu direynaa qandaraasle aadan adigu dooran. Waxaad markaas taageero ka heleysaa qandaraaslaha ugu dhow meesha aad deggantahay.
3. Marka aad qandaraasle doorato oo aad nala socodsiiso doorashadaada
Gacanhaye u shaqeeya qandaraaslaha diyaargareynta iyo shaqa la raadinta ayaa kula soo xiriiri doona si aad u yeelataan kulanka ugu horreeya. Si wada jir ah ayaad isula soo saareysaan qorshe horumarineed oo shaqsi ah oo ku saabsan sida ugu dhaqsaha badan aad ugu dhowaan karto shaqo ama aad u billaabi karto waxbarasho.
Waxaad ka qaybqaadanaysaa diyaargareynta iyo shaqa la raadinta muddo lix bilood ah, ka dib waxaan qiimeyneynaa sida ay wax u dhaceen. Haddii loo baahdo, waxaad ka qaybqaadan kartaa lix bilood oo kale, marka laysu geeyo waa laba iyo toban bilood.
Haddii aadan ku qanacsaneyn caawimaada aad hesho waad iska joojin kartaa qandaraaslaha. Annaga Xafiiska shaqada ahaan nala soo xiriir haddii aad rabto in aad iska beddesho.
Diyaargareynta iyo shaqa la raadintu waa in qofkii u baahan uu u qabtaa turjumaan luqadda dhagoolayaasha ah iyo turjumaan qoraal ah.
Gunnooyinka iyo shuruudaha
Marka taageeradan lagu siinayo waxaad ka qeyb qaadataa barnaamij, waxaadna gunno ka codsan kartaa Qasnadda ceymiska. Halkan waxaan kuugu sheegeynaa sida aad gunnada u dalban karto, waxa ku khuseeya marka aad Xafiiska shaqada ku qorantahay iyo marka aad barnaamijyadeenna ka qeyb qaadaneyso.
Markii aad ka qaybgalayso barnaamij
Su'aalo iyo jawaabo caadi ah
Halkan waxaad ka heleysaa su’aalaha caadiga ah oo ku aaddan diyaargareynta iyo shaqa la raadinta.