Akademikertjänst korta vägen

Jidka gaaban ee adeegga jaamiciyiinta (Akademikertjänst korta vägen) waa waxbarasho diyaargarayn ah oo laguugu talagalay haddii aad tahay jaamici. Waxbarashadu waxay kuu diyaarinaysaa shaqo waafaqsan sooyaalkaagii jaamacadeed ama in aad sii waddo waxbarashada.

Waa maxay jidka gaaban ee adeegga jaamiciyiinta?

Jidka gaaban ee jaamiciyiintu waa waxbarasho shakhsi ah oo ka kooban cutubyo kala duwan. Cutubyada qaar, waa laga rabaa qof kasta, halka qaarkoodna la dooran karo. Waxbarashadu waxay soconaysaa ilaa lix bilood oo wakhti buuxa ah.

Ujeedada waxbarashadu waa in adigaaga jaamiciga ahi aad hesho shaqo waafaqsan waxbarashadaadii jaamacadeed oo aad wakhti dheer ka shaqayn karto, haddii kale aad sii wadato waxbarashadaada jaamacadeed.

Yaa heli kara jidka gaaban ee adeegga jaamiciyiinta?

Jidka gaaban ee adeegga jaamiciyiintu wuxuu quseeyaa adigaaga shaqa-raadiska ah ee soo dhigtay jaamacad ugu yaraan laba sano.

Waxaad ka qaybgeli kartaa waxbarashada haddii aad tahay jaamici

  • Wax ku soo bartay debedda
  • Wax ku bartay Iswiidhan har
  • Ama helay waxqabad la xiriira baxnaanada dib-ulaqabsiga.

Waxaad kale oo u baahantahay in aad si fiican u taqaan Af Iswiidhishka. Waa in aad dhammaysay Luqada iswiidhishka oo loogu tala galay soo galootiga D (sfi) ama aqoon luqadeed oo u dhiganta.

Sidan ayey wax u dhacayaan

  1. Taageero kugu habboon

Waxbarashada waxaannu ku bilaabaynaa in aannu baarno oo hubsanno aqoontaada guud iyo bal in jidka gaaban ee jaamiciyiintu yahay taageero kugu habboon iyo markaa waxa aad u baahantahay in aad samayso wakhtiga waxbarashada dhexdiisa.

  1. Waxbarasho goobta la imanayo ama fogaan lagu baranayo

Waxbarashadu waxay ka jirtaa meelo badan oo dalka ka mid ah. Waxbarashadu waxay ka dhacaysaa goobta laakiin waxaa jirta fursado wax lagu baran karo iyada oo aan goobta la iman, haddii ay kugu fogtahay degmada waxbarashadu.

  1. Cutubyo, qaybaha kala duwan ee waxbashada

Marka laga reebo cutubka koowaad ee hubsashada ah oo ah cutub qasab ah, waxaa jira cutubyo kale oo qasab ah: Waxbarasho ka dhacaysa goob shaqo iyo hagitaanka jaamici. Wxay ku siin aqoon ku saabsan xirfadaha kugu habboonaan kara, kaana dhigi kara qof aad u diyaarsan marka aad shaqo galayso ama aad sii wadanayso waxbarashadaada jaamicinimo. Taa waxaad ku heli baraagtiig aad ku samayso xirfaddaa kugu habboonaan karta.

Taas ka dib, waxaa ku xigaya cutubyada shakhsi ahaan loo dooran karo, adiga oo baahidaada ku salaynaya. Tusaale ahaan waxay noqon kartaa Af Iswiidhishka heer jaamacadeed, aqoonta dhijitaalka ee goobta shaqada, habka waxbarashada sare, habka wax loo lafaguro iyo hubinta maraajicda tixraaca, itixaanka Af iswiidhishka, hagitaanka xirfadeed, jihaynta nolosha shaqada iyo sinnaanshaha ragga iyo dumarka.

  1. Maxaa dhacaya, markaa ka dib?

Ujeedada waxbarashadu waa in laguu diyaariyo shaqo la heer ah waxbarashadaada jaamaceed iyo waayo-aragnimadaada ama in laguu diyaariyo dhammaystirka waxbarasho jaamacadeed.

Sidoo kale waxaad qaadan doontaa caddayn ku saabsan aqoontaada xirfadeed ee aad leedahay ama aad yeelatay wakhtigii aad ku jirtay baraagtiigga.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah