Etableringsjobb

Asaaska shaqo (etableringsjobb) waxa loogu talogalay kuwa aan shaqeynayn mudo dheer ama soo-galaytiga cusub. Caawimada ayaa u kuu sahli doonta inaad shaqo ka heshid suuqa shaqada.

Waa maxay shaqada deegaamayntu?

Halkan asaaska shaqo, adiga oo bilaa shaqo ahaa mudo dheer ama soo-galayti cusub ah ayaa fursad u haysta aad ku raadsatid shaqo. Waxaad u baahan tahay inaad ka heshid shaqaaleysiiye adiga raba inuu ku shaqaaleysiiyo halkan asaaska shaqo.

Asaaska shaqo macneheedu waa shaqo kumeelgaadha, shaqo labada galinba ah labo sano iyadoo shaqaaleysiiye ku shaqo galinayo. Hadafku waa in asaaska shaqo kugu hagto shaqaaleysiin rasmi ah.

Qofkee heli kara shaqada deegaamaynta?

Waxaad shaqada deegaamaynta ku heli kartaa lacag, haddii aad 20 jir buuxisay oo aad bilaa shaqo tahay isla markaana aad shaqoraadin ugu qoran tahay Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen).

Waxa kale oo aad u baahan tahay in aad buuxiso arrimahan soo socda midkood:

  • Waxaad ahayd bilaa shaqo ama waxaad ka qaybqaadanaysay barnaamij la xiriira siyaasadda suuqa shaqada (arbetsmarknadspolitiskt program), ugu yaraan 24 bilood oo ka mid ah 27kii bilood ee u dambeeyay.
  • Waxaad ka qaybqaadataa barnaamijka la qabsiga dalka (etableringsprogrammet).
  • Waxaad tahay soo galooti cusub, waxaanad heshay 36-kii bilood ee u dambeeyey ruqsadda deggenaanshaha ama kaarka deggenaanshaha.

Mushahar

Dakhligaagu wuxuu ka kooban yahay mushaharka shaqaaleysiiyaha iyo magdhowga Sanduuqa Caymiska (Försäkringskassan). Wadajir, mushaharka iyo magdhowgu waa mushaharka ugu yar ee laga helo heshiiska guud ee arintaasi.

Dakhlihu waa hawlgabka, kabka xanuunka iyo maalgalinta bulshada (a-kassegrundande)

Gunnada shaqada deegaamaynta (forsakringskassan.se)

Ilaalinta shaqaalaynta

Asaaka shaqo waa shaqaaleysiin kumeelgaadh ah mudo labo sano ah. Qeybta (LAS) 5 ee xeerka ilaalinta shaqaaleysiinta iyo foomamka si guud la iskugu raacay ee shaqaaleysiinta oo aan qabaneyn asaaska shaqo. Sidaasi dareteed, asaaska shaqo si toos ah uguma badesho shaqaaleysiin toos ah.

Sidan ayey wax noqonayaan

1. Soo hel shaqabixiye doonaya in uu ku shaqaalaysiiyo

Adiga iyo shaqabixiyaha doonaya in uu ku shaqaalaysiiyo, labadiinnuba waa in aad buuxisaan shuruudaha ku xiran shaqada deegaamaynta si aad xaq ugu yeelato gunno.

Warbixin ku socota shaqabixiyaha oo ku saabsan shaqada deegaamaynta

Warbixin ku socota shaqabixiyaha oo ku saabsan shaqada deegaamaynta

2. Soo dir codsiga

Marka aad heshiisaan adiga iyo shaqabixiyuhu, waxaad soo codsanaysaa shaqada deegaamaynta. Codsiga waxaad ku soo qoraysaa:

  • Macluumaadkaaga,
  • Macluumaad ku saabsan shaqabixiyaha,
  • Waxbixn ku saabsan ka maqnaantaada suuqa shaqada.

Sidoo kale waxaad ku soo lifaaqi caddayn xaqiijinaysa macluumaadkaaga.

3. Caddayn-shaqabixiye

Si codsigu u dhammaystirmo waa in uu shaqabixiyuhu soo gudbiyaa warbixin ku saabsan hawlqabadkiisa iyo shaqaalaysiintaada oo ku qoran caddayn-shaqabixiye.

Caddayn-shaqabixiye oo qusaysa shaqada deegaamaynta Pdf, 412 kB.

4. Go’aan

Marka aannu kaa helno codsi dhammaystiran, waxaannu qiimaynaynaa in adiga iyo shaqabixiyuhu aad buuxinaysaan shuruuddii ku xirnayd shaqada deegaamaynta. Markaa ka dib ayaannu go’aan ka gaaraynaa in uu shaqabixiyuhu kugu shaqaalaysiin karo shaqada deegaamaynta. Ma bilaabaysid shaqada ilaa aad naga hesho go’aan.