Svenska för invandrare, sfi

Waxbarashada swiidhishka loogu talagalay ajaanibta waxaad adigaaga Swiidhan ku cusubi ku baraneysaa aqoonta aasaasiga ah ee afka swiidhishka. Waa degmada aad ku diiwaangashantahay cidda waxbarashada bixineysa.

Waa maxay

Swiidhishka loogu tala galay ajaaniibtu waa waxbarasho luqadeed oo loogu tala galay adigaaga Swiidhan ku cusub ee aan swiidhishka aqoonnin. Waxaad halkaas ku baraneysaa ku hadlidda, akhriska iyo qorista af-swiidhishka iyo inaad tababar ku samayso isticmaalka swiidhishka caadiga iyo kan xirfadaha. Ulajeeddadu waa in aad heshaa aqoon aasaasi ah oo luqadda swiidhishka ah. Waxbarashadu waxay jirtaa iyadoo heerar kala duduwan ah si ay dadka oo dhan ugu habboonaato.

Waxaad dhigan kartaa waqti buuxa iyo waqtiga qaarkiis. Waxaad badanaa waxbarashada ku barbar wadan kartaa shaqo ama waxbarasho kale. Waxbarashada ka dib waxaad heleysaa shahaaddo.

Yaa loogu tala galay

Swiidhishka loogu tala galay ajaanibta waxaa loogu tala galay adigaaga uusan swiidhishku afka hooyo kuu ahayn ee u baahan in aad swiidhishka u yeelatid aqoon aasaasi ah. Waxaad u baahantahay in aad buuxisid waxyaabaha soo socda:

  • waa in aad heysataa sharci degganaasho
  • waa in aad degmo ku diiwangashantihid
  • Waa in aad buuxisay 16 sano.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

Waa degmadaada cidda kugu casuumeysa dhigashada swiidhishka loogu tala galay ajaanibta. Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah kala xiriir degmadaada.

Degmooyinka – SKL Kommuner

Barta intarneetka ee Skolverket-ka ayaad ka akhrisan kartaa wixii dheeraad ah ee ku aaddan cidda xaqa u leh in ay dhigato swiidhishka loogu tala galay ajaanibta iyo sida leesugu qaato.

Skolverket - Rätt till, behörighet och antagning för sfi

Haddii aad ka qeyb qaadatid etableringsprogrammet swiidhishka loogu tala galay ajaaniibtu wuxuu ka mid yahay hawlaha waxqabashada ee barnaamijka.