Yrkesintroduktion för teckenspråkiga

Xirfad baridda dadka ku hadla luqadda dhagoolayaasha waxaa loogu talagalay dadka ku hadla luqadda dhagoolayaasha ee taageerada u baahan si ay ugu dhawaadaan suuqa shaqada. Hadafku waa inaad shaqo hesho, shirkad furato ama bilowdo waxbarasho.

Waa maxay

Inta ay socoto xirfad bariddu, waxaad samaynaysaa layliyo farsamo, tababbar xariifnimo iyo waxqabadyo goobta shaqada ah. Waxaa lagu dhex wadayaa waxbarasho wax akhrin ah iyo shaqada raadin.

Qaybta waxbarashada ee wax akhrinta ahi waxay ka koobantahay muxaadarooyin iyo hagitaan uu bixinayo mid ka mid ah qandaraaslayaasheennu. Keli wax akhrisasho, booqasho waxbarasho, muxaa-darooyin iyo kulamo warbixineed oo lala yeelanayo dhinacyo kale waa ay ku jiraan sidoo kale.

Waxaan waxa ku jira waafajinaynaa baahiyahaaga iyo duruufahaaga gaarka ah.

Yaa loogu talagalay

Xirfad baridda dadka ku hadla luqadda dhaqoolayaasha waxaa loogu talagalay adigaaga dhagoolka ah ama qaba dhaawac culus oo xagga maqalka ah. Waxaad ku hadashaa luqadda dhagoolayaasha ee Iswidhishka. Waxaad u baahantahay dadaallo kugu habboon si aad u hesho shaqo, shirkad u furato ama waxbarasho u billowdo.

Sidan ayey wax u shaqeeyaan

  • Waa annaga ah Xafiiska Shaqada cidda qiimeyneysa in xirfad bariddda loogu talagalay dadka ku hadla luqadda dhegoolayaashu ay kugu habboon tahay iyo in kale.
  • Waad isla wadan kartaa xirfad baridda iyo Iswiidhishka loogu talagalay soo-galootiga, sfi ama luqadda dhegoolayaasha ee soo galootid, tfi.
  • Qandaraaslayaal kala duduwan ayaa waddanka ka bixiya xirfad baridda loogu talagalay dadka ku hadla luqadda dhegoolayaasha waxaana laga helaa meelo badan: Stockholm, Göteborg, Malmö iyo Örebro.
  • Qaybaha qaarkood waxa lagu samayn karaa distans ka dib marka lagala heshiiyo Xafiiska Shaqada.
  • Qayb weyn oo ka mid ah shaqa bariddu waxay ka dhacaysaa goob shaqo.
  • Waxaad ka qaybqaadaneysaa ilaa iyo 84 toddobaad. Waxaan ka duuleynaa inaad ka qaybqaadaneyso waqti buuxa, laakiin sidoo kale wax waan waafin karnaa baahidaada gaarka ah.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah