Starta eget, stöd till start av näringsverksamhet
Adigaaga shaqaraadiska ah ee fursad wanaagsan u leh in aad shirkad yeelato, waxaad heli kartaa kaalmada bilaabidda shirkad aad gaar u leedahay, taas oo aannu ku magacowno taageerada bilawga dhaqdhaqaaq ganacsi. Taageerada waxaa la bixiyaa 6 bilood ama 10 bilood haddii aad qabto naafo.
Waa maxay
Taageero-dhaqaaleedka bilaabista dhaqdhaqaaqa ganacsiga waxaa loogu talagalay qofka rabo in u shirkad aasaaso ama dad kale la wada aasaaso. Mala-awaalka taageerada lagu helo waxaa weeyaan, in fikradda ganacsiga ay leedahay mala-awaal heer sare ah oo miro dhaliso, taasoo muddo kaddib ku noolan karto dhaqaale ahaan. Taageero laguma siin karo haddii laanta ganacsiga aad ku talo jirto inaad ka ganacsato, si fudud aan lagu heli karin shaqaale karti-xirfadeed leh.
Yaa loogu tala galay
Waxaa loo baahanyahay in aad shaqa-doon ahaan agteenna ugu qorantahay.
Waxaad sidoo kale u baahantahay in aad buuxisid waxyaabaha soo socda si aad u heshid kaalmo shirkad sameysasho, (taageero loogu tala galay ganacsi furasho):
- Waa in aad buuxisay 18 sano.
- Waxa aad raadisay shaqo, kumana aad guulaysan
- Waa in aysan wax deynn ah kaaga qornayn Hey’adda fulinta dalabaadka deymaha, aadanna lahayn calaamad deyn iska bixis la’aaneed.
- Waa in aad tahay shaqo la’aan ama aad taas khatar ugu jirtid. Shuruudahaas lagaama rabo adigaaga deggan qaar ka mid degmooyinka aan dadka badneyn ee Woqooyiga iyo Bartamaha Iswiidhan.
- Waa in aad haysatid fikrad ganacsi, kuna fikireysid in aad shirkad sameysatid. Waa in aadan hawlaha shirkad sameysiga billaabin inta aadan taageerada codsan.
- Waa in aadan horbaba shirkad lahayn, madax ka ahayn, ku jirin guddi shirkadeed ama aadan saxiixe shirkad u ahayn. Haddii aad horay shirkad u lahayd waa in la baabi’iyey ugu yaraan hal sano ka hor.
Xitaa haddii aad buuxisay shuruudaha aasaasiga ah waa in marka hore uu ku eego, oggolaashana ku siiyo Xafiiska shaqadu si aad taageerada u heshid. Oggolaashadu waxay ku xirantahay sida aan u aragno aragtidaada ganacsiga, sida uu u muuqdo suuqa shaqada ee waxa aad rabtid in aad ku mashquushid iyo meesha aad rabtid in aad waddanka rabtid in aad shirkad ka sameysid. Waxyaabahaas waa kala duduwanaan karaan waqtiba waqtiga kale.
Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan
Haddii adiga iyo shaqaalaha xafiiska shaqadu aad isla garataan in ay habboontahay in aad shirkad furatid waxaa markaas lagaa dalbi doonaa in aad qortid qorshe ganacsi oo aad ku sharraxeysid fikirkaaga ganacsiga iyo in aad soo saartid miisaaniyad ku aaddan dhaqaalahaaga shirkadda.
Marka ay taasi dhammaato waxaa qorshaha ganacsiga loo dirayaa mid ka mid ah qandaraaslayaasheenna oo qiimeyn ku sameynaya in uu qorshahaaga ganacsigu shaqeynayo iyo in kale, haddii la oggolaadana waxaa laguu oggolaanayaa taageero shirkad sameysasho. Taageerada waxaa la bixiyaa 6 bilood ama 10 bilood haddii aad qabto naafo.
Waxaad sidoo kale, ka hor iyo inta lagu jiro xilliga barnaamijka, heli kartaa taageero iyo la-talin ku aaddan arrimo gaara iyo dhibaatooyinka shirkaddaada qandaraaska lala galay. Waan la soconeynaa shirkaddaada ugu yaraan hal mar inta lagu jiro xilliga barnaamijka.
Haddii aadan hubin sida aad u qori kartid qorshe ganacsi ama miisaaniyad u soo saari kartid, aadna u baahantahay macluumaad ku aaddan xisaabaadka, canshuurta, heshiisyada iyo suuqgeynta, waxaan ku siin karnaa waxbarasho arrimahaas ku aaddan.
Gunnooyinka iyo shuruudaha
Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.
Markii aad ka qaybgalayso barnaamij
Su´aalaha caadi ahaan lays waydiiyo iyo jawaabtooda
Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta
Nala soo xiriir
Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.
Qiimeyn
Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.
Go’aan
Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.