Arbetsträning

Ma u baahantahay in aad tijaabisid in aad shaqo billawdid ama dib ugu laabatid shaqo? Haddii ay sidaas tahay, tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara adiga. Inta uu socdo tababarka shaqadu waxaad joogi kartaa goob shaqo oo waxaad ka qeyb qaadan kartaa hawsha iyadoo lagu gacan qabanayo.

Maxaa

Tababar shaqo wuxuu ka dhiganyahay in aad muddo waqti ah joogi kari doontid goob shaqo, aadna hawl ka qeyb qaadan doontid. Waxaad fursad u heleysaa in aad qabatid hawlo shaqo iyadoo lagu gacan qabanayo, aanna wax soo saar lagaa dalbeynin. Waxay taasi ku saabsanaan kartaa in aad ka qeyb qaadatid xaalad shaqo , tusaale ahaan in aad saaxibbo shaqo waqti la qaadatid. Waxaad sidoo kale baran doontaa shuruudaha iyo waxyaabaha leeska rejeynayo goobaha shaqada. Tababarka shaqada waxaad ka heli kartaa khibrad iyo dad wax lagaa weydiiyo oo kuu fududeyn kara in aad shaqo heshid.

Inta uu soconayo tababarka shaqadu wey kala duduwantahay iyadoo taasi ku xiran barnaamijka aad ka qeyb qaadaneysid. Adigaaga ka qeyb qaadanaya damaanad qaadka shaqada ee dhallinyarada waxaad tababar shaqo qaadan kartaa ilaa iyo 3 bilood. Ka qeyb qaatayaasha barnaamijka saldhigashada iyo damaanad qaadka shaqada- iyo horuumarku waxay tababar shaqo qaadan karaan ilaa iyo 6 bilood. Adigaaga waqti dheer ka qeyb qaadatay damaanad qaadka shaqada- iyo horuumarka waxaa waqtiga laguu kordhiyay ilaa iyo ugu badnaan 12 bilood.

Yaa loogu tala galay

Tababar shaqo waxaa loogu tala galay adigaaga ka qeyb qaadanaya damaanad qaadka shaqada- iyo horuumarka, damaanad qaadka shaqada ee dhallinyarada ama barnaamijka saldhigashada.

Sidan ayey wax u shaqeeyaan

  • Nala soo xiriir haddii aad daneyneysid tababar shaqo. Si wadajir ah ayaan isula meel dhigeynaa goobta shaqada ee kuugu habboone.
  • Shaqa bixiyaha ayaa kuu dooraya gacan qabte goobta shaqada kugu caawinaya.
  • Inta aadan billaabin tababarkaaga shaqada waxaan adiga, shaqa bixiyaha iyo gacan qataha idinla gaareynaa heshiis. Markaas waxaan tusaale ahaan ka heshiineynaa taageerada aad u baahantihid, hawlaha shaqada ee aad qabaneysid, waqityadaada shaqada iyo ilaa inta aad ka qeyb qaadaneysid tababarka shaqada.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.