Barnaamijka meelaynta
Barnaamijka meeleyntu waa taageero qaabkeedu yahay hawlo iyo waxbarasho oo loogu talogalay ajaanibka dalka ku cusub. Hadafkuna waa inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu barato afka iswiidhishka oo aad shaqo ugu hesho oo adigu masruufkaaga u la soo baxdo.
Waa maxay barnaamijka meelaynta?
Waa barnaamij ka kooban hawlo u habaysan shakhsiyan iyo taageero, taas oo lagu daray in adigu aad si fir-fircoon u raadsato shaqo. Hadafkuna waa inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu barato afka iswiidhishka oo aad shaqo ugu hesho oo adigu masruufkaaga u la soo baxdo.
Yaa ka qayb qaadan kara barnaamijkan?
Waad ka qayb qaadan kartaa barnaamijkan haddii aad buuxisay 20 laakiin aanad ahayn 66 sano oo dhawaan heshay sharciga deganaansho ee qaxoonti ahaan, gabood u baahan ama qaraabo.
Tani ayaad samayn kartaa dhinaca barnaamijkan
Adiga iyo shaqaale Xafiiska Shaqada ah ayaa qorshaynaya nooca hawlaha adiga sida ugu fiican kugu haboon si aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah aad u barato Iswiidhishka una hesho shaqo. Waa kuwan dhowr tusaale oo hawlahan ah:
- waxbarasho luqadeed looguna talogalay adigaaga aan haysan aqoonta aasaasiga ah ee iswiidhishka, Iswiidhishka loogu talogalay ajaanibka (SFI)
- waxbarashada maadooyinka cilmiga bulshada
- waxbarasho heerar kala duwan ah, haddii aad u baahantahay inaad horumariso ama dhisto aqoontaada
- tababarka goob shaqo
- taageero marka aad raadsanayso shaqo
- taageero iyo talo-bixin la siiyo adigaaga ka fikiraya inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah
- ansaxin.
- Sannadka hawsha isdabajoogga ah ee shaqa doonka:
Marka aan kulanno ayaad nooga sheekeyneysaa waaya-aragnimadaada xirfadeed, waxbarashadaada, waxa aad xiisayso iyo hiyigaaga. Waxaa muhiim ah inaan ogaanno haddii ay jiraan wax lala xiriirin karo caawimaadkaaga ama xaaladdaada ijtimaaciga ah oo wax ka beddeli kara fursadda inaad ka qaybqaadato dhaqdhaqaaqyo ama shaqayso. Haddii aad leedahay baahi gaar ah waxaan isku dayeynnaa inaad barnaamijkaas ka dhigno mid kugu habboon. Marka taasi dhamaato ayaynu si wada-jir ah u dejinaynaa qorshahaaga. Adigu waxaad qorshahaaga ka arki kartaa moobilka oo waxaad haysataa taageerada oo dhan oo ku urursan hal meel. Waxaanu wakhtigan oo dhan la soconaynaa sida wax kuugu socdaan kuna siinaynaa taageerada aad u baahantahay.
Barnaamijkan baahsanaantiisa
Barnaamijkan caadiyan waa wakhti buuxa. Haddii aad ku jirto fasax waalidnimo wakhti kala bar ah, ama aanad shaqayn karin wakhti buuxa iyadoo ay sabab u tahay xanuun ama hoos u dhac awooda ah, waxaa jirta fursad ah in laga qayb qaato barnaamijkan wakhti kala bar ah.
In laga qayb qaato barnaamijkan dabcan maaha khasab, laakiin haddii aad ku jirto waa khasab inaad fir-fircoonaato oo raacdo qorshaha aynu ku heshiinay.
Gunnooyinka iyo shuruudaha
Markii taageeradaan lagu siinayo waxaad ka qaybgalaysa barnaamij. Xaaladdaas waxaad gunnada ka dalban kartaa Khasnadda caymiska bulshada [Försäkringskassan]. Halkaan waxaad ka aqrisan kartaa warbixin dheeraad oo ku saabsan sida gunnada loo codsado, iyo shuruudaha u degsan ka qaybgelista barnaamijyada.
Markii aad ka qaybgalayso barnaamij
Waajibka waxbrasho – loogu talogalay adigaaga aan wakhti dheer wax soo baran
Haddii aanad soo dhigan wax iskuul ah, aad dhigatay oo keliya dugsiga hoose-dhexe ama aanad soo baran wax u dhigma dugsiga sare ee Iswiidhan waxaa ku khuseyn karta waajibka waxbarasho. Haddii aanu qiimeyno in sidaas arintaadu tahay waa inaad waxbarsho ka codsato waxbarashada dadka waaweyn ee degmadaada ama koorso lagu magacaabo koorsada guud lagana helo machadka dadka waaweyn.
Dheeraad ku saabsan waajibka waxbarasho
Haddii aad xanuunsato ama aad heysid carruur xanuunsaneysa
Haddii aad xanuunsato ama aad u baahantahay inaad guriga la joogtid caruur xanuusanaysa waa inaad nagu soo wargeliso arrintan.
Wargelinta maqnaanshaha marka aad xanuusanayso
Samee wargelinta maqnaanshaha ee daryeelka caruur xanuusanaysa (VAB)
Warbixinta hawlaha
Bil kasta waa inaad soo gudbisaa warbixinta hawlaha Tani muhiim ayay u tahay inaad hesho taageero sax ah dhinaca dariiqa shaqo ama waxbarasho iyo inaad magdhawgaaga ka hesho Qasnada Caymiska.