Marka aannu kugu guubaabinno in aad wax barato

Haddii aad ka qaybqaadanayso barnaamijka dammaanadqaadka shaqada iyo horumarka (jobb- och utvecklingsgarantin) ama barnaamijka laqabsiga dalka (etableringsprogrammet), waxaannu kugu qiimayn karnaa in aad u baahan tahay in aad wax barato si aad shaqo u hesho. Markaa waxaannu kugu guubaabin doonnaa in aad dalbato waxbarasho, waxaanannu ugu qoraynaa qorshahaaga hawlqabadka, in ay taasi tahay hawlqabad waajib ah.

Hawlqabadka waajibka ah ee in aad waxbarasho dalbato

Waxbarashadu waxay kor u qaadi kartaa fursadahaaga shaqo helidda. Halista ah in aad wakhti dheer bilaa shaqo ahaato, way badan tahay haddii aanad waxbarasho lahayn. Shaqabixiyeyaal badan ayaa baahi u qaba shaqaale laakiin waxaa ku adag in ay helaan dad leh waxbarasho ku habboon. Si aad uga shaqayn karto shaqooyinka jira, waxaad u baahan kartaa in aad waxbarasho gasho. Waxaa kale oo jiri kara in aad waxbarasho qabto laakiin aad u baahan tahay in aad xirfadda beddesho si aad kor ugu qaaddo fursadahaaga shaqo helidda.

Haddii aad ka qaybqaadanayso barnaamijka dammaanadqaadka shaqada iyo horumarka ama barnaamijka laqabsiga dalka oo aad qaadato lacag ah taageero hawlqabad (aktivitetsstöd) ama gunnada horumarka (utvecklingsersättning) ama gunnada laqabsiga dalka (etableringsersättning) waxaannu kugu guubaabin karnaa in aad dalbato waxbarasho, taas oo ahaanaysa hawlqabad waajib ah oo ku jira qorshahaaga hawlqabadka.

Hawlqabadku wuxuu noqonayaa in aad dalbato waxbarasho. Taasi waxay noqon kartaa in aad waxbarasho ka dalbato iskuulka dadka waaweyn (komvux), iskuulka dadweynaha (folkhögskola), iskuulka sare ee xirfadaha (yrkeshögskola), kulliyad ama jaamacad.

Marka lagugu guubaabiyo in aad dalbato waxbarasho nadaami ah, waxaannu hawlqabad ahaan ugu qoraynaa qorshahaaga hawlqabadka oo aad ka helayso marka aad gasho boggaaga (Mina sidor). Waxaa jira laba hawlqabad oo kala duwan oo aad midkood ka helayso qorshahaaga hawlqabadka:

  • Waxbarasho ka dalbo degmada ama iskuulka dadweynaha (folkhögskola) ama
  • Waxbarasho ka dalbo iskuulka sare ee xirfadaha, kulliyad/jaamacad ama iskuulka dadkweynaha (folkhögskola)

Hawlqabadka waxaa ku dhigan waxa lagaa rabo, yacnii in aad waxbarasho ka dalbato waxbarashada nadaamiga ah. Haddii aad hesho boos waxbarasho waa in aad aqbasho oo aad isla markaaba Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) ku soo wargeliso taariikhda ay waxbarashadu bilaabanayso. Waa muhiim in aad arrintaas markiiba soo sheegto si Xafiiska shaqadu u go’aamin karo in ay waxbarashadu ahaanayso hawlqabadkaaga.

Ka warbixinta hawlqabadka

Bil kasta waa in aad buuxbuuxiso warbixinta hawlqabadkaaga (aktivitetsrapport) si aannu ula soconno sida ay wax kuugu socdaan. Marka lagugu guubaabiyo in aad dalbato waxbarasho, waxaaa ku jiraya warbixinta waxqabadkaaga, saddex hawlqabad oo ay tahay in aad ka jawaabto. Waxaad gujinaysaa ”Waan sameeyey hawlqabadkii” (jag har gjort aktiviteten), waxaanad ku buuxbuuxinaysaa taariikhdii:

  • aad dalbatay waxbarashada
  • laguu oggolaaday waxbarashada
  • aad aqbashay waxbarashada.

Maxaa dhacaya haddii aan dalban waayo waxbarasho?

Haddii aad waxbarashada u dalban waydo si waafaqsan hawlqabadka ku jira qorshaha hawlqabadkaaga ama aad la habsaanto dalbashada, waxaad heli kartaa digniin ama in lagaa jaro taageerada hawlqabadka, taageerada horumarka ama taageerada laqabsiga dalka. Taasi waxay ka dhigan tahay in aad Qasnadda Caymiska (Försäkringskassan) ka heli karto gunno hoosaysa. Sidoo kale haddii laguu oggolaaday waxbarasho oo aad aqbali waydo, waa lagaa jari karaa gunnada.

Gunnada la helo marka waxbarashada lagu jiro

Haddii aad bilawdo waxbarasho, waxaad fursad u leedahay in aad hesho gunno noqon karta taageerada hawlqabadka, taageerada horumarka ama taageerada laqabsiga dalka, muddadaa ay waxbarashadu kuu socoto.

 

Waajibidda Waxbarashada – Adigaaga ku jira barnaamijka laqabsiga dalka, ee aan waxbarasho lahayn

Haddii aanad lahayn waxbarasho, isla markaana aad ka qaybqaadanayso barnaamijka laqabsiga dalka (etableringsprogrammet), waxaad soo geli kartaa dadka ay waajibka ku tahay waxbarashadu. Taasi waxay ka dhigan tahay in aad u baahan tahay waxbarasho si aad kor ugu qaaddo fursadahaaga aad shaqo ku heli karto isla markaana ay qasab tahay in aad waxbarasho ka dalbato iskuulka dadka waaweyn (komvux) ama iskuulka dadweynaha (folkhögskola).

 

Waxbarashadu waxay kor u qaadi kartaa fursadahaaga shaqo helidda. Halista ah in aad wakhti dheer bilaa shaqo ahaato, way badan tahay haddii aanad waxbarasho lahayn. Shaqabixiyeyaal badan ayaa baahi u qaba shaqaale laakiin waxaa ku adag in ay helaan dad leh waxbarasho ku habboon. Si aad uga shaqayn karto shaqooyinka jira, waxaad u baahan kartaa in aad waxbarasho gasho. Waxaa kale oo jiri karta in aad waxbarasho qabto laakiin aad u baahan tahay in aad xirfadda beddesho si aad kor ugu qaaddo fursadahaaga shaqo helidda.

Haddii soo gasho dadka ay waajibka ku tahay waxbarashadu, waa in aad barato:

  • sfi (Af Iswiidhishka loogu talagalay soo galootiga)
  • barashada bulshada iyo
  • Waxbarasho aasaasi ah ama heer dugsi sare ah oo aad ka dhigato iskuulka dadka waaweyn ama koorso guud oo aad ka dhigato iskuulka dadweynaha. Tusaale ahaan waxa aad akhrisan kartaa, waxbarasho xirfadeed, xisaab ama koorso ku siinaysa aqoon ku saabsan sida aad u adeegsanayso kombiyuutarka iyo internetka.

Waajibidda waxbarashadu waxay

  • Adigaaga ka qaybqaadanaya barnaamijka laqabsiga dalka.
  • Adigaaga leh waxbarasho
  • Adigaaga u baahan in aad wax barato muddada aad ku jirto barnaamijka laqabsiga dalka si aad shaqo u heli karto.

Sooyaal waxbarasho oo hooseeyaa, wuxuu ka dhigan yahay in aanad soo dhammaysan waxbarasho dugsi sare ah. Tusaale ahaan waxaa dhici karta in aad bilawday balse aanad dhammaysan dugsiga sare markii aad dalkaagii joogtay. Ama in aad soo dhigatay iskuulka hoose ama aanad iskuulba soo dhigan.

Hawlqabadka waajibka ah ee in aad waxbarasho dalbato

Hal hawlqabad ayaad ka helaysaa qorshahaaga hawlqabadka marka aad ka tirsan tahay dadka ay waxbarashadu ku waajibtay. Qorshaha hawlqabadka waxaad ka helaysaa marka aad gasho bogga (Mina sidor)

Hawlqabadkaasi waa qasab, waxaana lagu magacaabaa:

  • Waxbarasho ka dalbo degmada ama iskuulka dadweynaha

Hawlqabadka waxaa ku qoran waxa aad samaynayso. Waxaad aad waxbarasho aasaasi ah ama heer dugsi sare ah, ka dalbanaysaa iskuulka dadka waaweyn ama koorso guud oo aad ka dalbato iskuulka dadweynaha. Waa in aad waxbarashada dalbato inta aan la gaarin taariikhda ku qoran hawlqabadka.

Haddii aad hesho boos waxbarasho waa in aad aqbasho oo aad isla markaaba noo soo sheegto Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) ahaan, taariikhda ay waxbarashadu bilaabanayso. Waa muhiim in aad arrintaas markiiba soo sheegto si aannu u go’aamin karno in ay waxbarashadu ahaanayso hawlqabadkaaga.

Ka warbixinta hawlqabadka

Bil kasta waa in aad buuxbuuxiso warbixinta hawlqabadkaaga (aktivitetsrapport) si aannu ula soconno sida ay wax kuugu socdaan. Marka lagugu guubaabiyo in aad dalbato waxbarasho, waxaaa ku jiraya warbixinta waxqabadkaaga, saddex hawlqabad oo ay tahay in aad ka jawaabto. Waxaad gujinaysaa ”Waan sameeyey hawlqabadkii” (jag har gjort aktiviteten), waxaanad ku buuxbuuxinaysaa taariikhdii:

  • aad dalbatay waxbarashada
  • laguu oggolaaday waxbarashada
  • aad aqbashay waxbarashada

Maxaa dhacaya haddii aan dalban waayo waxbarasho?

Haddii aad waxbarasho ka dalban waydo iskuulka dadka waaweyn ama koorso guud oo aad ka dhigato iskuulka dadweynaha ama aad la habsaanto dalbashada, waxaad heli kartaa digniin ama in lagaa jaro gunnada laqabsiga dalka (etableringsersättning). Taasi waxay ka dhigan tahay in aad Qasnadda Caymiska (Försäkringskassan) heli karto gunno hoosaysa. Sidoo kale haddii laguu oggolaaday waxbarasho oo aad aqbali waydo, waa lagaa jari karaa gunnada laqabsiga dalka.

Gunnada aad helayso marka aad ku jirto barnaamijka laqabsiga

Nala soo xiriir

Haddii aanad hubin waxa aad samaynayso, waxaad naga soo wici kartaa lambarkan 0771-416 416.

Haddii aad ku jirto barnaamijka laqabsiga dalka oo aad u baahan tahay in aad warbixinta ku hesho af kale oo aan Iswiidhish ahayn , waxaad wacaysaa lambarkan 0771-860 100.