Intensivår

Haddi aad ku cusubtahay Iswiidhan oo ka qaybqaadato barnaamijka saldhigashada markaas sanadka isdabajooga ah wuxuu kuu noqon karaa fursad. Hal sano ayaad xawaare sare wax ku baran kartaa ama tababar ku samayn kartaa goob shaqo wakhti buuxa iyo xilli firaaqaha. Hadafku waa in aad dhakhso u hesho shaqo.

Waa maxay

Sanadka isdabajooga ah waxaa loogu talogalay adigaaga ku cusub Iswiidhan ee ka qaybqaata barnaamijka saldhigashada. Adigu waxaad fursad u helaysaa in aad barato Iswiidhishka ama tababar goob shaqo shamayso wakhti buux xawaare sare si dhakhso aad u heso shaqo.

Waxaa lagugu boorinayaa in aad la kulanto la-taliye kana qaybqaadato hawlaha kale ee xilli firaaqaha ee kaa caawin kara inaad barato Iswiidhishka. Hadafku waa in marka aad dhammaysato sanadka isdabajooga ah aad awoodo inaad hesho shaqo dhinaca xirfad ama qayb shaqo oo aad dooratay. Marka aad dhammaystirto sanadka isdabajooga ah waxaad helaysaa shahaadada aqoonta taas oo ay ku caddahay waxa aad soo qabatay iyo nooca luuqaddaha iyo aqoonta xirfada ee aad leedahay.

Sanadka isdabajooga ah waxaa xooga la saaraa gaar ahaan sinaanta oo hadafku waa in haweenka iyo ragga labaduba si is leeg u helaan shaqo.

Yaa loogu talogalay

  • Sanadka isdabajooga ah waxaa loogu talogalay adigaaga ka qaybqaata barnaamijka saldhigashada.
  • Adigu waa in ay ugu yaraan 12 bilood kaaga harsantahay barnaamijkan.
  • Adigu waa in aad awoodo inaad ka qaybqaadato wakhti buuxa.

Sidan ayay u shaqaysaa

  • Si wadajir ah ayaanu kuula samaynaynaa marka hore daraasada waayoaragnimooyinkaaga hore.
  • Waxaanu qiimeynaa haddii sanadka isdabajooga uu adiga kugu haboonyahay.
  • Si wadajir ah ayaynu isula qaadanaynaa nooca xirfada ama nooca qaybta shaqo ee adiga kugu haboon.
  • Waxaanu samaynaa qorshaha hawlaha adiga kuu fiican.

Dhowr tusaale oo ka mid ah hawlahaas:

  • Barashada luqadda loogu talogalay adigaaga u baahan aqoonta aasaasiga ah ee Iswiidhishka: Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sfi) ama sfi-ga xirfada.
  • Qiimeynta aqoonta xirfada.
  • Tababarka goob shaqo oo isdabajoog ah.
  • Wadahadalo hagid iyo dhiirigelin lala yeesho xiriiriyaha shaqada kuna salaysan baahidaada.
  • Taageero laga helo la-taliye leh waayoaragnimada xirfadeed ee Iswiidhan iyo dhinaca qaybta shaqo ee aad doonaysid in aad ka shaqayso.

Inta lagu jiro sanadka isdabajooga ah waxaanu la soconaynaa sida wax kuugu socdaan kuna siinaynaa taageerada aad u baahantahay. In laga qaybqaato sanadka isdabajooga ah waa mid ikhtiyaari ah.

Sannadka hawsha isdabajoogga ah ee shaqa doonka, ka dib

Haddii aad hal sano ka qeyb qaadatay sannadka hawsha isdabajoogga ah, oo aad sameysay baraagtiig, af iswiidhishna soo dhigatay, waxaad heli kartaa caddeyn aan ugu yeerno shahaaddada aqoonta oo ku aaddan wixi aad baratay. Annaga Xafiiska shaqada ah ayaad nala soo xiriireysaa si aad u hesho shahaaddada aqoonta.

Yaa heli kara shahaaddada aqoonta?

Si aad u hesho shahaaddada aqoonta waa in aad sanad buuxa ka qeybqaadatay Sannadka hawsha isdabajoogga ah. Waa in aad dhigatay af Iswiidhishka oo aad goob shaqo tagtay, aadna baraagtiig sameysay ama si kale u heshay xirfado aqooneed. Si aad u hesho shahaaddada aqoonta waa in aad lix bilood gudohood nala soo xiriirto ka dib markii aad dhammeysay Sannadka hawsha isdabajoogga ah

Waa maxay sababta aan u qaadanayo shahaado aqooneed.

Shahaaddada aqoontu waxay sharraxeysaa wixi aad baratay, iyo aqoonta xirfadeed ee aad xirfadda u leedahay. Marka aad shaqo raadsaneysid ayaad isticmaali kartaa oo tusi kartaa shaqa bixiyaha shahaadada aqoonta.

Maxaan sameeyaa si aan u helo shahaado aqooneed?

La hadal qofka aad xiriirka kala leedahay Xafiiska shaqada ee ku caawinayay intii lagu jiray sannadka hawsha isdabajoogga ah..

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.