Uppdragsutbildningar för akademiker

Haddii aad haysato shahaado jaamacadeed, waxaad ku kabi kartaa koorsooyinka ku jira waxbarashooyinka naloo xilsaaray. Ulajeeddadu waa in laguu sahlo inaad shaqo ku hesho mihnaddaada ama la kordhiyo fursadda aad uga gudubi karto imtixaanka aqoonta ee xirfadaha aqoonsiga leh.

Maxay yihiin waxbarashooyinka la idiin xilsaaray ee jaamiciyiinta?

Xafiiska shaqadu wuxuu jaamacadaha kala shaqeeyaa waxbarashooyinka naloo xilsaaray ee uu maalgeliyo Xafiiska shaqadu, waxayna khuseeyaan waxbarashooyinka ku aaddan xirfadaha ay ka jirto baahi loo qabo shaqaale la shaqaaleysiiyo. Ulajeeddadu waa in adigaaga haysta shahaado jaamacadeed aad ku kabi karto koorsooyin kuu sahlaya inaad xirfaddaada shaqo ku hesho ama kor u qaadaya fursadda aad kaga gudbi karto imtixaanka aqoonta xirfadaha aqoonsiga leh.

Waxbarashooyinku waa heer jaamacadeed, xaaladaha qaarna waxay ku siinayaa buundooyin jaamacadeed. Adigaaga ka qaybqaadanaya waxaad codsan kartaa taageerada dhaqdhaqaaqa (aktivitetsstöd), ee aan ahayn lacagaha waxbarashada (studiestöd) ee laga qaato CSN-ta. Waxbarashooyinka naloo xilsaaray waxaa la dhiganayaa waqti buuxa, waxaana lagu bixinayaa kulan la’aan. Micnaha waxaad degganaan kartaa meel kasta oo dalka ka mid ah.

Waxbarashooyin badan oo naloo xilsaaray waxay ku billaabanayaan iswiidhish heer jaamacadeed ah ama waxyaabo kale oo diyaarin ah, waxayna ku dhamaan karaan tababbar shaqo oo xagga xirfadda ah. Waxbarashada diyaarinta ah iyo tababbarka shaqo waxaa fulinaya khadka Jaamiciyiinta ee Waddada Gaaban (Akademikerspåret Korta Vägen). Waxaad ka qaybqaadan kartaa Khadka Jaamiciyiinta ee Waddada Gaaban, xataa waxbashada naloo xilsaaray la’aanteed.

Yaa dhigan kara waxbarashada naloo xilsaaray?

Waxbarashooyinka waxaa loogu talagalay adigaaga shaqa doon ahaan uga diiwaan gashan xafiiska shaqada, shahaaddana ku haysta waxbarashada iminka taagan. Jaamacadda ayaa qiimeyneysa mudnaantaada, Xafiiska shaqada ayaana go'aan ka gaaraya gelitaanka. Waxaad u baahantahay inaad taqaannid Iswiidish wanaagsan.

Waxbarashooyinka naloo xilsaaray ee billaabanaya 2023

Xirfadahan aqoonsiga leh, waxaan u haynaa waxbarashooyin naloo xilsaaray inta lagu jiro 2023. Halkan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan billaabashada koorsooyinka iyo linkiyo ku aaddan macluumaad dheeraad ah iyo sida la isugu qori karo waxbarasho walba goonideeda.

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Adigaaga waddan aan Iswiidhan ahayn ka haysta shahaado u dhiganta injineer xagga beeraha ah/beero yaqaan waxaad soo sheegi kartaa inaad daneyneysid 6 Febraayo ilaa iyo 26ka Febraayo. Waxaa 22-ka Mey lagu billaabayaa isu diyaarinta diraasadda jaamacadda/Af Iswiidhishka jaamacadda, dabadeedna waxaa xigaysa koorsada SLU oo 14ka Agoosto ka bilaabanaysa SLU. Tababbar shaqo, waxbarashada ka dib

Macluumaad dheeraad ah iyo isdiiwaangelin (utbildningtradgard2023.se) ( Af iswiidhish)

Adigaaga ah farmashiiste shahaado ka haysta meel ka baxsan EU/EEA, la xiriir mashruuca Senna si ay kaaga caawiyaan akhrinta imtixaannada aqoonta, muxaadarooyin farmashiiste la xiirra, booqashooyin waxbarasho iyo wax kale, ka hor inta aadan codsan aqoonsiga Iswedishka ah.

Macluumaad dheeraad ah (sverigesfarmaceuter.se/senna) (Af iswidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Waxaa juun 2023 lagu billaabayaa isu diyaarinta diraasadda jaamacadda/Af Iswiidhishka jaamacadda, dabadeedna waxaa xigaysa koorsada Jaamacadda Mälardalen oo billaabanaysa Agoosto 2023. Adigaaga leh waxbarasho dhaqaalayahan oo ugu yaraan heer bajolaar ah/dhaqaaleyahan rayid ah, oo ka haysta Iswiidhan ama waddan kale, ku soo dhawaw inaad is qorto 13 Febraayo ilaa iyo 12 Maarso. Tababbar shaqo, waxbarashada ka dib

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (mdu.se) (af Iswiidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Hagitaan iyo diyaar-garow ka horreeya waxbarasho heer jaamacadeed ah/af-Iswiidhish heer jaamacadeed ah, oo bisha oktoobar 2023 ka billaabaneysa Jaamacadda Farsamada ee Luleå. Adigaaga ah injineerka ee ugu yaraan Bajolaar ka haysta Iswiidhan ama waddan kale, lehna takhasus habboon, waad soo gudbin kartaa daneyntaada. Haddii loo baahdo, tababbar shaqo, waxbarashada ka dib Wuxuu codsigu hordhac ahaan furmayaa bisha agoosto.

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (ltu.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Hagitaan iyo diyaar-garow ka horreeya waxbarasho heer jaamacadeed ah/af-Iswiidhish heer jaamacadeed ah, oo bisha oktoobar 2023 ka billaabaneysa Jaamacadda Farsamada ee Luleå. Adigaaga ah injineerka ee ugu yaraan Bajolaar ka haysta Iswiidhan ama waddan kale, lehna takhasus habboon, waad soo gudbin kartaa daneyntaada. Haddii loo baahdo, waxaa jiraya tababbar shaqo, waxbarashada ka dib Wuxuu codsigu hordhac ahaan furmayaa bisha agoosto.

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (ltu.se) (Af Iswiidhish)

Filin ku saabsan waxbarashada naloo xilsaaray ee injineernimada korontada iyo tamarta (Af Iswiidhish)

Waxbarasho Aan la kulmayn oo waqti-buuxa ah oo loogu talagalay imtixaanka aqoonta, aqoonsiga Iswiidhishka ka hor. Hordhaca ahaan Jaamacadda Lund ka billaabanaya Noofambar 2023. Diiwaangelintu waxay hordhac ahaan furmeysaa Agoosto. Adigaaga haysta shahaado dhakhtarnimo oo ajnabi ah, kalkaalisanimo, kalkaaliye-raajiyiistanimo, daaweeyaha jimicsiga, umuliso ama dhakhtar ilko waxaad soo sheegi kartaan xiiseyntaada.

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (lu.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Hordhaca ahaan Jaamacadda Lund ka billaabanaya Agoosto 2023. Adigaaga shahaado dhakhtarnimo ka haysta waddan ka baxsan EU/EEA ayaa soo gudbin kara daneyntaada. Diiwaangelintu waxay hordhac ahaan furmeysaa bisha Maarso.

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (lu.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Hordhaca ahaan Jaamacadda Örebro ka billaabanaya Mey 2023. Adigaaga shahaado macallinimo ka haysta waddan ka baxsan EU/EEA ayaa soo gudbin kara daneyntaada. Weli ma cadda wakhtiga ay is qoristu billaabaneyso

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (oru.se) (Af Iswiidhish)

Filin ku saabsan waddada loo maro aqoonsiga macallinimada ee iswiidhishka (Af iswidhish)

ULV, waxbarashada dheeriga ah ee macalimiinta ajaanibta ah (ulvkompassen.se) (Af iswiidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah 7 usbuuc oo Af Iswiidhishka jaamacadeed oo Waddada gaaban ah ayaa billaabanaya bisha Agoosto 2023, dabadeedna waxaa xigaya 15 usbuuc oo la dhiganayo machadka Karolinska oo billaabmaya Oktoobar 2023. Adigaaga shahaado kalkaaliyanimo ka haysta waddan ka baxsan EU/EEA ayaa soo gudbin kara daneyntaada. Diiwangelintu waxay hordhac ahaan furmeysaa billowga Abriil.

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (ki.se) (Af Iswiidhish)

Waxbarasho aan la kulmayn oo waqti buuxa ah Ku billaabanaya Af Iswidhishka jaamacadeed bisha Juun 2023, dabadeedna waxaa xigaysa billaabashada Jaamacadda Södertörn ka billaabanaysa Agoosto 2023. Adigaaga leh waxbarasho dhaqaalayahan oo ugu yaraan bachelor ah/dhaqaaleyahan rayid ah, oo ka haysta Iswiidhan ama waddan kale, waxaa laguugu soo dhaweynayaa inaad isdiiwaangeliso inta u dhaxaysa 13 Febraayo iyo 12 Maarso. Tababbar shaqo, waxbarashada ka dib.

Macluumaad dheeraad ah iyo is qoris (sh.se) (Af Iswiidhish)

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.

Ka raadi halkan caawimaad dheeraad ah