Marka aad xaqiijineysid shaqooyin aad codsatay

Boggan waxaa loogu talagalay adigaaga naga helay warqad aan kaaga codsaneyno inaad xaqiijiso shaqooyin aad codsatay oo aad ku soo bandhigtay warbixinta dhaqdhaqaaqaaga. Waxaad taas ku samayn kartaa laba siyaabood, adigoo foomka jawaabta ee guriga kuugu yimid la soo diraya caddeymo ama soo buuxinaya, soona diraya foomka boggan hoos uga yaal.

Maxay yihiin caddeymaha aad soo direysid?

Warqadda guriga kuugu timid ayey ku qoranyihiin shaqooyinka aad codsatay, macluumaadka waxaan ka helnay warbixinta dhaqdhaqaaqaaga. Soo dir caddeymo xaqiijinaya inaad codsatay shaqooyinka. Waxaad tusaale ahaan ku soo lifaaqi kartaa:

  • codsigaaga shaqada ama CV-gaaga
  • dukumiinti kale, tusaale ahaan jawaabta shaqa bixiyaha ee muujinaysa inaad codsatay shaqada, ama caddeyn muujinaysa in shaqa bixiyuhu uu helay codsigaaga shaqada
  • sawir-shaashadeed xaqiijinaya inaad shaqada codsatay.

Maxaa dhacaya haddii aadan jawaabin?

Haddii aadan soo jawaabin waqtigii loogu talagalay, ama aadan xaqiijin karin shaqooyinka aad codsatay ee aad ku soo bandhigtay warbixinta dhaq-dhaqaaqaaga, waxaa laga yaabaa inaad hesho digniin ama aad gunno la’aan noqoto hal ama dhowr maalmood.

Shuruudo ku aaddan marka aad gunno ka qaadato qasnadda shaqa la'aanta

Shuruudaha gunnada ee barnaamijyada

Sidan ayaad u soo direysaa caddeymahaaga

Waxaad caddeymo soo direysaa oo keliya marka aad naga hesho warqad ku aaddan inaad na tusto shaqooyinka aad codsatay ee aad ku soo bandhigtay warbixinta dhaq-dhaqaaqaaga. Waxaa jira laba siyaabood oo aad caddeymahaaga ku soo diri karto- adigoo adeegsanaya foomka boggan ku yaal ama boosto ku soo diraya.

Boosto ku soo dir haddii aad tahay qof xogteed la qariyo

Haddii aad tahay qof xogteeda la qariyo, fadlan ha isticmaalin foomka boggan. Markaas boostada ku soo jawaab. Isticmaal foomka jawaabta ee aad warqad ahaan u heshay oo boostada noogu soo dir iyadoo ay caddeymahaagu la socdaan.

Isticmaal foomka boggan haddii aadan ahayn qof xogtiisa la qarinayo

Haddii aadan ahayn qof xogtiisa la qarinayo, waxaad isticmaali kartaa foomka boggan si aad noogu soo gudbiso caddeymaha.

Isdiyaari ka hor inta aanad billaabin buuxinta foomka

Waxaad u baahantahay inaad caddeymahaaga urursatid oo ay diyaar kuu noqdaan ka hor inta aanad billaabin buuxinta foomka. Markaas ka dib degdeg ayaad u buuxin kartaa foomka, ku lifaaqi kartaa caddeymaha, una soo diri kartaa jawaabtaada. Sababo ammaan dartood, faylasha aad ku lifaaqday foomka waa la tuurayaa haddii aanad bogga ku ku samayn wax dhaqdhaqaaq ah 60 daqiiqo.

Foomka lagu xaqiijinayo shaqooyinka la codsaday

Waxaad ku lifaaqi kartaa faylal ugu badnaan ah 12 MB.

Observera!
Du ska bara använda formuläret om du har fått ett brev från oss om att du ska lämna in underlag för att visa att du har sökt de jobb som du har redovisat i din aktivitetsrapport.

(KON20XXXXXXXXX) Ange endast siffrorna. ÄrendeID hittar du högst upp på brevet du fått.
11



10


Filformat som du kan bifoga: doc, jpg, pdf, png, zip, docx, txt, gif, ppt, pptx, jpeg. Du kan bifoga filer som totalt är på max 12 MB.
Vill du att vi lägger till dina uppgifter till ditt ärende? * (mandatory)
Vill du att vi lägger till dina uppgifter till ditt ärende?