Studiestöd för utbildning på grundskole- och gymnasienivå

Shaqooyinka badankoodu waxay shuruud ka dhigaan inaad haysato waxbarashada dugsiga hoose-dhexe. Si aad u kordhiso fursadahaaga shaqo waxay ku saabsanaan kartaa waxbarasho xirfad ama waxbarasho dugsi sare. Iyadoo aad dhankayaga ama hey’addaha dawladeed ee kale u marayso waxaad heli kartaa taageerada inaad wax barato.

Wax ku baro lacagta waxbarashada

Lacagta waxbarasho waa kaalmo iyo deyn loogu talogalay waxbarashada lagana helo CSN. Waxay ahaan kartaa waxbarashooyinka dhanka waxbarashada dadka waaweyn, dugsiyada dadka waaweyn ee shacbiga ah, machadka xirfadda, jaamicad ama jaamicad sare iyo qaar ka mid ah waxbarashooyin lagu qaato dalka dibediisa. Mararka qaarkood waxaad xitaa

CSN ka heli kartaa kaalmo sareysa si aad u barato waxbarasho dugsi sare. Kaalmada sareysa waxa micnaheedu yahay in aanad u baahnayn inaad qaadato amaah badan. Dhanka bogga intarnatka ee CSN ayaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan waxa ansaxa ah.

CSN - Taageerada

CSN - Kaalmada sareysa ee waxbarashooyinka qaarkood

Taageerada waxbarashada isbeddelidda

Taageero ku saabsan waxbarashada isbeddelka oo laga helo CSN-tu, waxay khusaysaa adigaaga shaqeeya ama dhawaan noqday shaqo la'aan ee raba inaad waxbarato si aad u ballaariso xirfadahaaga oo aad soo jiidasho dheeri ah ugu yeelato suuqa shaqada.

Taageerada waxbarashada isbeddelku waxay ka koobantahay ilaa iyo 80 boqolkiiba mushaharkaaga, ilaa iyo xad lacageed oo go'an. Haddii aad rabto amaah waad ku kabi kartaa deeqda. Si aad u hesho taageerada waxbarashada isbeddelka, waa inaad buuxisaa shuruudaha qaarkood, tusaale ahaan waa inaad shaqeysay ugu yaraan 12 bilood oo ka mid ah 24-tii bilood ee la soo dhaafay, ka hor intuusan CSN-ta soo gaarin codsiga taageeradu.

CSN - Taageerada waxbarashada isbeddelka (csn.se)

Wax ku baro taageerada bilaabida waxbarasho

Taageerada bilaabida waxbarasho waa kaalmo ay dadka bilaa shaqada ah qaarkood ka heli karaan CSN-ta si ay wax u bartaan oo ay tani ku kordhiyaan fursadahooda inay helaan shaqo. Taageerida bilaabida waxbarasho waxay ka koobantahay oo keliya kaalmo, taas oo micnaheedu tahay in adigu aanad u baahnayn inaad qaadato deyn. Waa suurtagal in taageerada bilaabida waxbarasho lagu qaato waxbarashooyinka dhanka dadka waaweyn ee heer dugsi sare iyo heer dugsi hoose-dhexe ama dhanka koorso guud oo ah dugsiga dadka waaweyn ee shacbiga ah. Adigu waxaad heli kartaa taageerada bilaabida waxbarasho ilaa iyo 50 isbuuc haddii aad wax baratid wakhti buuxa iyo 100 isbuuc haddii aad wax baratid nus ahaan.

Si aad u hesho taageerada bilaabida waxbarasho waa inaad

  • tahay inta u dhaxaysa 25 iyo 60 sanno
  • leedahay waxbarasho hore oo gaaban
  • baahi weyn u qabtaa waxbarasho heer dugsi hoose-dhexe ama dugsi sare si aad u hesho shaqo
  • aad bilaa shaqo ahayd ama ka soo qayb-qaadatay barnaamij ka tirsan Xafiiska Shaqada wakhti ah isu geyn ugu yaraan lix bilood muddo ah laba iyo toban bilood ka hor xilliga codsigan ama waxbarashadan bilaabmayso
  • aanad taageero waxbarasho ka qaadan CSN saddexdi sano ee ugu dambeysay.

Ka hor intaanad codsan taageerada bilaabida waxbarasho waxaad la kulmeysaa hagaha waxbarashada iyo xirfada ee degmada. Si wada-jir ah ayaad u dejinaysaan qorshaha dhanka waxbarashadaada oo ka wada hadlaysaan nooca kaalmo iyo deyn ee adiga ku khuseyn kara. Haddii aad ku heshiisaan in taageerada bilaabida waxbarasho ay adigu sax kugu tahay markaas ayaad samaynaysaan codsigan.

Waxaad wixi dheeraad ah ee ansax ah ka akhrin kartaa CSN bogeeda intarnatka.

CSN iyo taageerada waxbarasho

Wax baro adigoo taageero ka helaya Xafiiska Shaqada

Adigu waxaad heli kartaa taageerada dhaqaale ee hawalaha ama gunnada horumarinta muddo ah ugu badnaan 12 bilood inta aad wax baranayso. Waxay ahaan kartaa in la barto waxbarasho buuxda ama la bilaabo waxbarashadan oo wadata taageerada dhaqaale ee hawlaha si hadhow wax aad ugu barato lacagta waxbarasho. Waa Xafiiska Shaqada kuwa samaynaya qiimeynta ku saabsan in aad wax ku baran karto tageerada dhaqaale ee hawlaha si aad ugu dhawaato shaqo helid.

Si wax loogu barto iyadoo la helayo taageerada dhaqaale ee hawlaha ama gunnada horumarinta waa inaad ka diiwaan-gashantahay Xafiiska Shaqada oo aad si buuxda u tahay bilaa shaqo ama in aad ka qaybqaadato damaanad qaadka shaqada iyo horumarinta. Haddii aad ka qaybqaadato damaanad qaadka shaqada ee dhallinyarada markaas wax ma ku baran kartid taageerada dhaqaale ee hawlaha marka laga reebo haddii aad baratid sfi dhanka damaanad qaadka shaqada. Haddii aad ka tirsantahay barnaamijka saldhigashada waxaad wax ku baranaysaa gunnada saldhigashada oo baddel u ah taageerada dhaqaale ee hawlaha.

Waxbarasho lagu qaato taageerada dhaqaale ee hawlaha waad heli kartaa haddii aad wax ka baratid:

  • waxbarashada dadka waaweyn ee degmada oo ah heer dugsi sare
  • waxbarashada dadka waaweyn ee degmada oo ah heer dugsi hoose-dhexe
  • koorsooyinka guud ee kulliyadaha dadka waaweyn ee shacbiga
  • sfi, tusaale ahaan lagu dhex wado qaybo kale oo ka mid ah waxbarashada dadka waaweyn
  • waxbarashada dadka waaweyn ee degmada oo ah waxbarasho gaar ah, micnihii waxbarashada dadka waaweyn ee loogu talogalay adigaaga leh dhibaato horumarka garaadka ah.

Waxbarasho lagu qaato taageerada dhaqaale ee hawlaha micnaheedu waa in aad gasho waxbarasho xirfadeed, barato Iswiidhishka oo luuqad labaad ahaan ah ama wax u baranayso helitaanka shahaado dugsi sare, tusaale ahaan haddii aanad soo dhamaysan dugsiga sare. Waxaa kale oo ay ahaan kartaa haddii aad koorso guud ka barato kulliyadaha dadka waaweyn ee shacbiga ama dhigato maado ah heerka dugsiga hoose-dhexe ee dhanka waxbarashada dadka waaweyn.

Haddii aad ka qaybqaadato damaanad qaadka shaqada iyo horumarka waxaad xitaa wax baran kartaa adigoo qaata taageerada dhaqaale ee hawlaha dhinaca jaamicada xirfada, jaamicad, jaamicad sare ama waxbarashooyinka ka dambeeya dugsiga sare ee kulliyadaha dadka waaweyn ee shacbiga.

Koorsooyin dhiiri-gelin iyo jiheyn ah

Waxaa jira dhowr qaab oo aad isu diyaarin kartid ka hor waxbarasho. Laga yaabee in aanad haysan shahaado gaar ah ama aanad garanayn nooca waxbarasho ee ay tahay inaad qaadato. Ama aanad hubin inaad doonayso ama ka soo bixi karto inaad wax barato. Xafiiska Shaqadu wuxuu leeyahay koorsooyin badan oo dhiiri-gelin iyo jiheyn ah kuwaas oo ku caawin kara.

Waxaa jira dhowr ah koorsooyin dhiiri-gelin iyo is diyaarin oo aad tegi karto iyadoo loo marayo dhanka Xafiiska Shaqada si aad isu sii diyaariso ka hor waxbarasho. Waa kuwan dhowr tusaale:

  • Koorsada sal dhigashada ee dugsiga dadka waaweyn ee shacbiga ah. Loogu talogalay adigaa ku jira barnaamijka sal dhigashada. Waxaad baranaysaa luqada Iswiidhishka, badanaaba iyadoo lagu darayo booqashooyin waxbarasho, tababar goob shaqo iyo hawlo kale oo kuu diyaarinaya inaad sii wadato waxbarasho ama shaqo.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah