Marka aad noo soo dirayso caddaymaha caafimaad
Xafiiska Shaqadu (Arbetsförmedlingen) wuxuu kaa dalban karaa caddaymo caafimaad haddii aad qabto laxaad kala dhantaalan ama caafimaaddarro saamayn kugu leh marka aad shaqaynayso ama aad shaqo raadsanayso. Caddaymuhu waa noo muhiim marka aannu go’aan ka qaadanayno taageerada aad nooga baahan tahay.
Maxaa loo adeegsanayaa caddaynta caafimaad?
Si aannu kuugu caawin karno sida ugu wanaagsan, waxaannu u baahannahay sawir dhammaystiran oo ku saabsan baahiyahaaga. Sidaa darteed, wada hadal aannu kula yeelanayno ayaanu ku ogaanaynaa waxa aad ku fiicantahay iyo waxa aad qaban karto, iyo weliba caqabadaha iyo dhibaatooyinka la xiriira shaqada ama goobtaada shaqada. Caddaymaha caadimaad waa qayb ka mid ah qaybo badan oo ku jira qiimaynta guud ee aannu kula samaynayno waana noo muhiim marka aannu go’aan ka qaadanayno taageerada aad baahan tahay ee aad naga heli karto.
Taageerada aad heli karto marka aad qabto laxaad kala dhantaalan iyo caafimaaddarro
Waa maxay caddaymaha caafimaad?
Caddaymaha caafimaad waxay noqon karaan noocyo kala duwan oo caddayn dhakhtar ah, shaybaadh caafimaad ama faallo ka timid caafimaadka. Tusaale ahaan waa faallo diktoor, warbixin caafimaad ama baaritaan caafimaadka nafsiga ah. Waxa kale oo ay noqon kartaa caddayn ka timid iskulka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ama iskuulka baahiya la waafajiyey.
Sidan ayaad u diraysaa caddayntaada
Waxaad kaliya u baahan tahay inaad soo dirto dhokumantiyada taageeraya haddii aad nalasoo xidhiidhay oo aan ka heshiinay. Kusoo dir cinwaanka boosta lagu siiyay, ama gacanta ugu keen xafiiska Xarunta Adeega Dawlada (Statens servicecenter).
Hel xafiis adeeg (statenssc.se)
Marka aannu helno caddaymahaaga, waannu iskaan-garayn doonnaa oo kaydin doonnaa. Caddaymaha looma gudbin doono shaqabixiyaha marnaba, ee gacanhayaha arrintaada maamulaya uun baa arki kara caddaynta.