Studiemotiverande kurs på folkhögskola

Tijaabin in aad wax dhigatid, wax ka ogaw awoodahaaga ku wada, helna waddo waxbarasho oo horay kuu geyneysa waxbarasho ama shaqo. Hawlaha wax qabashada ee ku aaddan in niyad u yeelidda, tababarashada farsamada wax dhigashada iyo in nuxurka diiradda la saaro waxaad ku noqoneysaa qof si fiican ugu diyaarsan in uu waxbarasho sii wato. Waxay taasi kordhineysaa fursadahaaga xagga shaqada.

Waa maxay

Studiemotiverande kurs på folkhögskola waxay kaa dhigi kartaa in aad niyad u yeelatid in aad billawdid waxbarasho, ama aad dib u billawdid tii aad horay u joojisay. Koorsadu waxay tusaale ahaan ka koobantahay tababar xagga farsamada wax dhigashada ah, waxayna diiradda saareysaa maaddooyinka nuxurka ah ee cilmiga bulshada, ingiriiska, swiidhishka iyo xisaabta. Hadafku waa in la helo isku kalsooni iyo niyad, iyo in la abuuro qorshe mustaqbalka ah.

Qaabka koorsadu wey kala duwanyahay iyadoo hadba ku xiran astaanta iskoolka iyo baahida iyo waxyaabaha ay ka qeyb galayaashu doonayaan. Waxbarashadu waxay ka duuleysaa habka waxbaridda ee dugsiga shacbiga ee dadka waaweyn. Ka qeyb qaadasho firfircoon, wadahadal iyo koox wax ku barasho ayaa aasaasi u ah ka qeyb qaadashada wax dhigashada.

Koorsada ka dib laga yaabee in aad dooratid in aad waxbarasho ka sii wadatid waxbarashada dadka waaweyn ama koorso guud oo ah iskoolka shacbiga ee dadka waaweyn ee u dhigma heerka waxbarashada dugsiga hoose-dhexe ama dugsi sare.

Waxbarashadu waxay ka jirtaa dugsiyada shacbiga ee dadka waaweyn waddanka oo dhan. Waxbarashadu waa waqti buuxa muddo 3 bilood ah.

Yaa loogu tala galay

Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaad u baahantahay sidoo kale in aad buuxisid waxyaabaha soo socda:

  • Waa in aad buuxisay 16 sano.
  • Waa in aadan lahayn shahaaddo dugsi sare ama waxyaabaha aasaasiga ah ee jaamacadaha lagu galo.

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waa annaga cidda si wadajir ah kuula qiimeyneyna in koorsada niyad u yeelidda xagga waxbarashadu ay kugu habboontahay.
  • Waxaan kaa caawin karnaa in aad heshid dugsi shacbi ah oo dadka waaweyn iyo fursad waxbarasho oo kugu habboon.
  • Dugsiga shacbiga ee dadka waaweyn wuxuu kuu soo saarayaa qorshe waxbarasho oo adiga laguugu tala galay.
  • Marka aad waxbarashada dhameysatid waxaa si ahaan lagu siinayaa shahaaddo koorsada ku aaddan, si ahaanna qorshe ku aaddan sida aad tallaabta xigta ee waxbarashada ama shaqada u qaadeysid.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah