Arbetspraktik

Ma u baahantahay in aad heshid khibrad shaqo, korna u qaaddid fursadaha aad shaqo ku heleysid? Markaas tababar shaqo ayaa kugu habboonaan kara. In tababar shaqo aad goob shaqo ku qaadatid, adigaaga doonaya in aad shirkad furatid, waxay sidoo kale kuu noqon kartaa isdiyaar-gareyn.

Waa maxay

Arbetspraktik wuxuu ka dhiganyahay in laguugu tijaabinayo in aad goob shaqo ka shaqeysid. In aad heshid khibrad ku aaddan suuqa shaqada waxaad ku sii haysaneysaa, kuna xoojineysaa kartidaada aqoon- iyo khibradeed.

Haddii aad Swiidhan ku cusubtihid, aadna leedihid xirfad, laakiin aadan lahayn ama ay kugu yartahay khibaradda suuqa shaqada swiidhishku waxaad inta tababarka shaqo uu socdo heli kartaa in gacanqabte uu kuu qiimeeyo kartidaada aqoon- iyo khibradeed. Qiimeyntu waxay faa’iido kuu tahay marka aad dabadeed shaqo raadsaneysid. Qiimeyntu waxay qaadaneysaa ilaa iyo seddax usbuuc, waxaana lagu sameyn karaa goob shaqo, iskool xirfadeed ama meel la mid ah.

Yaa loogu tala galay

Tababar shaqo waxaa loogu tala galay adigaaga u baahan in aad heshid khibrad nololeed oo shaqo, aadna sidaas darteed kor ugu qaaddid fursadaha aad u leedihid in aad shaqo heshid. Waxaad u baahantahay in aad shaqadoon ahaan nooga ag qorantihid. Waxaa xitaa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso mid ka mid ah arrimahan:

  • Waxaad ugu yaraan jirtaa 25 sano, waxaad tahay shaqo la’aan ama waxaad khatar ugu jirtaa in aad shaqo la’aan noqotid.
  • Waxaad ka yartahay 30 sano, waxaadna qabtaa naafanimo saameyneysa karaankaaga xagga shaqada.
  • Waxaad jirtaa 18 sano, waxaad tahay shaqo la’aan, waxaadna u baahantahay taageero dheeraad ah si aad u gashid suuqa shaqada.
  • Waxaad tahay qof dhawaan waddanka yimid oo ka qayb-qaata ama ka qeyb qaatay etableringsprogrammet.
  • Waxaad ka qeyb qaadataa jobbgarantin för ungdomar ama jobb- och utvecklingsgarantin. .

Sidan ayey wuxu u shaqeeyaan

  • Waa annaga cidda qiimeyneysa in tababar shaqo uu taageero wanaagsan kuu yahay.
  • Waxaad dabadeed u baahantahay in aad heshid goob tababar-shaqo, adigoo kaligaa heleysid ama aan kaa caawineyno helitaankeeda. Waxaad tababar shaqo ku ag qaadan kartaa shirkado gaar loo leeyahay ama shaqo-bixiyayaal dowladeed.
  • Si wadajir ah ayaan adiga iyo shaqo-bixiyaha idiinla qorsheyneynaa sida uu tababarka shaqo u dhacayo. Waxaan sidoo kale wadatashi la sameyneynaa ururka shaqaalaha.
  • Tababarka shaqo ka bacdi waxaad goobta tababarka shaqo ka heleysaa shahaaddo tilmaameysa khibradaha aad heshay. Haddii tababarka shaqo ay ku jirto in la qiimeeyo kartidaada aqoon- iyo xirfadeed, waxaa lagu siinayaa natiijo qoraal ah oo ku aaddan qiimeynta.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.

Markii aad ka qaybgalayso barnaamij

Sidan ayaad u qaadeysaa tallaabta xigta

Nala soo xiriir

Is diyaari si aad u sheegi kartid sababta ay taageeradu kor ugu qaadeyso fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Qiimeyn

Si wadajir ah ayaan xaaladda sawir isagala qaadaneynaa. Qof ka shaqeeya xafiiska xiriirka shaqada ayaa qiimeynaya in taageeradu ay tahay qaab fiican oo kor u qaadeysa fursadahaaga ku aaddan shaqada.

Go’aan

Taageerada aan ku siin karno waxay ku xirantahay sida adiga xaaladdaadu u muuqato. Cidda taageerada xaqa u leh waxaa kor ka go’aamineysa xukuumadda.