Sidan ayaad u buuxineysaa foomka nystartsjobb

Markii loo shaqeeyaha/shirkadda loo shaqeeyo u arjigiisa ku saabsan bilaabista shaqo cusub, waxaa foom kaaga muuqan doono [Mina sidor] waa in foomka aad buuxiso.

Su'aallaha foomka ku qoran waa inaad ka soo jawaabta, kuwaasoo ku saabsan muddada aad suuqa shaqada ka maqnayd. Haddii muddo aad u dheer aad suuqa shaqada ka maqnayd, waxaa lagu sii kordhinayaa fursadda aad ku heli lahayd Bilaabista shaqo cusub [nystartsjobb].

Sidii aan u qiimayn lahayn haddii aad buuxinayso shuruudaha lagu helo Bilaabista shaqo cusub [nystartsjobb] iyo in kale awgood, taasoo waafaqsanxeer-maamuleed (2018:43) taageerada Bilaabista shaqo cusub [nystartsjobb] ayaan jawaabtaada ugu baahan nahay. Jawaabtaada waa aqrisan doono oo keliya hawlwadeneyada Xafiiska Shaqada. Loo shaqeeyaha/shirkadda loo shaqeeyo lama siin doono fursad u ku/ay aqristo/aqrisato.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan shuruudaha lagu helo Bilaabista shaqo cusub [nystartsjobb], waxaa laga aqrisan karaa halka ay ku qoran yihiin ereyada

Ilaa intee ayaan warbixin-shaqsiyeedka kaydin doonaa?

Xogta ku saabsan shaqo-dooneha ee ku qoran kaydka kombyuutarka siyaasadda suuqa shaqada, waa laga khafiifin doonaa ugu dambeyn seddex sano kaddib dhammaadka sannadka maaraynta arrinta laga soo gabagabeeyay Xafiiska Shaqada. .

Sidan ayaan macluumaadkaaga qof ahaaneed u maareyneynaa

Sidan ayaad foomka u buuxineysaa

1. Ma shaqeysay ama wax ma baratay shantii sano ee ugu dambeysay? Waxaad dooran kartaa shaqo iyo waxbarasho labadaba.

Haddii aad shaqeysay

Ku buuxi waqtiyadii aad shaqeysay shantii sano ee ugu dambeysay.

Sheeg haddii ay baaxadda shaqadaadu kala duduwaneyd ama ay isku mid ahayd muddadaas.

Haddii ay shaqadaadu isku baaxad ahayd waxaad sheegeysaa boqolkiiba inta aad shaqeyn jirtay waqtiga aad dooratay. Tusaale ahaan haddii aad waqti buuxa shaqeyn jirtay waxaad sheegeysaa in aad shaqeyn jirtay 100%.

Haddii aad waxbaran jirtay

Ku buuxi waqtiyadii aad wax dhiganeysay, sheegna wixi aad dhigatay.

Dooro haddii aad dhigatay iskool shacbi ah, waxbarashada dadka waaweyn ee degmada, jaamacad xirfadeed ama jaamacad.

Dooro Iswiidhishka loogu tala galay ajaanibta (SFI) haddii aad dhigatay luqadda Iswiidhishka iyo cilmiga bulshada.

Dooro waxbarasho, adigoo maraya Xafiiska Shaqada haddii aad Xafiiska shaqada ka heshay go’aan ku aaddan waxbarasho xirfadeed.

Waxaad ku buuxin kartaa shaqada iyo waxbarashada labadaba adigoo gelinaya xilliyo badan.

Haddii aad waqtigaas shaqeysay waxay taasi saameyn kartaa fursadahaaga ku aaddan shaqada billawga ah.

2. Lacag bukaan ma qaadatay shanti sano ee ugu dambeysay?

Lacagta bukaanku waa lacag ka timaada Qasnadda Caymiska. Caddeyn muujineysa waqtiga aad Qasnadda Caymiska ka qaadatay lacagta bukaanka u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. In aad qaadatay lacag bukaan waa ay saameyneysaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

3. Shanti sano ee ugu dambeysay ma qaadatay lacag baxnaanin?

Lacagta baxnaanintu waa lacag ka timaada Qasnadda Caymiska. Caddeyn ka timid Qasnadda Caymiska oo muujineysa waqtiga aad qaadatay lacagta baxnaaninta u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. In aad qaadatay lacag baxnaanin waa ay saameyneysaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

4. Lacag bukaan socod ma qaadatay shanti sano ee ugu dambeysay?

Lacagta bukaan socodku waa lacag ka timaada Qasnadda Caymiska. Caddeyn ka timid Qasnadda Caymiska oo muujineysa waqtiga aad qaadatay lacagta bukaan socodka u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. In aad qaadatay lacag bukaan socod waa ay saameyneysaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

5. Lacagta bukaanka ama naafada dhallinta yar ma qaadatay shanti sano ee ugu dambeysay?

Lacagta bukaanka ama naafada dhallinta yar waa lacag ka timaada Qasnadda Caymiska. Caddeyn ka timid Qasnadda Caymiska oo muujineysa waqtiga aad qaadatay lacagta bukaanka ama naafada dhallinta yar u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. In aad qaadatay lacagta bukaanka ama naafada dhallinta yar waa ay saameyneysaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

6. Shanti sano ee ugu dambeysay ma qaadatay kaalmo dhaqaale?

Kaalmo dhaqaale oo xitaa loogu yeeraa kaalmada masruufku waa lacag kaaga timaada degmadaada. Caddeyn ka socota degmadaada oo muujineysa waqtiga aad qaadatay kaalmada dhaqaale u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. In aad qaadatay kaalmo dhaqaale waa ay saameyneysaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

7. Shanti sano ee ugu dambeysay ma heysatay shaqo la ilaaliyay?

Shaqo la ilaaliyay waa shaqo qofka tabartiisa waafaqsan oo ay degmadu bixiso halkaas oo shaqa bixiyuhu uu lacag ku qaadanayo shaqaaleysiintaada. Caddeyn ka socota degmadaada oo muujineysa waqtiga aad heysatay shaqo la ilaaliyay u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. Shaqo la ilaaliyay waa ay saameyneysaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

8. Xabsi ma laguugu xukumay ugu yaraan hal sano?

Ku buuxi taariikhda ay ciqaabta laguugu xukumay billaabatay- iyo taariikhda ay dhammaatay. Caddeyn ka socota Ciidanka Asluubta oo taas muujineysa u soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. Jawaabahaaga waxaa arki karaya oo keliya gacanhayaha Xafiiska Shaqada. Waqtiga ciqaabta ee laguugu xukumay waa uu saameynayaa fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

9. Shanti sano ee ugu dambeysay ma qaadatay sharci degganaasho?

Sharciga degganaashada waxaad ka heleysaa Laanta Socdaalka si aad u joogtid, ugana shaqeysatid Iswiidhan. Warqadda go’aanka ee kaaga timid Laanta Socdaalka ee muujineysa koodka derejada iyo taariikhda go’aanka la gaaray koobi ka soo dir ama u keen Xafiiska Shaqada. Koodadka derejadu waa ay saameynayaan fursadahaaga ku aaddan nystartsjobb.

10. Shanti sano ee ugu dambeysay guri ma la joogtay canug?

Ku buuxi taariikhda aad billawday- iyo taariikhda aad dhammeysay haddii

  • aad canug laba sano ka yar kula jirtay fasax waalidnimo, adigoo Qasnadda Caymiska lacag ka qaadanaya ama adigoo ka qaadaneynba. Ceddeyn tusaale ahaan muujineysa da’da canugga ka soo qaado Laanta Canshuuraha. Xafiiska Shaqadu wuxuu koontaroolayaa macluumaadkaaga ku aaddan in uu canuggu laba sano ka yaray marki aad kula jirtay fasaxa waalidnimada.
  • aad fasax waalidnimo kula jirtay canug la kafaalaqaaday, aadna fasaxa
    waalidnimada ku jirtay laba sano gudohood, imaanshada canugga ka dib. Keen caddeyn muujineysa goorta uu canuggu kuu yimid. Xafiiska Shaqadu wuxuu koontaroolayaa macluumaadkaaga ku aaddan in marki aad fasaxa waalidnimada ku jirtay ay laba sano gudeheed ahayd ka dib marki uu canuggu idiin yimid.
  • aad guriga joogtay oo aad xannaaneyneysay canugga xanuunsan. Ceddeyn tusaale ahaan muujineysa da’da canugga ka soo qaado Laanta Canshuuraha. Haddii aad guriga la joogtay canug laba sano ka yar, waa laga boodi karaa waqtigaas. Waxay taasi ka dhigantahay in waqtigan laga boodayo marka la isku dardarayo dhammaan inta aad suuqa shaqada ka maqneyd. Waa muhiim in aad waqtigan ku buuxisid maxaa yeelay marka la isu geeyo waqtiga maqnaashada ee la oggolyahay waa in uu is heysto si aad fursad ugu heshid nystartsjobb.