Yrkesintroduktion för personer med synnedsättning
Haddii laxaadkaaga araggu uu dhantaalanyahay ama uu hooseeyo, waxaad suuqa shaqada ku geli kartaa waxqabad la waafajiyey baahiyahaaga iyo duruufahaaga gaarka ah.
Waa maxay xirfad baridda dadka naafada ka ah aragga?
Waxqabadka xirfad baridda dadka naafada ka ah araggu, wuxuu kaalmaynayaa fursadaahaga aad shaqo ku helayso. Nuxurka waxqabadku wuxuu fursad kuu siinayaa
- shaqo uga hesho aagga aad deggantahay iyo waxyaabaha aad xirfadda u leedahay
- In aad bilawdo waxbarasho, tusaale ahaan waxbarashada dadka waaweyn, jaamacadda xirfadaha ama mid ka mid ah waxbarashooyinka xirfadaha ee uu Xafiiska shaqadu iibsado
- In aad sameysato shirkad sidii ganacsade ahaan
Waxqabadku wuxuu ka koobanyahay afar qaybood. Qaybta koowaad waxaad ku helaysaa warbixin ku saabsan nuxurka waxqabadka iyo sida loo waafajin karo baahidaada. Qaybta labaad waa qayb la dooran karo oo waxay ku saabsantahay in dadka debedaha ku dhashay loo jiheeyo nolosha shaqo iyo dhaqanka goobta shaqada ee Iswiidhan. Qaybta saddexaad waa in aad hesho jiho xirfadeed oo kugu habboon. Haddii loo arko in aad awood u leedahay waxbarasho ama shaqo, waxaad u gudbaysaa qaybta afraad. Halkaas waxaad ku heli waaya-aragnimo shaqo oo aad ku tababarato, waxaanannu fiirin doonnaa wixii aad u baahantahay ka hor shaqada ama waxbarashada.
Yaa heli kara Xirfad-barashada dadka naafada ka ah indhaha?
Xirfad baridda dadka naafada ka ah indhaha, waa waxqabad laguugu talagalay adigaaga bilaa shaqada ah ama halis ugu jira in aad bilaa shaqo noqoto. Waxaad u baahantahay in aad noogu diiwaangashanaato shaqo-doon. Sidoo kale waa in aad qabto dhaawaca xagga aragga ah ama indho-darraan la diiwaangeliyey oo ka dhigan in aad u baahan waxqabad kugu habboon si aad shaqo u heli karto.
Sidan ayey wax u shaqeeyaan
- Waa annaga oo ah Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) cidda qiimaynaysa in xirfad baridda dadka naafada ka ah aragga ay tahay waxqabad kugu habboon.
- Waxqabadka waxaad ku dhinac wadi kartaa Af iswidhishka loogu talagalay soogalootiga (SFI).
- Waxqabadkan waxaa bixiya shirkado kala duwan oo ka jira dalka, waxaana si rasmi ah looga helaa gobolka Stockholm, gobolka Västra Götaland iyo gobolka Skåne.
- Qayb badan oo waxqabadka ka mid ahi wuxuu ka dhacaa goob shaqo laakiin waxaa sidoo kale lagaga qaybgeli karaa fogaan-ku-barasho.
- Ilaa boqolkiiba 50 wakhtiga ka mid ah waxaad si madaxbannaan ugu shaqaynaysaa shaqo-guri.
- Waxbarashada waxaad qaybqaadanaysaa ilaa 84 toddobaad.
Gunno iyo shuruudo
Marka aad ka qaybqaadanayso waxqabadkan, waxaad ku jirtaa barnaamij, waxaanad lacag ka codsan kartaa hay’adda Qasnadda caymiska (Försäkringskassan). Bogga, Markii aad ka qaybgalayso barnaami, waxaannu kaga warramaynaa sida aad u dalbanayso lacagta iyo waxa ku quseeya marka aad ka diiwaangashantahay Xafiiska Shaqada ee aad ka qaybqaadanayso barnaamij ka mid ah barnaamijyadayada.
Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta
Nala soo xiriir
Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.
Qiimeyn
Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.
Go’aan
Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.